Buuggayga xasuus qorka Wuxuu dadka soo galootiga ah ka caawinayaa sidii ay wax uga qabsan lahaa xafiisyo badan oo Helsinki ku yaal Magaca: Taariikhda. Qofka shooshalka kuu ah Telefoon: Qofka haggaha shooshalkaaga: Telefoon:
Socca- Pääkaupunkiseudun sosiaalialan kehittämiskeskus www.socca.fi Helsingin Maahanmuuttoyksikkö, Helsingin kaupunki Toteuttanut Ruth Tegene Alkuperäinen ulkoasu: Mehalet Yared Lokakuu 2011
Tusmada Haggis ku saabsan isticmaalidda buuggaaga xasuus qorka... 3 WAAXDA SHOOSHALKA IYO QAYBA SOO HAAJIRISTA... 4 BANGIGA... 6 XAFIISKA DIIWAANGELINTA (MAISTRAATTI)... 7 BAADHITAANKA CAAFIMAAD EE LA XIDHIIDHA MARKA DALKA LA SOO GALO... 8 KELA... 8 XAFIISKA SHAQADA IYO QUUTAL-DARUURIGA... 12 WAAXDA SOCDAALKA... 13 BOOLISKA... 13 GURYAHA... 17 DARYEELKA CAAFIMAADKA (TERVEYDENHUOLTO)... 20 XANNAANADA CARRUURTA EE MAALINIMADA AH... 23 DUGSIGA DHEXE... 23 GAADIIDKA DAWEYNHA KA DHEXEEYA... 24 WAXYAABAHA KALE EE MIHIIMKA AH... 25
Ku soo dhowow macaamiil ka noqoshada Helsinki qaybta soo galootiga! Buuggan xasuus qorka ah adiga ayaa laguu sameeyey, si uu xasuustaada u caawiyo. Tan macnaheedu waxay tahay in ay kuu sahasho bilowga hore ee Finland. Buuggaagan waxaa ku jira arrimo mihiim ah oo hay adaha dowladda la xidhiidha, kuwaas oo aad u baahan tahay markaad iyaga u baahatid. Intaas waxaa dheere oo buugga laguugu sheegayaa arrimo kala duwan oo la xidhiidha xagga caawimada iyo sharciyada iyo cidda heli karta. Markaad sharciga kuugu horeeya aad hesho, waxaad buuxinaysaa codsiyo kala duwan sidoo kale waxaad tegeysaa xafiisyo dowladdeed oo dhowr ah. Waxaa laga yaabaa in bilowga hore xoogaa kugu adkaato. Waxaadse adigoo isticmaalaya buuggaaga xasuus-qorka la soconaysaa sida hawlahaagu u socdaan. Waxaa salaan halkan idiinka soo gudbinaysa ardayad barata cilmiga shooshalka Ruth Tegene iyo shaqaalaha Helsinki qaybteeda soo haajirista. Haggis ku saabsan isticmaalidda buuggaaga xasuus qorka Isku talaab mari, markii aad buuxiso codsi ka mid ah codsiyada xafiisyada dowlada. Dhinaciisa waxaad ku qortaa maalintii codsiga aad ka tagtay. Waxaad kaloo qortaa goortii aad jawaabta heshay iyo nooca jawaabta aad heshay. Tusaale: Ka kabista kirada (asumistuki) ee Kela waxaan geeyey 1.1.2009 waxaa kaloo aan go aanka helay 1.2.2009 iyo tusaale ahaan lacagta laguu ogolaaday ee kirada lagaaga kabayo oo dhan 200 /bishii. Laga tegey : 1.01.2009 Go aanka: 1.2.2009 200 /bishii 3
WAAXDA SHOOSHALKA IYO QAYBA SOO HAAJIRISTA Waxqabadka waaxda Shooshalka Waaxda shooshalku waxay damaana qaadaa in carruurta, dhalinta in si fiican u barbaaraan, waxay xaqiijisaa dadka waaweyn waxqabadkooda iyo mas uuliyaddooda iyo weliba in dadka da da ama waayeelka ahi u heli lahaayeen nolol wanaagan oo qiimo leh. Waaxda soo galootiga Waaxda soo galootigu waa qayb shooshal oo hoos timaadaa magaalada Helsinki. Waxay u qaban-qaabisaa adeegyo xagga shooshalka ah dadka qaxootiga ah ee Helsinki sida joogtada ah u deggan siddii ay wadanka ula qabsan lahaayeen. Waaxda soo galootiga waxaa macaamiil ka ah dadka qaxootiga ah ee haysta sharciga degenaanshaha joogtada ah. Macaamiil ahaanshuhu waxay qaadataa ilaa saddex sano oo ka soo bilaamaysa maalintii xafiiska diiwaangelinta layska diiwaangeliyey. Waaxda soo galootiga Wakhtigay furan tahay: Isniin Jimce saacadda 9.00-15.00 Ciwaanka: Dagmarinkatu 6, 00100 Helsinki Telefoonka la wici-karo xaaladdaha degdegga ah wakhtiga xafiisku xidhan yahay telefoon: 09 31037577. Waaxda soo galootiga waxaa kuugu diyaar ah adiga ama reerkaaga laba ama saddex shaqaale ah, kuwaas ku caawinaya intaad ku jirtid xaaladda la qabsiga wadanka. Qofka shaqaalaha shooshalka ah Qofka shaqaalaha shooshalku wuxuu qabtaa sida:. in ay macaamiisha ku haggista bulshada finnishka qorsheynta la qabsiga wadanka arrimaha xaasaska arrimaha dhaqaalaha la xidhiidha in ay u adeegto carruurta aan qaangaadha ahayn ee aan waalidkood la socon. 4
