Ku hagista habka degganaanshada ee dadka ajaanibta ah

Samankaltaiset tiedostot
Latalin ku saabsan deggenaanshaha

Adeegga Kanta waxa uu ku socdaa nuunuuga illaa awooga iyo ayeeyda

GURIGAYGA DABAQA AH HAGAHA DEGANAYAASHA JAWIGA FINLAND IYO DHISMAYAASHOODA

SOMALI. Ka qayb qaado!

Deegaan lagu raaxeysto

Buugeyga xusuusta. Sooshalkayga: Tel: Hawlwadeenkayga sooshalka: Tel:

Hagaha waxaa isagoo qaab elekterikal ah looga helaa islamarkaasna laga daabacan karaa bogagga internetka ee magaalada Hämeenlinna.

Buuggayga xasuus qorka

HAGAHA. xigto daryeelaha ee ku qoran luqadda hufan. Waan caawiyaa xigtadeyda xageen ka helaaa nafsad ahaanteeyda caawinaad?

Vammaisen. palveluopas TILMAANSIIYAHA ADEEGYADA EE LOOGU WADDANKA U SOO GUURAY. Vammaisfoorumi ry. Ururka foorumka naafada (Vammaisfoorumi ry)

Sharciga sinnaanta. -sanduuqa qalabka la dagaalanka takooridda. SEIS Suomi Eteenpäin Ilman Syrjintää

Lakashifay/daah laga qaaday ama marka gaari lajiidaayo laguxiro. Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin

Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin. Gergaarka deg dega ah. Daad gureyn/qaxin/faaruqin/banneyn fadhi u ah

Ma la kulantay takoorid ama cunsuriyad?

QAAMUUSKA ARRIMAHA BULSHADA

KU SOCOTA AKHRISTAHA

WARBIXIN LOOGU TALA GALAY MACAAMIISHA CUSUB EE XAFIISKA SHAQABIXINTA IYO WAX SOO SAARKA

Kuluttajaliitto - Konsumentförbundet ry. Nidaamka kirooyinka. Talooyin loogu talagalay dadka wax kireysanaya iyo kuwa wax laga kireysto

Hagaha dadka dalka u soo guuray HÄMEENLINNA

Ku soo dhowow Finland

Sidee guriga loogu hirgeliyaa daryeel daawo oo ammaan ah?

HAGIS CARUURTA LAGU HAYO XANAANADA KA HORTEGISTA JIROOYINKA FAAFA IYO DARY- EELKOODA

Warbixinta ajaanibka ee dee gaanka dabiiciga ah

SOMALIN KIELEN OPPIMATERIAALI Digimateriaali

SOMALI SUOMI TERVETULOA OULUUN

Somalinkielinen kasvatusvihko vanhemmille Barbaarinta caruurta iyo waalidnimada. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola

Hurdo iyo hurdo xumo

Mashruuca ETNIMU, Koorsada horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 4aad. Farxada maskaxda

Käsikirjoittajat: Fadumo Bile Jama Abdulkadir Hamdi Abdalla

Su aalo-weydiinta isqiimeynta ee awoodda shaqada iyo waxqabadka

Badbaadadu waa qaadista tallaabooyin taxaddar ah oo yar yar maalin kaste. Warbixinta iyo tilmaanbixinta ka hortagga shilka iyo xaaladaha degdegga ah

Qalqalka xusuusta, xanuunada xasuusta, hilmaanka

Kala duwaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska islaamka iyo hab dhaqameedkooda Kontiolahti iyo

Af Soomaali - somali. hage ganacsi. Kaganacsiga dalka Finland

Seminaarka barayaasha afka soomaaliga ee waqooyiga Yurub 2011

JIMICSIYADA DARDAR- GELINTA MASKAXDA

Kala duwanaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska kurdida iyo hab dhaqameedkooda

Warbixinta Habka Cadaaladda Danbiga ee Dhibanayaasha YARYAR ee la Dulmiyay

Q A A M U U S I S L A A M I A H:

SOMALI. Tilmaanbixiye. ku saabsan waxbarashada iyo shaqooyinka oo loogu talaggalay dhallinyarada dhaqammada kala duwan ka soo jeeda

Ma hadli karnaa? Mashruuca

WARAR LOOGU TALAGALAY DADKA MAGANGELYADA CODSADAY

Barnaamijka ETNIMU, koorso horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 5aad. Dareemada.

Rikosseuraamusalan sanastoa

YHDISTYS- JA HANKETYÖN SUOMI ENGLANTI SOMALI SANASTO QAAMUUSKA FINNISH INGRIIS SOOMAALI URURADA- IYO MASHRUUCYADA

Ohjeita asumiseen svenska, english, soomaali, eesti Google :)

AFKEYGU WAA GARAADKEYGA SOMALI

Kajaanin kaupungin varhaiskasvatuksen kotouttamisohjelma 2013

Säännöt/Shuruudaha Solay. Säännöt/Shuruudaha Solay

HAWEENKA! - NAISET SOMALIAN SODASSA JA RAUHASSA

MAAHANMUUTTAJALAPSET TULKKEINA

Maahanmuuttajien neuvontapiste Myyringissä

JÄRJESTÖTIEDOTE Toukokuu 2012

Suomi somali suomi sanakirja. Qaamuus finnish soomaali finnish. Laatinut. Abdirizak Elmi. Diyaariyay. CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ina Warfaa

KÄÄNNETTYJÄ SOMALIALAISIA SATUJA JA ÄITIEN AJATUKSIA SATUJEN MERKITYKSESTÄ LASTEN KEHITYKSELLE

1. Kaikki kaatuu, sortuu August Forsman (Koskimies)

AIKAKAUSLEHDET. tammik. Suomen Suurin SiSuStuSlehti. Kevään. värikkäät astiat. Talvi 1/0. arke. herkut. retkel MAK

MAMULA OPAS ALLE KOULUIKÄISTEN MAAHANMUUTTAJALASTEN VUOROVAIKUTUSTAITOJEN TUKEMISEEN

Helka-neiti kylvyssä

PSYKOTERAPIAISTUNTOIHIN LIITTYVÄ SANASTO Suomi somali-sanastotyö

Tällä viikolla / This week / на этой неделе:

