Kala duwanaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska kurdida iyo hab dhaqameedkooda

Samankaltaiset tiedostot
Adeegga Kanta waxa uu ku socdaa nuunuuga illaa awooga iyo ayeeyda

SOMALI. Ka qayb qaado!

Sharciga sinnaanta. -sanduuqa qalabka la dagaalanka takooridda. SEIS Suomi Eteenpäin Ilman Syrjintää

Vammaisen. palveluopas TILMAANSIIYAHA ADEEGYADA EE LOOGU WADDANKA U SOO GUURAY. Vammaisfoorumi ry. Ururka foorumka naafada (Vammaisfoorumi ry)

Ma la kulantay takoorid ama cunsuriyad?

Kala duwaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska islaamka iyo hab dhaqameedkooda Kontiolahti iyo

HAGAHA. xigto daryeelaha ee ku qoran luqadda hufan. Waan caawiyaa xigtadeyda xageen ka helaaa nafsad ahaanteeyda caawinaad?

QAAMUUSKA ARRIMAHA BULSHADA

Buugeyga xusuusta. Sooshalkayga: Tel: Hawlwadeenkayga sooshalka: Tel:

KU SOCOTA AKHRISTAHA

Buuggayga xasuus qorka

Hagaha waxaa isagoo qaab elekterikal ah looga helaa islamarkaasna laga daabacan karaa bogagga internetka ee magaalada Hämeenlinna.

Deegaan lagu raaxeysto

Kuluttajaliitto - Konsumentförbundet ry. Nidaamka kirooyinka. Talooyin loogu talagalay dadka wax kireysanaya iyo kuwa wax laga kireysto

Hurdo iyo hurdo xumo

Latalin ku saabsan deggenaanshaha

Ku soo dhowow Finland

Su aalo-weydiinta isqiimeynta ee awoodda shaqada iyo waxqabadka

SOMALIN KIELEN OPPIMATERIAALI Digimateriaali

GURIGAYGA DABAQA AH HAGAHA DEGANAYAASHA JAWIGA FINLAND IYO DHISMAYAASHOODA

HAGIS CARUURTA LAGU HAYO XANAANADA KA HORTEGISTA JIROOYINKA FAAFA IYO DARY- EELKOODA

Qalqalka xusuusta, xanuunada xasuusta, hilmaanka

Somalinkielinen kasvatusvihko vanhemmille Barbaarinta caruurta iyo waalidnimada. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola

Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin. Gergaarka deg dega ah. Daad gureyn/qaxin/faaruqin/banneyn fadhi u ah

Käsikirjoittajat: Fadumo Bile Jama Abdulkadir Hamdi Abdalla

Lakashifay/daah laga qaaday ama marka gaari lajiidaayo laguxiro. Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin

JIMICSIYADA DARDAR- GELINTA MASKAXDA

Seminaarka barayaasha afka soomaaliga ee waqooyiga Yurub 2011

WARBIXIN LOOGU TALA GALAY MACAAMIISHA CUSUB EE XAFIISKA SHAQABIXINTA IYO WAX SOO SAARKA

Mashruuca ETNIMU, Koorsada horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 4aad. Farxada maskaxda

Sidee guriga loogu hirgeliyaa daryeel daawo oo ammaan ah?

Hagaha dadka dalka u soo guuray HÄMEENLINNA

SOMALI. Tilmaanbixiye. ku saabsan waxbarashada iyo shaqooyinka oo loogu talaggalay dhallinyarada dhaqammada kala duwan ka soo jeeda

Ma hadli karnaa? Mashruuca

SOMALI SUOMI TERVETULOA OULUUN

Q A A M U U S I S L A A M I A H:

Barnaamijka ETNIMU, koorso horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 5aad. Dareemada.

Af Soomaali - somali. hage ganacsi. Kaganacsiga dalka Finland

Ku hagista habka degganaanshada ee dadka ajaanibta ah

YHDISTYS- JA HANKETYÖN SUOMI ENGLANTI SOMALI SANASTO QAAMUUSKA FINNISH INGRIIS SOOMAALI URURADA- IYO MASHRUUCYADA

Warbixinta ajaanibka ee dee gaanka dabiiciga ah

Rikosseuraamusalan sanastoa

Badbaadadu waa qaadista tallaabooyin taxaddar ah oo yar yar maalin kaste. Warbixinta iyo tilmaanbixinta ka hortagga shilka iyo xaaladaha degdegga ah