Hagaha shooshalka Qofka hogaha shooshalka ah shaqadiisu waxay tahay tusaale ahaan. in ay macaamiisha ku haggista bulshada finnishka marka wadanka la soo gelayo oo ay wax u habeeyaan qofka arrimaha qaabilsan baasaboorka-,waraaqaha safarka- iyo wixii sharciyada la xidhiidha iskuulada- iyo xannaano maalmeedka sida koox ahaan loogu wada shaqeeyo Khabiirka la tilinta maskaxeed (Psykologi) Khabiirka maskaxda (psykologi) wuxuu qaabilsan yahay arrimaha la xidhiidha maskaxda. Khabiirka la talinta maskaxeed shaqadiisu waxay tahay? arrimaha xaasaska talin bixin iyo hagis diris iyo qoraal uu qoro Qofka go aanka ka gaadho dhaqaalaha ee shooshalka (Etuuskäsittelijä) Qofkani wuxuu go aan ka gaadhaa dhaqaalaha shooshalka laga helo. Adiga waxaa ku caawinaya Waaxda soo galootiga iyo qaar kale oo xirfadlayaal ah qaybna ka ah shooshalka iyo caafimaadka. Shaqaalaha shooshalka ee ka shaqeeya waaxda soo galootigu waxay qabanqaabiyaan kulamo lagu horumarinayo la qabsiga wadanka. Sida kulamada looga qaybgalo Taariikhda Kulanku muxuu yahay 5
Lacagta kabista (Toimeentulotuki) Haddii shaqada aad hayso ama meello kale aan dhaqaale kale kaa soo gelin, waxaad xaq u leedahay in aad qaadatid lacagta kabista ee shooshalka laga qaato. Lacagta kaalmada ah waxaa loogu talagalay in qofku markuu wax kale waayo lagu caawiyo. Waxaad foomka dalabka geysaa xafiiska shooshalka ka hor laba asbuuc markii aad u baahato taakulayn ku la xidhiidha dhaqaalaha.. Haddii aad heshid lacagta kaalmada ah waxaa suurowda in ay isbedesho cadadkeedu waxaanay ku xidhan tahay hadba wixii ku soo gala. Tusaale ahaan mushaharka iyo Kela wixii laga helo waxay isbedel ku keeni karaan cadadka lacagta kaalmada ah ee laga helo xafiiska shooshalka. Ku soo Lifaaq: Waraaqda mushaharka Go aanada ku saabsan caawimada aad Kela ka hesho Heshiiska kirada Waraaqaha bangiga ee ka turjumaya waxa bangigaaga soo galay Wixii kale ee lagaa codsado Haddii aad lacagta kaalmada ah hesho waxaa laguugu soo shubayaa bangigaaga. Haddii aadan bangi lahayn waxaa lagaa siinayaa xafiiska Xafiiska lacagta Wakhtiyada uu furan yahay Isniin - Jimce 8.00-16.15 Ciwaanka: Toinen linja 4A, 00530 Hakaniemi, Helsinki Waraaqo wax lagu gadan-kato (Maksusitoumus) Waraaqaha wax lagu gadan-karo waa waraaqo la waafaqsan in wax lagu gato, taas Waaxda soo galootigu bixiyaan isla markaana leh cadad lacag ah oo ku qoran, waxaana wax lagaga iibsan karaa sida farmeshiyaha. BANGIGA Waxaad akoon ka furan-kartaa bangiga haddii aad leedahay waraaqo aqoonsi ah oo la aqoonsan yahay, sida tusaale ahaan baasaboor, ama kaadh aqoonsi. Akoonka waxaad si aan baqdin lahayn ugu kaydsan-kartaa lacagtaada. 6
Bangigaaga waxaad samaysan kartaa kaadh otomaatik ahaan loo isticmaalo kaaso o aad lacag kaash ah kula bixi-karto ama aad ku bixin-karto biilasha. XAFIISKA DIIWAANGELINTA (MAISTRAATTI) Xafiisyada diiwaangelintu waxay waxay diiwaangeliyaan tusaale ahaan dadka ajaanibta ah. Xafiiska diiwaangelinta ee Helsinki Wakhtiyada uu furan yahay:isniin Arbaca saacadda.08:00-16:15 Ciwaanka: Albertinkatu 25, 00181 Helsinki Diiwaangelinta ajaanibta Waa lagu diiwaangelinayaa markii aad Finland soo gasho si aad u hesho nambarada aqoonsiga. Nambarka aqoonsiga waxaa laga codsadaa xafiiska diiwaangelinta. Finland nambarka aqoonsigu wuxuu ka kooban yahay dhalashadaada oo lagu siyaadiyey 4-5 nambar ama xarfo ah.haw ogolaan in nambarkaaga aqoonsiga ay cid kale ogaato. Buuxi foomka loogu talagalay dadka la diiwaangelinayaa in ay buuxiyaan. Lifaaq: Laissez passer, baasaboorka ama waraaqo kale oo khuseeya safarka go aanka sharciga Laga tegey: Go aanka: 7