K Ä Y T T Ö S U U N N I T E L M A Y H D Y S K U N T A L A U T A K U N T A

YOUTH SERVICES INFORMATION, SUP- PORT AND ACTIVIES TO YOUNG PEOPLE NUORISOTYÖ TIETOA, TUKEA JA TOIM- INTAA NUORILLE NOORSOOTÖÖ TEAVET, TUGE JA TE-





Myllypuron koululaisten harrasteopas

Lähetettyjen ja saapuneiden kirjeiden diaari. Lähetettyjen ja saapuneiden kirjeiden diaari. Lähetettyjen kirjeiden diaari

Aa Saapuneiden kirjeiden diaarit. saapuneiden kirjeiden. Aa-Ab Saapuneiden ja lähetettyjen kirjeiden. Saapuneiden ja lähetettyjen kirjeiden diaari

arjen aakkoset a c luku- ja kirjoitustaidon opiskeluun Petra a u t i o e va Lönnbäck Arjen aakkoset turun kristillinen opisto 2012

Myllypuron koululaisten harrastusopas

Marina Kostik. Joulu. Naiskuorolle

KESÄN. tapahtumat. Onneksi. HAE MUKAAN VIPINÄ-YKSIKÖKSI s. 6

Toiminta- ja taloussuunnitelma sekä talousarvio vuodelle 2010 KHALL 532

t P1 `UT. Kaupparek. nro Y-tunnus Hämeenlinnan. hallinto- oikeudelle. Muutoksenhakijat. 1( UiH S<

Liigaohjelma KEVÄT 2019

Tietolan kansakoulun luokkapäiväkirjat. Ab Kirjastonhoidon päiväkirjat. Tietolan koulukirjaston hoidon päiväkirja

ARKISTOLUETTELO. Kopio SIVISTYSTOIMI KESKITETYT PALVELUT ORGANISAATIO JA TOIMINTA PÄÄTÖKSENTEKOMENETTELY LAKKAUTETUT TOIMIELIMET URHEILULAUTAKUNTA

Lasten terveys, hyvinvointi ja palvelut (LTH) kysely 2017

Syrjintätapausten kerääminen ja tietoisuuden luominen - hanke SEVITYSRAPORTTI

Usko, toivo ja rakkaus

Valmistelu: suunnittelupäällikkö Kari Hällström. Katuosasto esittää tarkistettavaksi palvelu- ja vuokramaksunsa (suluis sa voi massa olevat hinnat):

i lc 12. Ö/ LS K KY: n opiskelijakysely 2014 (toukokuu) 1. O pintojen ohjaus 4,0 3,8 4,0 1 ( 5 ) L i e d o n a mma t ti - ja aiku isopisto

Vehreää viihtyvyyttä

Vehreää viihtyvyyttä

Aurinkoisia asuntoja Annalassa

KULTTUURITAUSTAN JA TULKKAUKSEN MERKITYS SOMALINAISTEN SYNNYTYKSISSÄ

2 Keminmaa Haaparanta TORNIO. > 40 db > 45 db > 50 db > 55 db > 60 db > 65 db > 70 db > 75 db. Vt 4 Kemi

I Perusteita. Kuvien ja merkkien selitykset Aika arvot Lämmittelyharjoituksia Rytmiharjoituksia Duettoja...

FORD KA KA_202054_V5_2013_Cover.indd /06/ :59

TERVETULOA HERKUTTELEMAAN GLUTEENITTOMASTI TAMPEREELLE

HYVINKÄÄN KAUPUNKI KUNTATEKNIIKKA

VARESJÄRVI KOEKALASTUS

syksyn kerhoihin ja ryhmiin alkaa

Lataa Eläinten kodit - Barbara Taylor. Lataa

Naantalin kaupungin äänestysaluejako

K10 - AUKIOIDEN KORTTELI. rev A

matsku 4 kymmenylitys Tanja Manner-Raappana Nina Ågren OPETUSHALLITUS

Transkriptio:

Ku hagista habka degganaanshada ee dadka ajaanibta ah

TUSMADA Akhristaha qaaliga ahow, Qish kooban oo ku saabsan degganaanshaha... 3 Nagula soodhawaada Finland, Tampere! Kustantaja: Tampereen kaupunki Asuntotoimi Teksti ja kuvat: Aksu Piippo Käännetty somaliksi Pirkanmaan tulkkikeskuksessa. Taitto: Aino Myllyluoma Paino: Juvenes Print ISBN: 978-951-609-845-9 DEGGANAANSHAHA FINLAND ABC- QAAMUUSKA...4 HABKA CODSASHADA GURIGA... 5 WAXYAALAHA LOOBAAHAN YAHAY IN LAXASUUSTO MARKA LAGUURAYO...8 GURIGA... 10 Dabaqyada finland... 10 Nabadda iyo xaaladda degdegga... 11 Xuquuqda kireystaha iyo waajibaadka...12 Lacagta lagu kabo kirada guriga...13 Furayaasha...13 Koronto iyo biyo... 14 Isbadalka hawada iyo diirimaadka...15 Nadaafada... 16 Jikada...17 Musqusha iyo qubeyska... 19 Balakoonka...20 Goobaha la wadaago: jaranjarada, banaanka guriga, wiishka...21 Qolka kaydka... 22 Qolka dharka lagu dhaqo... 22 Saawnada... 23 TV: ga iyo isgaarsiinta... 23 qashinka iyo dib usoo warshadeynta...24 Dayactirka... 25 Booska baabuurka... 25 SIWADAJIR AH AAN U WADA NOOLAANO...26 Dimoqraadiyo degganaan...26 Xeerarka iyo nidaanyada...26 Xiriirka dariska iyo nabadda guriga... 27 ARIMAHA KALE...28 Safarada iyo martida...28 Cayayaanka...28 GOOBAHA LA XARIIRI KARO...29 Hagistan waxaan idunku sheegeynaa arimo badan oo ku saabsan degganaanshaha, si aad halkan sida oogu macquulsan oo oogu wanaagsan aad oola qabsataa, waxaanu dooneynaa in aan ku siino qish wanaagsan oo ah sidii Finland loogu degganaan lahaa. Qishkan hagista ah waxa uu si qaas ah u quseeyaa guryaha ijaarka ama kirada ah. Hgistan waxaad ka heleysaa latalin wanaagsan oo ah degganaanshaha iyo sidaad gurigaaga u daryeeli lahayd. QISH KOOBAN OO KU SAABSAN DEGGANAANSHAHA 1 Kubixi ijaarka ama kirada xilligii laguugu talagalay in aad ku bixiso 2 Ku dhaqan sharciyada ama shuruudaha guriga u yaal 3 Si wanaagsan u daryeel gurigaaga 4 Gurigaaga u same ama geli caymis 5 Waxaad xaq uleedahay in aad nabad u degganaato kuna raaxaysatid gurigaaga 6 Furaha gurigaaga si wanaagsan ooga taxadar ama u xafid 7 Goobta dharka lagu dhaqdo waa in markasta ballan laga qabsadaa 8 Waa in aad aqalka si dhaqsa ah hawo u siisaa qaasatan xilliga qaboobaha 9 Biyaha laguma daadin karo dhulka. Dhulka waxaa lagu dhaqaa maro biyo lagu qooyey 10 Qashinka waa in lageeyaa dibadda meesha qashinka loogu talagalay 11 Aqalka ma dayactiri kartid adoon ogolaansho ka helin kireeyaha 12 Nambarka qatarta loo wacdo waa 112. Waco nambarkaas haddii Qatar kula soo gudboonaato SI GEESINIMO LEH U WEYDIISO LATALIN, HADDII AAD WAX LA YAABTO 3