WARAR LOOGU TALAGALAY DADKA MAGANGELYADA CODSADAY

Warbixinta Habka Cadaaladda Danbiga ee Dhibanayaasha YARYAR ee la Dulmiyay

Kajaanin kaupungin varhaiskasvatuksen kotouttamisohjelma 2013

Säännöt/Shuruudaha Solay. Säännöt/Shuruudaha Solay

HAWEENKA! - NAISET SOMALIAN SODASSA JA RAUHASSA

AFKEYGU WAA GARAADKEYGA SOMALI

MAAHANMUUTTAJALAPSET TULKKEINA

Yleiset kulttuurierot ja stereotypisointi: Kurdilainen perhe- ja tapakulttuuri

JÄRJESTÖTIEDOTE Toukokuu 2012

KÄÄNNETTYJÄ SOMALIALAISIA SATUJA JA ÄITIEN AJATUKSIA SATUJEN MERKITYKSESTÄ LASTEN KEHITYKSELLE

Suomi somali suomi sanakirja. Qaamuus finnish soomaali finnish. Laatinut. Abdirizak Elmi. Diyaariyay. CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ina Warfaa

PSYKOTERAPIAISTUNTOIHIN LIITTYVÄ SANASTO Suomi somali-sanastotyö

1. Kaikki kaatuu, sortuu August Forsman (Koskimies)

Syrjintätapausten kerääminen ja tietoisuuden luominen - hanke SEVITYSRAPORTTI

Ohjeita asumiseen svenska, english, soomaali, eesti Google :)

K Ä Y T T Ö S U U N N I T E L M A Y H D Y S K U N T A L A U T A K U N T A

Maahanmuuttajien neuvontapiste Myyringissä

HYVINKÄÄN KAUPUNKI KUNTATEKNIIKKA

TURUN SEUDUN KESÄSARJA

Myllypuron koululaisten harrasteopas

KULTTUURITAUSTAN JA TULKKAUKSEN MERKITYS SOMALINAISTEN SYNNYTYKSISSÄ

AIKAKAUSLEHDET. tammik. Suomen Suurin SiSuStuSlehti. Kevään. värikkäät astiat. Talvi 1/0. arke. herkut. retkel MAK

YOUTH SERVICES INFORMATION, SUP- PORT AND ACTIVIES TO YOUNG PEOPLE NUORISOTYÖ TIETOA, TUKEA JA TOIM- INTAA NUORILLE NOORSOOTÖÖ TEAVET, TUGE JA TE-

i lc 12. Ö/ LS K KY: n opiskelijakysely 2014 (toukokuu) 1. O pintojen ohjaus 4,0 3,8 4,0 1 ( 5 ) L i e d o n a mma t ti - ja aiku isopisto

UUSI KIRKKOVUOSI UUSI LASTEN VIRSI UUSI ILO MESSUUN! Aineistoa 1. adventin perhemessuun

MASTERS SUOMEN ENNÄTYKSET, 25 m rata Masters Finnish Records, 25 m pool

Helka-neiti kylvyssä

Lataa Taiteilijatreffit sota-alueella - Kristiina Koivunen. Lataa

LAPUAN KAUPUNKI 8. LIUHTARIN KAUPUNGINOSA ASEMAKAAVAN KUMOAMINEN KUORTANEENTIE I

Luento 6 Luotettavuus ja vikaantumisprosessit

Ei asemakaavaa. E3 Söörmarkun eritasoliittymä

LAPUAN VIRKIÄN ENNÄTYKSET

Porin Keilailuliitto Pori Open turbo sarjat 3-4

t P1 `UT. Kaupparek. nro Y-tunnus Hämeenlinnan. hallinto- oikeudelle. Muutoksenhakijat. 1( UiH S<

Myllypuron koululaisten harrastusopas

Toimintakatteen toteumat tulosalueittain:

Suomen Kivuntutkimusyhdistyksen pj, hallitus ja toimikunnat 2018

I Perusteita. Kuvien ja merkkien selitykset Aika arvot Lämmittelyharjoituksia Rytmiharjoituksia Duettoja...

N I K E A N U S K O N T U N N U S T U S

VALITUT PALVELUNTUOTTAJAT

3/ Hakunilan ja Länsimäen uutisia

/18. Liite Virallisen lehden numeroon 55/ Toimittanut eduskuntatiedotus

LHS:n piirikunnalliset LPH Urheilukeskus, Lahti klo 18:30 LOPPUTULOKSET

Kunnan- ja Visanmestaruus tulokset

PALVELUNTUOTTAJA PALVELUSETELIHAMMASLÄÄKÄRIT

Puheenjohtaja/ Rahastonhoitaja/ Muut johtokunnan Jäsenten/vap.jäs. Kahvitoimi- Sihteeri Jäsenasiat jäsenet lukumäärä kunta