BAADHITAANKA CAAFIMAAD EE LA XIDHIIDHA MARKA DALKA LA SOO GALO BAADHITAANKA CAAFIMAAD EE LA XIDHIIDHA MARKA DALKA LA SOO GALO Waaxda dadka soo galootiga ah qaybteeda caafimaadka ayaa dadka wadanka soo galay waxay u ballamisaa in caafimaadka qofka la baadho. Baadhitaanka caafimaad waxaa la dalban karaa markii nambarada aqoonsigu kuu soo baxo. Carruurtaadu ma bilaabi karaan iskuulka ama xannaanada ka hor intaanay baadhitaan caafimaad marin. Wakhtiyada baadhitaanka wadanka soo galay Magac Laboratorio Wakhtiga Raajada wakhtiga Baadhitaank a daryeeshada caafimaadka Baadhitaan ka dhakhtarka KELA Kela wuxuu dadka ka kabaa waxyaabaha qofka nolol ahaan u baahan yahay. Kela waxaa laga helaa caawimo kala duwan Xafiiska shooshalku wuxuu awood u leeyahay in uu dib kaala soo noqdo, haddii xafiiska Kela lacagi kaaga soo noqoto aan ku jirin xisaabtii hore loogu xisaabtamay. 8
Xafiiska Kela ee kuugu dhow Ciwaanka: Caawimada la helo Marka ugu horeysa waa in aad codsataa caawimada ku aadan guriga. Intaa kadib waxaad xaquuq u yeelanaysaa wixii kale ee Kela bixiso. Go aanada ogolaanshaha ah ee sida kaadhka Kela waxaa laguugu soo dirayaa boostada. Kaadhkaaga Kela wuxuu dhacayaa oo lagu ekeysiiyey goorta sharcigaagu dhacayo. Markii aad sharci cusub hesho xasuuso in aad kaadhka bedesho. Buuxi codsiga: Y77 Lifaaq: Go aanada sharciyada Laga tegey: Go aanka: Lacagta carruurta Ilmo kasta oo ka yat 17 sano waxaa qofka xannaaneeya la siiiyaa lacag Kela uga soo dhacda. Inta lacagtu le eg tahayna waxay ku xidhan tahay hadba ilmuhu inta ay yihiin. Waxaa kaloo la dalban karaa lacag kale oo yan ka dheeraad ah looguna tala-galay qofka ilmaha keligiis xannaaneeya. Buuxi foomka codsiga ee lacagta carruurta: LL1 Laga tegey: Go aanka: 9
Lacagta xannaanada guriga ee ilmaha Kela waxay ka bixisaa lacag dhammaan ilmo kasta oo aan gaadhin 3-sano sano, waa haddii ilmuhu aanu dhigan xannaano. Lacagta laga helo xannaanada ilmaha ee guriga waxaa ku waajib ah canshuur. Buuxi foomka lagu codsado lacagta xannaanada ilmaha ee guriga: WH1 Lifaaq: Kaadha canshuurta Laga tegey:: Go aanka: Qaar ka mid lacagta Kela laga helo waxaa ku waajib noqonaya canshuur. Haddii aadan kaadhka canshuurta keenin waxaa lagu canshuurayaa 60%. Lacagta kabista guryaha ee Kela bixiso Dadka isku cuntada ah isla markaana aanay soo gelin dakhli kale wuxuu Kela ka codsan-karaa lacagta kabista guriga. Tan waxaa loola jeedaa haddii dad kuwada nool yihiin guri. Kela waxay sanad kasta hubisaa lacagta ay kabista ku bixiso sanad kasta. Buuxi foonka guud ee lagu codsado kabaista guriga: AT1 Laga tegey: Go aan: Liifaaq: Waraaqda heshiiska guriga Waraaqda guryaha waxaa laga soo qaataa kuwa guryahaya soo daabicidda shahaadooyinka waraaqdii sheegaysey in kiradii la bixiyey Lacagta la codsado marka la xannuunsanayo Waxaad qaadan-kartaa lacagta xannuunka taas oo Kela bixiyo, haddii aad xannuun ku hayo aadan ka shaqayn-karin. Lacagta xannuunka waxaa la 10
qaataa 3 biloodba. Lacagtan waxaa la dalban-karaaha haddii aad shaqaynaysey ugu yaraansaddex billood. Haddii aan saddex billoodd la buuxin, waxaad lacagta heleysaa markii aad buuxiso 5 billood isku xidhiidhsan oo aad xannuunsanaysey isla markaana aadan shaqo qaban karayn. Buuxi foomka lagu codsado lacagta xannuunka/jirada: SV8 Laga tegey: Waraaqda dhakhtarku qoro ee cadaynaysa in aadan shaqayn karin Kuwa 16-sano ka yar ee naafo ahaan loo caawiyo Kuwa 16-sano ka yar ee naafo ahaan loo caawiyo waxaa loola jeedaa kuwa mudada dheer xannuunsayey ama carruurta naafada ah. Si hadaba caawimadan loo helo waxaa la fiiriyaa marka hore in ugu yaraan lix billood ilmaha xannuunkiisa ama naafada uu qabo ee laga daweynayo isla markaana la arko in uu culays ku yahay reerka. Lifaaq: Warqadda dhakhtarku qoro ee ka hadlaysa xannuunka ama naafada Qorsheynta la qabsiga wadanka Waxaad qorshe ku aadan siddaad wadanka ula qabsan lahayd la samaynaysaa si wada jira xafiiska shaqada iyo arrimaha shooshalka. Qorsheynta la qabsiga wadanka waxaa kaloo ka dhici-karaa sida xafiiska Waaxda xafiiska soo-galootiga. Qorsheynta la qabsiga waxaa tusaale ahaan ka mid ah sida barashada luqadda finnishka, iskuulada dadka waaweyn iyo weliba wixii kale ee qayb qaadan kara laqabsiga wadanka aad u soo haajirtey. Qorsheynta hawlahaaga. Waxaad heleysaa caawimo ku saabsan laqabsiga wadanka Finland markii aad adigu hawlahaga fuliso. Qorsheynta la qabsiga wadanka waa la qabtay: 11