A BC DEGGANAANSHAHA FINLAND ABC- QAAMUUSKA Meelo badan ayaad kaheli kartaa latalinta habka degganaanshaha. Madaxa dhismaha (isännöitsijä), iyo baraha adeegyada bulshada ayaa kaa caawinaya su`aalaha kusaabsan arimaha degganaanshaha. Sidoo kale kambaniga qaabilsan dayactirka dhismaha waad weydiinkartaa latalin haddii aad u baahato. Kireeyaha Heshiiska gurigana waxaa lalagalaa ama lala sameeyaa kireeyaha. Madaxa dhismaha Madaxa dhismaha waxaa hosss yimaada kambaniga daryeelka dhismaha iyo maamulka, sidoo kale waxa uu caawiyaa xaaladaha kusaabsan dariska. Madaxa dhismuhu waxa uu matalaa kireeyaha, waana qofka lagala xaajoonayo arimaha dhismaha ama guriga. Kambaniga daryeelka dhismaha Kambaniga daryeelka dhismaha waxa uu sameeya waxyaalaha dayactirka fud fudud, waxa kaloo uu qaabilsanyahay daryeelka iyo nadaafadda. Kambaniga daryeelka dhismaha macluumaadkooda waxaad ka heleysaa sabuuradda albaabka hore ee laga soogalo. HABKA CODSASHADA GURIGA Raadinta guriga Markaad heshir sharci, oo aad heshid lambarka aqoosiga shaqsiga waxaad codsan kartaa guri. Tampere waxaad guri ka codsankartaa xafiiska guryaha (macluumaadka waxaad ka helaysaa hagistan qaybteeda dambe). Xafiiskaas guryaha waxaad ku buuxbiinin kartaa dhowr codsi oo kalanooc ah. Waxaad kaloo aad awoodaa in aad foomkla dhowr kambani oo kala nooc ah iternedka ooga codsataa oogana dirtaa. Waxaad kaloo aad awoodaa in aad raadsato guryaha ay shaqsiyaadku leeyihiin. Guryaha ay shaqsiyaadku leeyihiin waxaad ka helikartaa joornaalada ama internedka (cinwaanada laga raadiyo guryaha waxaad ka helaysaa hagistan qaybteeda dambe). Finland waxaa jirto guryo milki ahaan looleeyahay. Guryaha waa lagadan karaa lacag aad meel dhigatay ama in aad bangiga deen ka qaadato. Guryaha la leyahay waa guryo lacagta qayb la bixiyey bilkastana aad bixineysid lacagta isticmaalka. Adeegyada bulshada Adeegyada bulshada waxa ay ka taxadaraan siree ay dadka reer Tampere isku fahmilahaayeen. Adeegyadaas bulshada waxa la qabanqaabiyaa adeegyo faaiido iyo caawimaad uleh bulshada. Adeegyadaas waxa ay ku salaysan yihiin sharciga waddanka. Lataliyaha hagista habka degganaanshaha Shaqsiga kugulatalinaya had deganaanshaha, waa shaqsi kugu hagayo kuguna caawinayo arimaha kusaabsan degganaanshaha. Shaqsiga kugula talinaya habka degganaanshaha waa shaqsi ka shaqeeya adeegga bulshada, waxa uuna xiriir la leeyahay dadka guriga kaa kireeyey. Guriga kugu haboon: waaguri noocee ah xaggeedse kaheli kartaa Ka fikir guri noocee ah ayaad u baahan tahay. Guri noocee ah ayaad iska bixin kartaa? Cabir intee la eg ayaad u baahan tahay? Guryaha ku yaala bartanka magaalada waa ay ka qaalisan yihiin guryaha ka fog bartanka. Basaska magaalada Tampere si wanaagsan ayey ayaa loo helaah waana ay tagaan xaafadaha bartanka magaalada. Xaafadaha ka fog bartanka waa laga helaa dukaamo iyo adeegyada kaleba. 4 5