VALITUSOSOITUS (Poikkeamisluvat 36)

& # # w. œ œ œ œ # œ œ œ œ œ # œ w. # w nœ. # œ œ œ œ œ # œ w œ # œ œ œ Œ. œ œ œ œ œ œ œ œ # œ w. œ # œ œ œ w œ œ w w w w. W # w

LIITE 1 Jaksoarviointi, Syntymäpäivätaivas Opettaja

Kauden parhaat kotimaa Naiset 100 m

Kotoverkostoja maaseutualueille -hanke

FORD KA KA_202054_V5_2013_Cover.indd /06/ :59

SOSIALIDEMOKRAATTINEN PUOLUE SAARINIEMENKATU HELSINKI POSTISIIRTOTILI VAIHDE

Hassen 7/12 Tervasaari-hölkkämaratoonin tulokset ( ) Maraton

Vaalilautakuntien ja vaalitoimikuntien asettaminen eduskuntavaaleja varten. Valmistelija: hallintosihteeri Toini Heinonen, puh.

Lähetettyjen ja saapuneiden kirjeiden diaari. Lähetettyjen ja saapuneiden kirjeiden diaari. Lähetettyjen kirjeiden diaari

Transkriptio:

1(6) Kala duwanaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska kurdida iyo hab dhaqameedkooda FT Tuija Saarinen Horudhac. Tirada kurdida aduunka waxaa lagu qiyaasaa tiro kala duwan. Iyadoo kooban sida ay ku qiyaaseen tiradoodu waa in ku dhow 30-40 malyan, qiyaas ballaaran marka lagu sameeyo kurdida waxaa dhici kara in ay yihiin 55 70 malyan. Kurdida degan dawladaha kala duwan tiradooda guud ma ahan mid sugan, taas waxaa tusaale u ah Dawlada Turkigu ma tiro koobto dadka laga tirada badab yahay. Kurdida intooda badan waxay degan yihiin nawaaxiga Kurdistan, halkaas oo ah nawaaxiga dawladaha ama wadamada Turkiga, Ciraaq, Iiraan, iyo Siiriya. Xoogaa kurdi ah ayaa ku nool nawaaxiga midoowga sufyeedka ee Aasiyada dhexe. Yurub waxaa lagu qiyaasaa in ay ku nool yihiin kurdi in ku dhow ilaa 700 000. Jarmalka ayay degan yihiin kurdida ugu badan Yurub. Xaafiiska tirakoobka sida uu sheegay 2011da dadka kurdida ah ee degan wadanka Finland waa 8032. Afarta wadan ee udhaw dhulka Kurdistan marka la isku geeyo baaxadeedu waa 406 650 kilomitir labo jibaaran kaasoo ah nawaaxigii hore, kurdidu dowlad ma lahan, kurdidu waxay ku dhex nool yihiin dawlado kale. Kurdidu waa shacabka aduunka ugu badan kuwaasoo aan dowlad lahyn taasu waa xaalada ay hada ku sugan yihiin. Luuqadda kurdida Luuqada kurdiga waxay gashaa luuqada iiraan ee indoyurubiyanka. Luuqada kurdiga qaraabo lama aha carabiga ama turkiga, laakiin waxay qaraabo yihiin luuqada rasmiga ah ee Iiraan oo ah, bersiga (farsi). iyo sidoo kale luuqadaha looga hadlo Afganistan pasto iyo dari oo ay isku qaraabo yihiin. Luuqada kurdigu waxay leedahay afar lahjadood oo waaweyn, kurmandzin, luri, sorani, iyo zaza. Lahjad walbana oo kuwaan ka mid ah waxay leedahay dhowr lahjadood oo hoos taga. Lahjadahaasuna waa kuwo wax badan ku kala duwan, oo dadka ku hadala ma ahan lagama maarmaan in ay isfahmaan. Tusaale ahaan lahjadaha kurmandzin iyo sorani way ku kala duwan yihiin kalmado waxaana la barbar dhigi karaa sida ay isku yihiin luuqada jarmalka iyo holandeyska.faqriga u dhexeeyana waxaad ku arki kartaa ereyga iyo naxwaha. Kurmandzi iyo sorani waxay leeyihiin hab qoraal kuwaas oo loo qoro habka carabiga iyo alifbeetada laatiinka. Waayahaan danbe kurmandziga waxaa loo qoraa habka alifbeetka laatiinka oo kaliya. Kurdidu badanaa ma yaqaanaan sida loo qoro ama loo aqriyo luuqadooda hooyo, sababtoo ah waxbarashadu ma ahyn mid mar walaba suurtagal ahyd. Kurdida intooda badan waxay iskoolada ku soo dhigtaan meelo kale oon luuqadooda hooyo looga hadlin. Tusaale ahaan Turkiga iskuulladu waxaa wax lagu bartaa luuqadda turkiga. Turkigu mudo dheer ayay culayska saarayeen in aysan kurdidu lahaanin luuqad tooda ka duwan. Xaduuda kaliya ayaa looga hadlaa lahjada turkiga. Meelha bar kulameedka ah iyo goobaha shaqadaba kurdidu waxay isticmaalaan badanaa luuqada