Caawimada laga helo Kela Waxaa suuro-gal ah in aad Kela ka heshid caawimaad ku saabsan la qabsiga. Si hadaba taas loo helo waxaa loo baahan yahay in ala helo qorshe arrintaas ku aadan. Waxaa lacagta laga dalbadaa Kela waxaana la buuxiyaa foom arrintan kuu aadan. Buuxi codsiga laqabsiga/ama lacagta Kela laga qaato/lacagta Kela laga qaato ee arrintan ku aadan: TT1 Laga tegey: Go aan: Foomka codsiga waxaad ka heli-kartaa xafiiska Kela ama Internetka: www.kela.fi XAFIISKA SHAQADA IYO QUUTAL-DARUURIGA Xafiisku shaqadu wuxuu dadka ka caawiyaa sida waxbarashada, sida loo doorto iskuul kugu haboon iyo shaqo siddii lagu heli-lahaa. Barashada luqadda finnish ama wixii kale ee lagaga qayb qaadan-karo horumarinta la qabsiga wadanka Finland. Xafiiska shaqada, Qaybtiisa u adeegga soo-galootiga Wakhtiyada ay furan tahay : Isniin- Jimce 9-15.45 Ciwaanka: Haapaniemenkatu 4 A, 00530 Helsinki Puh: 010 194434 12
WAAXDA SOCDAALKA Waaxda socdaalku ee loo soo gaabsho (Migri) hay ad dowladeed oo hoos timaada wasaaradda arrimaha gudaha. Waxay qabataa oo go aamisaaa soo gelitaanka wadanka, helitaanka sharci lagu joogo wadanka, arrimaha qaxootiga, iyo wixii dhalashada wadanka Finland la xidhiidha. Xafiiska socdaalku wuxuu ogolaadaa sharciyada lagu siinayo dadka ajaanibka ah ee wadanka soo gelaya, wuxuu qaabilsan yahay arrimaha dadka magan-gelyo doonka ah, waraysi ayuu la yeeshaa waxaanu gaadhaa go aamada, wuxuu bixiyaa baasaboorada la siiyo sharciga iyo wixii waraaqo ah ee la siiyo dadka qaxootiga ah, wuxuu go aamiya masaafurinta qofka, celinta qofka iyo weliba in uu mas uul ka yahay codsiyada. POLIISI BOOLISKA Shaqada boliisku waxay tahay in uu xaquuqda iyo nidaaminta amniga bulshada, ka hortegidda denbiyada, baadhista denbiyada iyo denbi ku soo oogidda. Haddii aad si degdeg ah ugu baahan tahay boolis waxaad wacaysaa nambarka xaaladda degdegga ah. NABAR GUUD EE XAALADDA DEGDEGGA AH 112 13
Booliska soo-galootiga Booliska soo-galootigu ama ajaanibku wuxuu bixiyaa sharciyada Waaxda socdaalku bixiyo, isagoo bixinaya sharciyada ku meel-gaadhka ah iyo kuwa degenaanshaha tooska ah. Booliska soo-galootigu wuxuu kaloo qaabilsan yahay in uu bixiyo kaadhka aqoonsiga (henkilökortti) baasaboorka la siiyo dadka dadka sharciga la siiyo, waraaqaha safarka, iyo wixii ku saabsan wixii lagu codsanayo dhalashada. Codsiyada sharciyada ku saabsan waxaa qofku si shakhsiyan ah u geeyaa booliska. Wixii wadanka dibedda ka ah waxaa la geeyaa qunsilayadda Finland. Booliska soo-galootiga ee Malmi Wakhtiyada uu furan yahay: Isniin - Jimce 8-16.15 Ciwaanka: Viljatie 2, 00700 Helsinki Sharciga la rabo in la cusboonaysiiyo Dadka ajaanibka ah waxaa laga rabaa in ay haysataan sharci aan dhicin. Sharciyada la cusboonaysiinayo waxaa laga soo qaataa booliiska. Sharciga la cusboonaysiiyo waxaa inta badan la siiyaa qofka Finland degenaanaya tusaale ahaan dadka magangelyo doonka ah. Buuxi codsiga la rabo in sharciga laguugu cusboonaysiiyo si gaar ah xaaskaaga ama ninkaaga iyo carruurtaada. Codiga lagu codsanayo sharciga waxaa lagu soo lifaaqayaai: Sawiro waafaqsan sawirada loogu talagalay baasaboorka Waxaa iyana suurogal ah sharcigaagii hore Go aamadii hore ee ku saabsanaa sharciyada Laga tegey: Go aanka: Sharcig degenaansha ah ama abadiyanka ah 14