Heshiiska guriga Kireestaha iyo milkiilaha guriga waxa ay sameenayaan heshiis qoraal ah. Guriga ijaarkiisa waxaa lagu dhaqmayaa sharciga heshiiska guriga. Heshiiska waxaa kuqoran goorta uu heshiisku dhammaanayo, heshiiska waxaa kaloo ku qoran caddadka ijaarka, iyo sababta uu milkiiluhu ku kordhin karo lacagta ijaarka. Bilwalba waa in lacagta ijaarka xilligeeda lagu bixiyaa. Heshiiska waxaa kuqoran bilkasta goorta lacagta labixinayo. Lacagta ijaarka waa in bilwalba xilligeeda labixiyo laguna shubaa bargiga kireestaha. Kabixidda ama joojinta heshiiska guriga Kabixidda heshiiska macneheedu waa waxaa dhammaaday heshiiskii aad ku degganeyd. Kireystaha waxa uu bil kahor inta uusan guriga kaguurin orankaraa waax kabaxayaa gurig. Milkiilaha waa in uu kirestaha siiyaa ogeysiin ah muddo seddex bilood ah in uu guriga kabaxo, waa haddii uu kireystaha degganaa guriga muddo ka yar hal sano. Milkiilaha waa in uu kirestaha siiyaa ogeysiin ah muddo lix bilood ah in uu guriga kabaxo, waa haddii uu kireystaha degganaa guriga muddo ka badan hal sano. Guriga waxaa lagu kireystaa marka aad ijaarka sameyneysid sida uu yahay. Shaqsiga guriga iskaleh waxaa lagayaabaa in uu ku weydiiyo lacagta debaajiga. Waxa ay macneheedu tahay in aad ijaarka guriga sidii loogu talagalay aad ku bixineyso gurigana aad ka taxadareyso. Lacagta debaajiga waxaa laga yaabaa in ay noqoto 1-3 bilood lacagteed. Lacagta debaajiga waxaa laguu soocelinayaa markaad guriga ka guurtid, waa haddii guriga uu wanaagsan yahay oo aadab waxbana ka haleynin. 6 7

WAXYAALAHA LOOBAAHAN YAHAY IN LAXASUUSTO MARKA LAGUURAYO U samee heshiiska korontada adreeska cusub aigoo wacaya shirkadda korontada. Heshiiska waxaa laga sameyn karaa internedka. Samee wargelinta adreeska cusub ugudambeyn asbuuc kadiguuritaankaaga. Waxaa kaloo lasameyn karaa intaadan guurin kahor. Wargelintaas waxaa laga sameyn karaa internedka cinwaanka ah www.muuttoilmoitus.fi. Markasta ood guurtid waa in lasameeyaa wargelinta guuritaanka. Wargelinta guuritaanka waxaa lagu qorayaa dhammaan qoyska guuraya oodhan. Wargelinta guuritaanka waxaa kaloo lagu sameyn karaa foom ahaan. Foomka guuritaanka waxaad kaheleysaa boostada iyo xafiiska Kelada. Xasuusnow in aad siisaa adreeskaaga cusub bangiga, caymiska, iyo dhammaan meelaha u baahan cinwaankaaga cusub. Adiga ayaa ka mas`uul aha in biilashaada ay kusoo dhacaan adreeskaaga saxda ah iyo in aad ku bixisaa biilasha waqtiqii lagaa rabay. Wargeli madaxa dhismaha iyo kambaniga daryeelka dhismaha guuritaankaaga. Macluumaadkooda waxaad ka heleysaa sabuuradda albaabla hore ee guriga. Gurigaaga cusub ku samee xaaladdiisa kormeer guud. Kormeerka guud guriga wixii ka haleysan ama ka jaban ku qor warqad, war gelina madaxa dhismaha. Waxa haleysan ama jaban sawir waad ka qaadan kartaa, waaxda xaqiijisan kartaa in waxaas jaban aan adiga laguu qabsan. Guriga usameyso caymis. Haddaad guriga ka guureysid, xasuusnow in aad waqti hore sheegtaa in aad guriga ka baxaysid. Kana taxadar in aad joojisaa heshiiska korontada iyo haddii aad ku jirtid heshiis ah internedka, iyo in laguu wareejiyo. Samee wargelinta cinwaanka cusub, furayaasha gurigana u celi. Haddii aad waddan kale u guureysid waa in aad u sheegtaa xafiiska diiwaan gelinta (maistraatti). Xasuusnow in aad guria nadiifisaa aadna soocelisaa dhammaan furayaasha. Debaajiga ama carbuunta waxaa lasoo celinaayaa marka aad soo celiso dhamaan furayaasha, kirada guriga aad wada bixisay waqtigii aad daganeyd guriga iyo sidoo kale guriga waa in uu ahaado mid hagaagsan. 8 9

GURIGA Nabadda iyo xaaladda degdegga Lambarka degdegga ah waa 112. Wac lambarkaas xaaladaha degdegga ah, marka adiga ama ruux kale caafimaadkiisa, naftiisa, hantidiisa halis lasoo gudboonaato. Tusaale haddii gurigaada dab kaco. Wacitaanka lambarkaas waa bilaash. 112 Dabaqyada finland Guryaha finishka waa kuwa maran. Adiga ayaa soo iibsanaaya dhamaan qalabka guriga, katiifadaha iyo daahyada. Sido kale waa in aad soo iibsato laambadaha. Sharciga Finland ayaa dhigaya in guri walba uu lahaado alaarmi shaqeynaaya. Haddii gurigaaga uusan laheyn qalabka digniinta dabka, waa in adiga aad soo iibsataa qalabkaas. Tijaabi bil kasta, in qalabka digniinta dabka uu shaqeynayo. Beddel beteriyada alaamka marka ay dhamaadaan. Soo iibso bustaha ama marada lagu damin karo dabka yar. Bustaha waxaa surtaa derbiga jikada Had iyo jeer biyaha daadanaayo iyo qoyaanka waa in aad u sheegtaa markiiba shirkadda dayactirka gurigaaga. Musqusha iyo Jikada waxaa diyaar ku ah qalabkooda iyo laambado kooban, Guriga waxa uu leeyahay armaajooyin iyo meel wax lagu keydiyo. Guriga gudahiisa lama ogola in sigaar lagu cabbo. Intaas waxaa dheer guryo badan waxaa ka mamnuuc ah in sigaarka lagu cabbo balakoonka. 10 11