2(6) turkiga. Sidoo kale Iiraan iyo Siiriya waxbarashada kurdida iyo bar kulameedka bulshada isticmaalkeeda waxaa jirtay waqti ay mamnuuc ahyd. Luuqada kurdida barashadeedu way ku dhib badan tahay ajaanibta. Tusaale ahaan hingaadinta waxaa ka badan waxyaabo badan oon waafaqsanayn sharuudaha hingaada. Indoyurubiyaanka looqadooda naxwaha wuxuu isu badalaa inta badan in kalmada ficilka ah ay ka taranto gadaal tusaale ahaan qaabdhismeedka kalmada xarfaha gadaal ka raaca waxay tilmaamaan waqti. Luuqadda kurdida qaab isticmaalka waqtiga magac u yaalku wuxuu ka galaa kalmada ficilka ah horteeda. Tusaale ahaan kalmada ficilka ah sidaad u fahanto way adag tahay markaad isticmaalayso qaamuuska hadii aadan aqoon kalmada asalkeedi ama qaab dhismeedkeeda. Taariikhda kurdida Taariikhda kurdida waxay u muuqataa mid dagaal ku lug leh. Dad badan ayaa jeclaan lahaa in ay maamushaan buurahooda, iyo sidoo kale harooyinkooda iyo dhulbeeroodkooda. Kurdistan waa meel bartilmaameed ah xitaa dhaqaale ahaan waa dhul muhiim ah. waxay leeyihiin labo webi oo kala ah Eufrat ja Tigris oo dhulkoodu wuxuu leeyahay shidaal. Nawaaxiga dhulkaas labada webi ayaa ahaa mid ay ka dhacaysay kumanaan sanadood u guuritaan caalami ah uuna ka socday dagaal. Ilbaxnimada ayaa ahyd mid timaada hadana laabata, qeyb ka mid ah dadkii hore ee degaanka ayaa ku milmay dadkii cusbaa ee gadaal ka yimid. Dadka sameeya baaritaanka dhaqmada taariikhiga ah ayaa sheegay in Kurditan nawaaxigeeda uu ka jiri jiray dhqan sare intii aysan imaan turkidu ka hor. Turkida ayaa ku sugnaa nawaaxiga Aasiyada dhexhe mudo ku dhow 1000 sano waxayna ku yimaadeen, iyagoo socda ahna shacab ciidan ah. Cusmaaniyiintii ayaa qeybta ugu weyn Kurdistan maamulaysay ilaa iyo dagaalkii koowaad ee aduunka. Heshiiskii nabada ee 1920kii ayay ahyd in Turkigu u aasaaso nawaaxi ay u madax banaan yihiin Kurdidu, laakiin wax ka hirgalay ma jiraan heshiiskaas. Heshiiskaas waxaa lagu bedalay heshiiskii nabada ee sanadkii 1923dii oo lagu cadeeyay. In waqooyiga kurdistan ay u harto Turkiga, koonfurtuna Siiriya iyo Ciraaq, inta kalena in ay maamulaan Ururka wadamada oo hada loo yaqaano qaramada midoobay ayuguna waxay u sii xilsaareen in ay maamulaan Faransiiska iyo Ingiriiska. Ka dib markii ay xoroobeen Siiriya iyo Ciraaq. Qeybta cirifka bariga ee Kurdistan waxay weli ka tirsantahay Beershiya taasoo hada loo yaqaan Iran. Kurdidu waxay dhowr jeer iska hor imaad ka sameeyeen wadanka ay hoos tagaan eeturkiga,iiraan iyo Ciraq waqtigii dagaalkii labaad ee aduunka ayay Kurdidu isku dayeen in ay dawlad la dhistaan ayagoo kaashanaya sidoo kale wadamo kale si loogu aasaaso dawlad riboblik ah. 22.1.1946 ayaa shaac laga qaaday in ay dhalatay dawlada Kurdistan ee ribobliga ah. Sanadka dhamaadkiisi ayaa weerar lagu qaaday dawladii riboobliga ahyd, Kurdidu iskuma filayn in ay iska caabiyaan ama hor istaagaan milatariga Iiran. Kurdidu waxay noqotay in ay ahaadaan dadka laga tirada badan yahay ama ku hoos nool wadan kale. Turkiga Lagama aqoonsan jiritaanka kurdida. Turkiga ayaa laga mamnuucay isticmaalka luuqada Kurdiga ayadoo loogu hanjabay xabsi arrintaas waxay socotay ilaa sanadkii 1991 waxaana la bilaabay in laga dhigo turki. Kurdida ayaa qaarkood laga raray goobihii ay deganaayeen qaarna la laayay Dagaalkii labaad ee aduunka ka dib ayaa kooxo aad farabadan oo kurdi ah u guureen galbeedka. Turkiguna waxay u rareen koonfur galbeed sababtoo ah waxay joogto weeraro uga samyn jireen bariga. Waxaa kaloo galbeedka u raray ayaga dhaqaalo darada iyo baahida ay qabeen