Sharciga degenaanshaha waxaa la helaa haddii kan wax codsanayaa uu Finland si isdaba joog ah u degenaa wadanka Finland muddo dhan 4 sano. Sharciga degenaansha tooska ah laguma helo sharciga ugu horeeya ee qofka, ee sharciga ugu horeeyaa inta badan waa mid ku meel-gaadh ah. Buuxi codsiga sharciga lagu dalbanayo adigoo kala duwaya codsiyada kala ah kan xaaskaaga/ninkaaga iyo carruurtaada. Ku soo lifaaq: - Sawiro waafaqsan sawirada loogu talagalay baasaboorka Waxaa iyana suurogal ah sharcigaagii hore Go aamadii hore ee ku saabsanaa sharciyada X Laga tegey: Go aanka: Reer isu keenidda (Perheen yhdistäminen) Qofka qaxootiga ah ee helay sharci ah bina aadanimo ama nabadgelyo ahaan loo qaabilay waxay xaq u leeyihiin in dalbadaan reerkooda. Waxaa loo fiirinayaa in dadka kala ah xaaskiisa/ninkeeda iyo carruurta da da yar ee aan la qabin ama aan wax qabin. Buuxi codsiga sharciga lagu dalbanayo adigoo kala duwaya codsiyada kala ah kan xaaskaaga/ninkaaga iyo carruurtaada. Ku soo lifaaq: Kan loo dalbayo laba sawir oo baasaboor ah Kan loo dalbayo warqaddiisa dhalashada Haddii qofka loo dalbayaa yahay xaaskaagii/ninkaagii shahaadada guurka Hadii aad dalbanayo sida ilmaha la soo korsaday in la xaqiijiyo ka mas uul noqoshada. 15
Kan wax dalbanaya laba sawor oo baasaboor Shahaadada cashuurta Wixii kale ee ku soo galay- Waxaa waajib kugu ah in aad xaqiijisid lifaaq kasta oo aadan adigu haysan.waa in aad kaloo xaqiijisaa maxay tahay sababta aadan u keenin karin. Laga tegey: Go aanka: Ajaanibku ama soo galootigu waa in ay haystaan baasaboor. Baasaboorka waxaad ka soo qaadan-kartaa safaaradda wadankaaga. Haddii aadan baasaboor wadankaaga aadan heli-karin waxaad dalbanaysaa baasaboorka Baasaboorka ajaabinka (Muukalaispassi) Baasaboorkani wuxuu shaqayn-karaa ilaa 5 sano. Codsiga waxaa looga tegeyaa booliska xaafaddaada qaabilsan, kaasoo hore u sii wada waaxda socdaalka. Buuxi codsiga si ka gaar ah xaaskaaga, ninkaaga iyo carruurtaada. Ku soo lifaaq codsiga baasaboorka ajaanibta (muukalaispassi): Sawiro waafaqsan sawirada loogu talagalay baasaboorka Waxaa iyana suurogal ah sharcigaagii hore Cadee sababta aad baasaboorka u dalbanayso Wixii kale ee qoraal ah ee hay adaha wadankaagu bixiyeen Waraaq cadaynaysa in kan wax codsanayaa aanu heli-karin baasaboor wadankiisa ah Laga tegey: Go aanka: 16
Waraaqaha qaxootiga ee safarka Waraaqaha dadka qaxootiga la siiyo waxaa loo ogolaadaa kan ajaanibka ah ee helay qaabilaad qaxootinmo iyoqaxootiga toos wadanka loo keenay ee aan sharcigii aan laga joogin. Waraaqaha safarka ee qaxootigu waxay ku dhacaan shan sano. Buuxi codsiga adigoo gaar u buuxinaya kan xaaskaaga/ninkaaga iyo carruurtaada. Ku lifaaq: Boolisku sawirada ay baasaboorka ay ugu tala-galeen Waxaa iyana suurogal ah sharcigaagii hore Sabab u yeelidda loo codsanayo waraaqaha safarka ee qaxootiga Waraaq cadaynaysa in kan wax codsanayaa aanu heli-karin baasaboor wadankiisa ah Laga tegey: Go aanka: Foomka codsiga waxaad ka heleysaa booliska ama Internetka. Ka hubi boggaa waaxda socdaalka boggeeda Internetka: www.migri.fi GURYAHA Codsashada guryaha Finland waxaa guryaha laga kiraystaa degmooyinka, kuwa guryaha dhisa, caymisyada, bangiyada iyo dadka iyagu gaarka isaga leh. Waxaa guryaha lagu soo qoraa tusaale ahaan Internetka, jaraa idka, iyo meellaha lagu dhejiyo ogeysiisyada. Si aad guri ku hesho adiga ayaa lagaa rabaa in aad firfircoon tahay. Caasimadda hareeraheeda waxaa ka jira guryo la aan, siddaas awgeed waa in lagu xisaabtamaa in ay wakhti qaadan-karto si aad ku hesho guri. Waxaad ka codsan-kartaa guryaha Internetka: www.stadinasunnot.fi www.sato.fi www.vvo.fi www.nuorisosaatio.fi www.nal.fi 17