Xuquuqda kireystaha iyo waajibaadka Lacagta lagu kabo kirada guriga Waxaad xaq u leedahay in gurigaaga aad ku daganaato nabad iyo raaxo. Sido kale waxaa xaq u leedahay in aad in aad saameyn ku yeelato arimaha dhismaha aad ku nooshahay. Kiraystaha guriga waa in uu hoggaansamaa qawaaniinta iyo xeerarka guriga. Sidaas ayeey dhamaan dadka daggan dhismaha ku heli karaan deris wanaag iyo dagganaan. Sido kale kireystaha ayaa mas uul ka ah in martidiisa u hoggaansamaan xeerka iyo sharciga guriga. Kiresytaha ayaa laga rabaa in uu daryeelo gurigiisa, hadii si ula kac ah u jabiyo guriga waa in uu bixiyaa lacagta dayactirka guriga. Hadii ay wax jabaan si dhakhsi ah u ogeysii milkiilaha guriga. Waa in aad gashaa caymiska guriga iyo alaabta. Caymiska ayaa ka heleysaa magdhow hadii alaabtaada si kama u jabaan. Milkiilaha kireystaha wuxuu ku xiri karaa qaadashada caymiska inta uusan ka kireun guriga ama kadib. Haddii dakhliga qoyska yaryahay, dowladda ayaa bixineysa qayb kamid ah kirada guriga. Lacagta lagu kabo guriga waxaa laga dalban karaa Kelada. Macluumaad dheeri ah waxaa ka heli kartaa bogga Kelada oo hoos ku xusan. Haddii aad u baahato caawimaad la xiriirta dalabka lacagta lagu kabo giriga waa lagu siin karaa. Furayaasha Furayaasha u ilaasho si wanaagsan. Furaha ha uga tagin albaabka guriga. Haddii albaabka guriga kaa xirmo, furana aadan heysan la xiriir shirkadda guriga. Shirkadda ayaa albaabka kuu fureysa. Albaabka waxaa laga furaayaa kaliya qofka guriga daggan, intaas waxaa dheer furida albaabka waa lacag. Milkiilaha guriga wargeli hadii furo kaa lumo. Xaalada noocaas oo kale, inta badan milkiilaha guriga waxaa qasab ku ah in uu bedelo qufulka iyo furayaasha guriga. Bedelaada qufulka iyo furayaasha waxaa ku baxaysa lacag boqolaal euro ah. 12 13

Koronto iyo biyo Isbadalka hawada iyo diirimaadka Heshiiska korontada waa in aad adiga la gashaa shirkada korontada. Macluumaadka ku saabsan shirkadda korontada ee Tampere waxaa lagu xusay bogga dambe. Biyaha qabow iyo kuwa diiran guryaha waxaa keena tubooyin. Biyaha waa nadiif la cabbi karo. Tubadda hadgeey keeni weydo biyo diiran, laxiriir shirkadda dayactirka. Shirkadda ldegdeg u wargeli haddii cilad aad ku aragto tubooyinka biyaha ka saara guriga ama biyo dareer. Biyaha iyo korontada ma wanaagsana in la khasaariyo. Isticmaalka korontada haddii aad yareyso, waxaa kuu imaanaayo biil yar. Biilka biyaha waxaa dhici karta in gaar loo bixiyo ama lagu soo daro kirada guriga. Si kastaba ha ahaatee qasaarinta biyaha biil badan ayeey keentaa. Guryaha Finland hawada waxaa qaadaa tubadda filtarka. Filtarka waa in uu ahaado nadiif. Isbadalka hawada guriga qashin waa in ay hor istaagin qashin ama wasaq. Heerkulka caadiga ee guriga waa 20-22 degree. Daaqadaha waxaa ku xirab qalab qabowga u diida in uu gudaha guriga soo galo. Sido kale xiriir shirkadda guriga haddii daaqadaha aad ku aragto uumi ama baraf. Daaqadaha waxay leeyihiin qeyb yar oo hawada kasoo gasho. Xir daaqada marka hawo yar ay kasoo gasho kadib, gaar ahaan waqtiga qaboobaha. Daaqadaha oo furan guriga ha ka bixin. Daaqadda oo furnaato xilliga qabowga, khasaaro badan oo qarash ah ayeey ku keentaa shirkada iyo kireystaha. Haddii loo baahdo fiyuusyada waa iska bedeli kartaa. Fiyuus cusub adiga ayaa soo iibsanaaya haddii kii hore kaa qaribmay. Bareeska adiga ma bedeli kartid, waxaa la xiriirtaa shirkadda qaabilsan dayactirka iyaga ayaa kuu hagaajin doona. Kuleylka wuxuu ka imaadaa hiitarka guriga. Hiitarka haddii kuleyl uu keeni waaya lasoo xiriir shirkadda qaabilsan dayactirka guriga. Waqtiga xagaaga ah hiitarka kuleyl ma ahan. Lama ogola in hiitarka la wada daboolo. Saawnada iyo foornada ma ahan kuwa guriga kuleyliya. 14 15

Nadaafada Jikada Guryaha Finland uma adkeysan karaan isticmaalka biyaha badan. Ha ku shubin biyaha dhulka. Darbiyada iyo daaqadaha laguma bilbilo karo biyo. Saabuunta waxaa ku xulutaa nooca dhismaha iyo qalabka wax lagu dhisay. Dhulka waxaa lagu dhaqaa maro qoyan ama masaxaad. sido kale saqafka waxaa lagu nadiifiyaa huufar ama xaaqitaan. Darbiyada qaar lama dhaqi karo. Huufar ama xaaqin fudud ayaa la marin karaa. Darbiga rinjiga leh waxaa waxaa lagu meyri karaa maro qoyan. Wasaqda waa lagu goyn karaa oomo. Intaas kadib oomada waxaa ku qalajisaa maro qoyan. Sagxadda ama floorka caagga ah huufarka ayaa marin kartaa. Jikada waxay leedahay qasabada keenta biyaha, foorno iyo firiij. Intaas haddii aad cilad ka dareento degdeg ula xiriir shirkadda dayactirka guriga. Jikooyinka Finland waxay leeyihiin khaanado iyo armaajooyin wax lagu keydiyo. Jikada waxay leedahay armaajada lagu qalajiyo suxuunta iyo saxanka wax lagu jaro. Miiska jikada waxaa loogu talo galay in raashinka lagu diyiaariyo iyo in alaabta la dhigto. Saxan ama digsi kulul lama saari karo miiska jikada. Haddii laambada guriga shaqeyn weydo, soo iibso laambad cusub kadib iska badal. Makiinada alaabta dhaqda adiga ma rakibi kartid, dalbo qof yaqaana sida loo rakibo. Makiinada alaabta ka xir tubada keenta biyaha marka aad isticmaasho kadib. Tubada siiso biyaha makiinada alaabta waxaa dhici karta in ay biyo beerdareyso haddii biyaha oo furan laga tago. 16 17

Musqusha iyo qubeyska Makiinada cuntada lagu kariyo korkeeda waxaa ku xiran filtar. Filtarkaas waa in la nadiifo labadii biloodba mar. Firiijka iska nadiifi. Sido kale nadiifi foornada iyo makiinda cunnada, si wasaqda ugu dhagin goobta. Waxaa wanaagsan in sanadkii halmar lasoo jiido fuurnada, kadib dhulka hoode aad nadiifiso. Musqusha waxaa ku wada yaalla qasabada biyaha keenta, fadhi iyo tubada qubeyska. Fadhiga musqusha waxaa lagu ridi karaa oo kaliya warqada musqusha. Ha ku ridin musqusha xafaayad, suuf, timo, cunno, qashinka bisadda iyo wixii la halmaala. Haddi Tubada godka musqusha xirmo si deg deg ah u wargeli shirkadda dayactirka guriga qaabilsan. Sido kale shirkada guriga wargeli haddii tubada ama godka musqusha biyo deynaayaan. Nadiifi bishiiba mar godka biyaha qubeyska ka baxaan. Haddii loo baahdo sido kale waxaa nadiifin kartaa godka yar ee baanyada. Dami mashiinka dharka lagu dhaqo, marka aad guriga ka baxeyso. Marka aadan isticmaaleynin mashiinka dharka lagu dhaqo xir tuubada biyaha. Furnaanta ama dabacsanaanta tuubada biyaha waxay keeni kartaa khasaaro, haddii biyaha iska furmaan. Guriga haddii uu leeyahay saawna, ka dhig saawnada goob nadiif ah oo hagaagsan. Koronto aad u badan ayaa loo isticmaalaa diirinta ama kuleylinta saawnada. Saawnada ma ahan meel wax lagu qalajiyo ama loo isticmaalo keydinta. Dhagaxa kulul ee saawnada wax kale laguma shubi karo aan ka aheyn biyo. 18 19

Balakoonka Balakoonka waa in uu ahaado nadiif markasta. Gaar ahaan xilliga qaboobaha balankoonka waa in laga nadiifiyo barafka. Daloollada balakoonka waa in ay furanyihiin marwalba oo nadiif ahaadaan. Dharka waa lagu qalajin karaa dharka. Balakoonka dhar waa ku waran kartaa, balse jafida bustaha iyo layrinta dharka waxaa lagu sameyn karaa dayrka guriga. Goobaha la wadaago: jaranjarada, banaanka guriga, wiishka Jaranjarooyinka, daaradaha iyo barxadda guriga waa goobaha la wadaago. Goobaha la wadaago laguma qaylin kari, sido kale sigaarka laguma cabi karo. Laabta waxaa lagu kaydin karaa oo kaliya goobaha loogu talagalay. Waddooyinka oo la dhigo alaabta waxay tahay halis dhalinkarta dabka. Gaariga caruurta loogama tagi karo jaranjarada hoose. Jaranjarada dabaqa hoose waa in aad ay nadiif ahaataa. Xir albaabka guriga. Jaranjarada hoose ee dabaqa layrinta dharka waa ka mamnuuc. Caruurta kuma ciyaari karaan wiishka, jaranjarada dabaqa ama qolka kaydka. Balse waxay ku ciyaari karaan guriga iyo barxada guriga. Barxadda guriga waxaa ka heli kartaa alaabta caruurta ku ciyaaraan iyo meelo lagu ciyaaro. Jabinta alaabta, goobaha ciyaarta ama xad gudub walba looma dulqaadan karo, la xiriir masuulka guriga. 20 21

Qolka kaydka Qolka dharka lagu dhaqo Guryaha inta badan waxay wadaagaan qolalka lagu kaydiyo baaskiilada iyo gaariga caruurta. Intaa waxaa dheer waxaa laga yaabaa guri walba in uu leeyahay qol yar oo u gaar ah keydinta. Si hantidaada aad u dhowrato qolka alaabta lagu kaydiyo waxaa usoo iibsan kartaa quful. Ku xir baaskiilka birta loogu talagalay in lagu xiro, kuna kaydi qolka kaydka baaskiilada. Inta aadan bilaabin dhaqashada dharka, waxaa balan kasoo qabsataa qolka lagu dhaqdo dharka. Marka aad dhar dhaqato ama aad qalajisato waa in aan nadiifisaa qolka. Oomada iyo shaambada wax lagu dhaqo adiga keensanaaya. Qolka qalajinta dharka loo isticmaalo, mar marka qaarkood waa in aad balan kasoo qabsataa si aad u isticmaasho. Saawnada Saawnada dhismaha aad dagantahay kutaala maalintaada ayaa ku leedahay. Saawnada waxaa gali kartaa oo kaliya maalinta aad leedahay. Kadib nadiifi qolka dharka lagu badasho iyo saawnada intaba. Qolka dharka aad ku dhaqday qalaji inta aadan bixin kahor. TV:ga iyo isgaarsiinta Dhismaha aad ku nooshahay wuxuu lahaan karaa anteenno caadi ah ama shabakad cable ah. Fiilada anteennada waxaa waxaa ku xiri kartaa godka, Tv-ga ama digiboksi. Ogolaasho weydiiso milkiilaha guriga haddii aad u baahato balakoonka diish in aad kusoo xirato. Ogolaashaha in aad xirato diisha marwalbo lama helo. Qadka intetnetka waa noocya badan yahay. Inta badan guryaha Finland interbetka waa kujiraa. Si kastaba ha ahaatee heshiis la sameey shirkada internetka laga soo furto. Talo waxaa weydiin kartaa milkiilaha guriga. 22 23