Guryaha waxaa kaloo ka kireeya Internetka www.etuovi.com www.asuntoverkko.com www.oikotie.fi www.asunnonvuokraus.com www.vuokraovi.com www.ta-yhtyma.fi U soo guuridda guriga U soo guuridda guriga waxaa ka ratima buuxin waraaqo dhawr ah, kuwaas oo la rabo in aad adigu qabato. Waxaa kaloo mihiim ah in aad guriga iska hubiso inta aadan u guurin, taas waxaa loola jeeda in jajaban yahay. Adiga ayaa ka mas uul ah guriga in aad siddii aad ku soo gashay uu ahaado oo aan wax dhib ahi guriga soo gaadhin. Heshiiska guriga Kan wax kireysanaya iyo kan laga kireysanayo waxaa dhex-mara heshiis ku saabsan guriga. Waxaana la galaa markii aad guriga aqbasho. Heshiiska waxaa lagu galaa waxyaabo dhowr ah oo guriga ku saabsan kuwaas oo aad mihiim u ah. Heshiiska waxaa kaloo ku yaalla heshiiska aad geleysaa nooca uu yahay in uu yahay mid kumeel gaadh ah ama mid joogto ah. Haddii heshiiska ay ku qoran tahay heshiis aan dhacayn (toistaiseksi), waxaa loola jeedaa gurigan waxaad u degennaan kartaa si joogto ah. Waajibaadka saaran kan wax kiraysta Kirada waxaa la bixiyaa kirada bil kasta maalinta loo qoondeeyey U hoggaansan sharciyada guriga ka yaal Adaa ka mas uul ah guriga in aan dhib gaadhin Adaa ka masu uul ah dhibka aad adiga ama qofka martida kuu ahi u geysto guriga ama hoyga aad degen tahay Eeg bogga internetka ee hay adda caawisa qaxootiga, Waxaa jira fiidyoow/video arrimahan ka hadlaya oo aad ka heli-kartid bogga Internetka ee ah: www.pakolaisapu.fi 18
Ka guurida guriga aad degen tahay Guriga kirada ah waxaa marka laga baxayo lagu saleeyaa bisha. Ilaa wakhtigaas waxay mas uuliyadda kiradu saaran tahay qofka guriga ku jira. Haddii aad tusaale ahaan aad rabto in aad guriga ka baxdo isla markaana aad shirkadda guryaha ogeysiiso in aad guriga ka guurayso 10.7.2010,waxaa waajibaad ku saaran in aad kirada bixiso ilaa 31.8.2010. Heshiiska gurigu wuxuu dhammaanayaa markii aad ogeysiiso cidda aad guriga kaga jirto, waxaana wannaagsan in aad qoraal ahaan ku ogeysiiso. Heshiiska korontada/heshiiska gaasta Markii aad guriga u soo guurto waa in aad samaysaa heshiis ku aadan korontada iyo haddii loo baahdo heshiis gaasta ah. Waxaanad ku ogeysiinkartaa adigoo wacaya ama waxaad ka buuxin-kartaa Internetka. Markii aad guriga ka guuraysana waxaad ka baxaysaa heshiiska ku aadan korontada iyo tan gaasta. Ciwaan bedeleshada Waxaa waajib kugu ah in aad sida ugu dhakhsaha badan u samaysid ciwaan bedelis markii aad ogaato wakhtigii aad guurayso.waxaad ogeysiinaysaa in aad guurayso xafiiska diiwaan gelinta (maistraatti) iyo boostada. Waxaadna ku ogeysiin kartaa adigoo buuxinaya foomka ogeysiinta (ilmoituslomakke). Foomka la buuxinayo waxaad tusaale ahaan ka heli-kartaa boostada kuugu dhow ama Internetka. Ogeysiinta markaad guriga cusub soo degto/ogyesiinta ka guuridda guriga Waa in aad la socodsiisaa in guriga u soo guurtey shirkadda guryaha qaabilsan ama kuwa qaabilsan dayac tirka guriga. Oogeysiintani waxay ka turjumaysaa in la ogaado inta qof ee guriga ku nool. Dadka guryaha qaabilsan ama kuwa dayac tirka qaabilsan waxaad ka heleysaa magacyadoda guriga aad degen tahay sabuuraddiisa lagu dhejiyo magacyada. Waraaqda guriga (Talonkirjaote) Waraaqda gurigu waa shahaado cadaynaysa inta qof ee guriga ku nool. Markii aad hesho waxaad Kela ka dalban-kartaa lacagta kabista ee kirada. Waxaad codsan-kartaa markii aad u sheegto shirkadda guryaha in aad soo guurtey. 19