Qashinka iyo dib usoo warshadeynta Balakoonka laguma kaydin karo qashin ama si kumeel gaar ah jaranjarada albaabka hoose. Qashinka waa in aad gaysaan qashin qubka. Qashinka kurid mid kasta goobta uu leeyahay. Banaanka guriga waxaa yaalla goobihii lagu ridi lahaa qashanka oo kala duwan. Goobta qashinka waxa ay leedahay meesha warqadaha, baakadaha, haraaga raashinka, iyo weliba meesha caagagga, hdalooyinka iyo biraha oo laga yabo in ay goob gooni ah leedahay. Tubada biyaha wasaqda qaada ha ku shubin saliid cunnada iyo raashinka soo haray, sababtoo ah tuubada ayeey xiraayaan. Goobta haraaga raashinka waa in lagu ridaa waxyaalaha ciidda ku milmaya sida haraaga kafeega iyo shaaha, warqadaha guriga, diirka qudaarta, iwm. Goobta warqadaha waa warqadaha wargeysyada iyo kuwa xayeeysiinta iyo joornaalada oodhan. Goobta baakadaha waa sida baakadaha caanaha oo nadiif ah kuwa cabitaanaha, baakadaha oodhan. Goobta biraha waxaa lagu ridi karaa dhammaan gasacyada guriga loo isticmaalo. Goobta dhalooyinka waxaa lagu ridi karaa wixii dhalo kasameysan. Dhalooyinka faaruqa ah kuceli dukaanka waxaad ka helelaysaa lacag. Saliida cuntada intaad caag ku xirtid ku rid meesha qashinka. Saliida fadhida sida subagga ku rid meesha raashinka lagu rido. Cuntada duugowday ku rid goobta raashinka. Ha dhigin qalabka korontada iyo alaabta guryaha goobta qashinka. Qalabka noocaas waxaa geysaa goobaha u gaarka ah. Guriga inta aad joogto qashanka u kala sameey meel u gaar ah nooc walba oo qashin ah. waxaa ku sahlan marka aad qashinka qubeysid in mid walba halkii uu ku haboonaa aad ku rido. Batariga, nalalka dhaadheer, kiimikada waa haraaga dhibka leh waana in lageeyaa goobta loogu talagalay, ee lagu uruuriyo qalabkaas Qalabka elektrooniga ee dhamaaday ama qalab koronto oo la isticmaalay iyo wixii la lamid waa in la geeyo meelaha uu leeyihiin. Dayactirka Guriga waxaa isbadal lagu sameyn karaa, marka ogolaasho laga helo milkiilaha guriga. hagaajinta iyo dayactirka waxaa shaqo ku leh milkiilaha ama kireeyaha guriga. Shirkadda dayactirka guryahay ayaa qabaneysa howshaas, gaar ahaan kuwa yaryar. Xasuuso isbadal kasta oo aad sameyneyso in aad ka idin qaadato masuulka guriga iska leh ama kaa kireeyay. ogolaasho kadib ayaa dayactir ama rinjiyeyn sameyn kartaa. Booska baabuurka Guryaha qaar booska gaariga kirada ayuu kujiraa ama gooni ayaa loo kireysan karaa booska gaariga. Heshiiska booska gaariga ee guriga waxaa loo sameeyaa qaab qoraal ah, lacagtana waxaa la bixiyaa waqtuga kirada guri la bixinaayo. Baabuurta waxaa ladhigan karaa oo kaliya meesha loogu talagalay. Haddaad meel qalad ah dhigato waxaa laga yaabaa in lagu ganaaxo. Marka uu jiro qabowga aadka u badan baabuurka waxaad gashan kartaa goobta bareeska. Goobta bareeska waa in ay markasta xirnaataa. 24 25

Si wada jir ah aan u wada noolaano Dimoqraadiyo degganaan Dhammaan dadka deggan ooshan waa isku xuquuq waana isku waajib. Dhammaan dadka deggan oo dhan waxa ay saameyn kuyeelan karaan arimaha dhismaha iyo raaxo ugu naalaadkeeda. Guryaha dabaqa iyo kuwa gaagaaban waxa ay leeyihiin guddi degaan. Guriga waxa uu yeelan karaa guddi waxa ayna qabanqaabiyaan sida nadaafadda bannaanka, taas oo si wadajir ah loo daryeelayo bannaanka iyo meelaha lawada wadaago. Guddiga waxaa kaloo uu qaban qaabiyaa dhacdooyin iyo kerhooyin. Xeeraraka iyo nidaamyada Qof walba waxa uu xaq uleeyahay in uu gurigiisa nabad oogu noolaado, sababtoo aha waxaad dareemaysaa in aad nabad tahay. Dhismo kasta waxa uu leeyahay xeerar iyo nidaamyo u gar ah. Xeerarka waxaa laga yaabaa in guryahu uu kaladuwan yahay. Dhammaan dadaka deggan dhismaha waa in ay ku dhaqmaan xeerarka. Xeerarka iyo nidaamyada waxaa lagu sheegaa sharciyada dhismaha sida maxaa lagu sameyn karaa meelaha lawada wadaago, iyo sidee u daneyn kartaa dedka kale ee deggan dhismaha. Inta badan waxaa aamusnaantu bilaabataa habeenkii saacadda 22 ka ilaa saacadda subixii 7 da. Dariska waa in lasiiyaa nabad ay kuseexdaan. Markaas waa in aan dariska lagu dhibin cod ama qaylo dhibeysa. Sidoo kale dadka kuu imanayo waa in aysan qaylinin. Qofka guriga ijaartay ayaa mas`uul ka ah dadka u imaanaaya hab dhaqankooda. Haddii dariskaagu kugu qeyliyaan ama ay sawaxan kidhiba kugu keenaan waa in aad ooga dacwootaa qofka dhismaha madaxa ka ah. Xayawaanka guriga lagu dhaqdo ma aha in ay dariska dhibaan. Waa in uu xayaankaagu xirnaadaa marka aad jaranjarada iyo barxadda guriga mareysid. Barxadda guriga maha mel xayaanka lagu wad wado. Waa in aad hagaajisaa ood kaqaadaa meesha saxarada xayawaankaaga kuna ridaa qashinka. Xiriirka dariska iyo nabadda guriga Salaan dariskaaga. Dadka finishika ah marka loo fiiro dadka kale waa dad xishooda ootaxadar badan. Dadka finishka ah waxaa laga yaabaa in marka hore ay kaa fogaadaan, taas macnaheedu maha in ay yihiin dad xus oo xanaaqsan. Dadka finishka ah inta badan lama sheekeystaan dariskooda, adigana kaama sigayaan in aad la sheekeysatid. Laakiin waa ay wanaagsan tahay in aad noqoto qof ixtiraam leh oo daacad ah, sidaas ayey dadka finishka ah qiimeeyaan. Dariska finishka ah waxa ay aad u qiimeeyaan kudhaqanka xeerarka iyo nidaamka idinka dhexeeyo. Inta badan finishku waxa uu kufikiraa in aamusnaanta loogu dhaqmo sida xeerarka iyo nidaanka dhismuhu qirayo. Haddii dariskaagu uu dhankiisa ka yimaado codad ama sawaxan waa in aad marka hore dariskaaga si nabad leh oogala hadashaa. Haddii xaaladdu ay kuula muuqato mid hanjabaad ah oo kucabsi galiso waa in aad kala hadashaa arinta madaxa dhismaha, ama booliska. Haddii qaylada iyo sawaxanka uu siisocdo waa in aad la xariirtaa madaxa dhismaha. Haddii uu dariskaaga kaa dacwoodo waa in aad laxariirtaa madaxa dhismaha, waxaa arinta lagu xalin karaa wada hadal. Waa in aad laxariirtaa madaxa dhismaha haddii aad isleedahay qalad ayaa lagaaga soodacwooday. Haddii aad dhiganayso xaflad dhalasho, oo aad isleedahay waxaa ka imanaya sawaxan ama qaylo, waa in aad dariskaaga usii sheegtaa. Waa in aad warqad ku dhejisaa albabka hore sabuuradda, kuna sheegtaa in aad xaflad leedahay. Waa in aad xasuusataa in xilliga aamusnaanta aadan qaylinin. 26 27