Caymiska guryaha Cayminta guryaha waxaa loola jeedaa waxaad caymis gelin-kartaa reerkaaga, alaabta guriga iyo guriga laftigiisa ee aad degen tahay si haddii si kedis ah guriga wax ugu dhacaan looga taxadaro. Waxyaabaha guriga caymisa ah waxaa ka mid ah sida wixii kuraa iyo miisas ah fadhi, alaabta kala duwan, makiinadaha guriga loo isticmaalo. Waxaa kaloo ka mid ah wixii ku dhaca guriga gidaarkiisa gudaha xigga, dhulka. Ruqsadda telefishinka Waxaa waajib kugu ah in aad bixiso kirada telefishinka, si aad si sharci ugu daawato. Dadka Tv-ga kaantaroolaa waxay wareegaan xaafaddaha, si ay u ogaadaan cidda haysata sharci iyo ciddaan haysan. Waxaad heli-kartaa gannaax haddii aadan haysan sharci aad ku daawato Tv-ga. DARYEELKA CAAFIMAADKA (TERVEYDENHUOLTO) Daryeelka caafimaadka waxaa loola jeedaa in dadweynaha la daryeelo caafimaadkooda, laga hortago xannuunada, iyo sidoo kale in la daweeyo. Helsinki waxay dadku adeegga caafimaad ka helaan dhakhtarka xaafadda. La xidhiidh dhakhtarka xaafaddaada haddii wax kugu dhacaan ama aad jirato. Dhakhtaradu waxay furan yihiin isniin - jimce saacadda 8 16. Dhakhtarka ilkaha wixii la xidhiidha waxaad la xidhiidhi kartaa meesha qaabilsan meeshaad degen tahay, waxaanay leeyihiin telefoon laga waco. Dhakhtarka xaafaddaada Magaca: Ciwaanka: Telefoon: 20
Ballanta dhakharka Ballanta dhakhtarka waxaa hore looga sii qabsadaa dhakhtarka xaafaddaada. Haddii xaaladduse tahay mid degdeg ah waxaad ballan degdeg ah ka helaysaa dhakhtarka heeganka isla maalintaasba. Wakhtiga kalkaalisada caafimaadka Dhakhtarada xaafaddu waxay leeyihiin inta badan kalkaaliso caafimaad taas oo dadka qaabisha, taas oo si toos ah laguugu gudbin-karo ballan la aan. Jos tarvitset lääkärin vastaanotolle tulkin, sinun pitää ilmoittaa siitä ennen vastaanottoaikaa terveyskeskukseen tai sairaalaan, jotta tulkki saadaan varattua ajoissa. Waxyaabaha degdegga ah Iltaisin ja viikonloppuisin terveysasemat ovat kiinni. Silloin äkilliset sairaudet ja tapaturmat hoidetaan päivystyksessä. Waxyaabaha degdegga ah ee ku saabsan dadka waaweyn oo ah galabnimadii iyo sabti iyo axadda- Dhakhtarka Maria Ciwaanka: Lapinlahdenkatu 16, rakennus 15C Telefoon: 09 310 67468 Dhakhtarka Haartmani Ciwaanka: Haartmaninkatu 4, rakennus 12 Telefoon: 09 310 5018, 09 310 63231 Wixii ka yar 16-sano ee waxyaabaha degdegga ah oo ah galab iyo sabtida iyo axadda.: Dhakhtarka carruurta Stenbäckinkatu 11, Helsinki Telefoon: 09 10023, 09 4711 Ballamaha dhakhtarka ilkaha La xidhiidh dhakhtarka qaabilsan meesha aad degen tahay ee qaabilsan in wakhtiga laga qabsado. Isniin Khamiis saacadda 8.00-16.30, Jimce saacadda 8.00-15.00. Wakhtiyada xaggaaga isniin jimce saacaddaha 8.00-15.00. 21
Waqooyiga iyo bariga inta u dhaxysa dadka deggan 09 310 53438 Bariga dadka deggan 09 310 61450 Waqooyiga dadka deggan 09 310 53500 Koonfurta iyo galbeedka 09 310 51400 Waxyaabaha degdegga ah ee ku saabsan daryeelidda ilkaha (kaar ama barar) Heegganka nambarkiisa maalmaha shaqada 8-14 Waqooyiga iyo bariga inta u dhaxysa dadka deggan 09 310 48855 Bariga dadka deggan 09 310 48856 Waqooyiga dadka deggan 09 310 48857 Koonfurta iyo galbeedka 09 310 48858 Daryeelka ilkaha ee carruurta iyo dhallinta Daryeelka ilkaha degdegga ah ee ku saabsan carruurta iyo dhalinta waxaa maalin kasta oo shaqada ah tegi-karaa meellaha loogu talagalay. Galabnimadii iyo maalmaha sabtida iyo axadda ah waxaa dadka waaweyn iyo dhalintaba lagu hagaajiyaa meeshii ku haboon ee ayn caawimo ka heli-karaan. Tele: 09 310 49999 Xannuunka ku soo boodada ah, waxaa sida kediska ah u dhaca, shilka waxaad wici kartaa gargaarka degdegga ah. NAMBARKA GUUD EE XAALADDA DEGDEGGA AH 112 Xaaladda welwelka leh iyo adeegga loogu talagalay dadka soo-galootiga ah Xaaladda welwelka iyo walaaca leh waxaa jira adeeg laguugu talagalay adiga iyo reerkaagaba. Arrintani waxay kaa caawinaysaa caqabada kaala soo dersa wadanka cusub ee aad u soo guurtey. Dadka soo-galootiga ahi waxay wici-karaan telefoonka ah: 09 4135 0501 Isniin - Jimce klo. 9-15.00 22