Arimaha kale Safarada iyo martida Haddii aad aadeysid safar kabadan labo bilood waa in aad madaxa dhismaha soo wargelisaa. Kirada ama ijaarka guriga waa in labiyaa inta aad maqantahay xitaa. Haddii ay marti kuutimaado waa in ay sida dadkoo kale ay oogui dhaqmaan xeerarka iyo nidaamka dhismaha. Haddii martidaada ay joogayaan in kabadan labo asbuuc waa in lawargeliyaa madaxa dhismaha. Cayayaanka Marmar waxaa laga yaabaa in giriga ama dhismaha goobaha lawada wadaago lagu arko cayayaan dhibkeena. Cayayaanka waxa ay keenaan dhibaato caafimaad, waxay wax yeelaan maryaha guriga iyo weliba dhismaha. Marmar waxaa dhacda in si cayayaankaas loo cirib tiro in guriga oodhan lasumeeyo. Waa in aad si sax ah u qaadataa dhibaadada cayayaanka. Haddii aad dhismaha ku aragto cayayaan waa in aad laxariirtaa kambaniga dayactirka dhismaha. Waa in aad ka hortagtaa cayayaankaas sida looga hortagona waa in aad si joogto ah guriga u nadiifisaa, ku dadaashaa nadaafadda, waa in aad qashinka ka qaadaa guriga. Goobaha la xiriiri karo Suuqa guryaha (Asuntotori) Asuntotori waxaad kaheleysaa warbixin ah guryaha ijarka ah ee Tampere. Guryaha ay leeyihii magaaladda Tampere waxaad ka heleysaa xafiiska kireynta guryahay ee Asuntotori. www.tampere.fi/asuminen-ja-ymparisto/asuminen/asuntotori.html e-mail: asuntotori@tampere.fi taleefanka: 020 127 7215 cinwaanka: Puutarhakatu 8 Shikadda guryaga Tampereen Vuokratalosäätiö, VTS-kodit www.vts.fi e-mail: palvelukeskus@vts.fi taleefanka: 0201 277 277 Puutarhakatu 8 Aqaybta laamiga saaran, 33210 Tampere Tampereen Vuokra-asunnot Oy www.tampereenvuokra-asunnot.fi taleefanka: 03 565 66263 Puutarhakatu 8 A, dabaqa 1:aad, 33210 Tampere M2-Kodit www.m2kodit.fi e-mail: m2.asiakaspalvelu@ysaatio.fi taleefanka: 09 7742 5500 Xafiiska Tampere: Kirkkokatu 5, 33100 Tampere 28 29

SATO Vuokraus ja myynti www.sato.fi/ e-mail: asuntopalvelu.tampere@sato.fi taleefanka: 0201 34 4470 Satakunnankatu 18 B, dabaqa 1:aad, 33210 Tampere VVO-kotikeskus www.vvo.fi/ taleefanka vuokra-asunnot 020 508 5000 Kyllikinkatu 15 B boostada: PL 752, 33101 Tampere YH Kodit Oy www.yhkodit.fi/ taleefanka: guryaha ijaarka ah 010 227 3022 Aleksis Kiven katu 26, 33200 Tampere Internedka guryaha ijaarka ah Vuokraovi www.vuokraovi.com Oikotie asunnot.oikotie.fi Tori.fi www.tori.fi/pirkanmaa/asunnot Waxyaalaha kale ee muhiimka ah halka aad kala xariireysid KELA (Kansaneläkelaitos) www.kela.fi taleefanka: arimaha degaanka 020 634 2550 Xafiiska Tampere, Aleksis Kiven katu 18 33210 Tampere Infopankki.fi Shabakadda internedka ee laga helo macluumaad kusaabsan Finland kuna qoran luuqado kaladuwan Maahanmuuttajainfo Mainio Latalinta iyo kadista ajaanibta Mainio luuqadaada hooyo ayaaarinkasta lagaaga talinayaa www.tampere.fi/maahanmuuttajainfo e-mail: maahanmuuttajainfo@tampere.fi taleefanka: 040 806 2526 iyo 040 806 2527 Tuomiokirkonkatu 12 PL 487, 33101 Tampere Naapuruussovittelun keskus Heshiisiinta iyo wada hadalsiinta arimaha dariska iyo isqilaafka dariska. www.naapuruussovittelu.fi/ madaxa qaybta Tampere Hanna Vuorinen e-mail: hanna.vuorinen@naapuruussovittelu.fi taleefanka: 045 120 9046 Salhojankatu 42, 33500 Tampere Tampereen Sähkölaitos Xafiiska korontada magaalada Tampere, ayaad ka sameysan kartaa heshiiska isticmaalidda iyo soogelinta korontada gurigaaga. www.tampereensahkolaitos.fi e-mail: sahkopalaute@sahkolaitos.fi taleefanka: 03 5653 4500 Voimakatu 17, 33100 Tampere 30 31