XANNAANADA CARRUURTA EE MAALINIMADA AH Carruurta ka yar da da iskuulka waxay xaq u leeyihiin in degmadu u diyaariso xannaano maalmeed. Waxaa xannaano maalmeedka waxaa u habeeya sida xannaanada degmada ama mid iskeed loo leeyahay. Haddii aad ilmahaaga u rabto xannaano, waxaa mihiim ah in aad ilmahaaga uga codsatid xannaano hadba meeshii aad rabto, waxaase mihiim ah in aad wakhti ku haboon aad dalbatid. Waa in la dalabadaa xannaanada ugu danbayn 4 billood ka ho rintaan xannaanadu bilaaban. Waxaad geyn kartaa codsiga xannaanada ama waxaad ku diri-kartaa boostada. Buuxi: Codsiga xannaanada La geeyey xannaanada: Go aanka: Markii aad xannaano ilmahaaga u hesho waxaad kala heshiin-kartaa shaqaalaha xannaanada inta saacaddood ee ilmuhu maalintii joogayo xannaanada iyo maalmaha uu tegeyo xannaanada. DUGSIGA DHEXE Carruurtaada si joogtada ugu nool wadanka Finland, waxaa waajib ku ah waxabarashada. Waxay waajib noqoshadu bilaamaysaa markii ilmahaagu jiro ilaa 7 sano. Waxbarashada diyaarinta ah Waxbarashada diyaarinta ah waxaa inta badan la siiyaa inta da doodu u dhaxayso 7-16-sano ee carruurta iyo dhalinta asal ahaan soo galootiga yahay. Waxabarashada diyaarinta ah mihiimaddeeda ugu weyni waxay tahay barashada luqadda finnishka. Waxbarashada diyaarinta ah waxay qaadataa guud ahaan sanad. Markii ardayga la arko in luqadda finnishku ku filan tahay ayaa waxaa loo wareejiyaa galaaska finnishka ee caadiga ah. 23
GAADIIDKA DAWEYNHA KA DHEXEEYA Helsinki qaybteeda isgaarsiintu oo loo so gaabiyo HSL waxay qaabilsan tahay safarka gaadiidka kala duwan waxay kaloo bixisaa warbixinno arrimahaas ku saabsan. Waxaad kaadh safar oo aad gaar u leedahay ka heleysaa xarunta adeegga ee qaabilsan kaadhka safarka ee loo soo gaabiyo HSL. Haddii aadan haysan aqoonsi sawir leh, ka qabso shooshalkaag wakhti la xidhiidha helista kaadhka safarka si aad isugu raacdaan xarunta kaadhka safarla laga helo. Meellaha adeega kaadhka qaabilsan ee HSL oo ah Rautatientori- xarunta metrooga, Waxay furan tahay Isniin- Khamiis saacadda 7.30-19, jimcaha 7.30-17, talaadada klo 10-15 Telefoon: 09 4766 4000 Isticmaalka kaadha safarka Dulsaar kaadhka safarka meesha akhrida kaadha markii aad baska fuulayso ama tareenada gudaha isticmaalayso. Kaadha safarka waa la buuxin-karaa waxaana laga buuxsan-karaa sida R-kioskiga, meellaha HSL loo yaqaan oo ah meellaha qaabilsan kaadhadhka safark iyo weliba meellaha otomaatiga ah ee HSL leedahay. Waxaad kaadhka ku buuxsan kartaa hadba in aad arbto oo inta u dhaxaysa laba asbuuc ama sanad inta u dhaxaysa. Waxaa kaadha xitaa lagu shubankaraa mararka qaarkood lacag ah ugu yaraan 4 eero ama ugu badnaan 400 eero. Koortiga dulgee meesha koortigu wax ka akhriyo, meesha ku hay kadibna qabo batoonka aad rabto in aad taabato. Batoonada la taabto tareenka ee caasimadda iyo hareeraheeda ah 1 = Gudaha ah: Magaalada gudaheeda tigidhka ah 2 = Deeggaanka: Helsinki, Espoo, Kauniainen iyo Vantaa tigidhka loogu talagalay 0 = Daraamka: wuxuu keliya oo tigidhkani ku haboon yahay daraamka 24
WAXYAABAHA KALE EE MIHIIMKA AH Meellaha xafiiska Kela ku yaallo Kamppi Salomonkatu 17 PL 82, 00601 Helsinki Hakaniemi Hämeentie 15 PL 82, 00601 Helsinki Käpylä Koskelantie 5 PL 82, 00601 Helsinki Malmi Soidintie 4B PL 82, 00601 Helsinki Itäkeskus Tallinnan aukio 4 PL 82, 00601 Helsinki Vuosaari Iiluodontie 17A PL 82, 00601 Helsinki 25
www.infopankki.fi www.kela.fi www.hel.fi/sosv www.migri.fi www.pakolaisneuvonta.fi/ www.pakolaisapu.fi www.poliisi.fi www.finfonet.fi http://papunet.net/selko/uutiset/ 26
Buuggan xasuus qor ah adaa laguugu talagalay, si uu xasuustaada u caawiyo. Tan macnaheedu waxay tahay si ay kuugu fududaato bilowga hore ee aad Finland ku nooshahay. Buuggan xasuus qor ah waxaad ka helaysaa hay ado badan oo mihiim ah iyo sida hawlaha looga dhamaysto caasimadda hareeraheeda. WAXAA SI WADA JIRA UGA WADA QAYB QAATAY HELSINGIN MAAHANMUUTTOYKSIKKÖ PÄÄKAUPUNKISEUDUN KOTOUTTAMISEN SEUDULLISTEN JA ALUEELLISTEN VERKOSTOJEN VAHVISTAMINEN - hanke LAUREA AMMATTIKORKEAKOULU 27