3(6) dhulbeereedka. Sanadkii 1965 in ku dhow boqolkiiba 65 ah kurdida Turkiga ayaa waxay weli degenaayeen nawaaxigii ay asal ka soo jeedeen, laakiin waqtiyadii danbe waxaa halkaas ku sugnaa intaas barkeed. Istanbul waxaa ku nool in ku dhow 3 malyan oo kurdi ah. Waayahii danbe meelaha kurdidu ay degan yihiin oo ay ka muuqdaan waxay ahaayeen xeebaha waqooyi galbeed ee Turkiga waa magaalooyinka dhaqaalaha leh, Galbeedka-Turkiga nawaaxiga magalada xeebta ah ee Egean iyo koonfurta xeebta badda Merteeniya Xornimadoonka kurdida Kurdidu meelkasta oo ay ku noolyihiin waxay ka yihiin dadka laga tirada badan yahay, Turkigu ma ogola soo shaacbixida dadka laga badan yahay jinsiyadoodi hore. Turkigu doonitaanka uu rabo in uu ka mid noqdo Midowga Yurub ayaa xaaladaas xogaa wax ka badashay. Ka mid noqoshada Midoowga yurub sharuudaha looga baahan yahay ayaa ah in uu xaquuqda biniaadamka dhowro si ka fiican sida hada xaaladu tahay, xaqdhowrna uu ku sameeyo kurdida dibna u qeymeeyo kaalinta ay nolosha uga jiraan. Barashada luuqada Kurdida ayaa waayihii danbe loo ogolaa in lagu barto kuleejooyinka bareefad ah. Radiyo ku baxa luuqada kudishka iyo telefishin soo daaya barnaamijyo ku baxa luuqada kudishka ayaa Turkiga ka daawan karaan. Xisbiga shaqaalaha Kurdida ee PKK waxay doonayaan madax banaani kaalinta nolosha ay Turkiga kaga jiraan. PKK:du waxay leedahay kooxo ama jabhado hubaysan oo dhadhaqaaq sameeya, jabhadahoodu waxay weeraro iskaga horyimaadaan milatariga Turkiga. PPK:da iyo milatariga Turkiga ishorimaadyada ka dhex dhaca waxaa ku dhintay tobanaan kun oo dad ah, oo iskugu jira jabhad iyo askarta Turkiga. Waxaa haboon in la ogaado in aysan taageerin dhamaan Kurdidu PPK:da, laakiin kurdida Turkiga oo aan taageerin Pkk:da ayaa doonaya xaquuqdooda iyo in loo aqoonsado in ay yihiin wadaniyiin, aygoo haysta dhaqankooda iyo luuqadooda. Dhaqanka iyo diinta Kurdistan nawaaxigeeda galbeed bari ayaa ah qaasatan qeyb ka mid ah Turkiga waana nawaaxi asalraac ah noloshooda caadiga ahna waxay ku salaysan tahay qaabka qabiilka ee waayihii hore. Nawaaxigooda kurdidu waxay ku noolyihiin beeraha, dadka qaarkood sida ay ku qiyaaseen dhaqanka kurdida in lagu tilmaami karo in ay yihiin beeroleey dhulka ku xiran. Intooda badan kurdidu waxay aaminsan yihiin diinta islaamka. In ku dhow 75 % kurdidu waa muslim suni ah. Waxaa aydana ka fiirsasho mudan, in ayaga dhexdooda ka jirto kala duwanaan fikirka ay ka kala haystaan caabudaada diinta iyo ku dhaqankeeda. Qeyb ka mid ahna waxay aamin san yihiin islaamka ah shiicada. Qeybaha kalana waa kiristan, juhuud aleveja, kuwaas oo daris la ah islaamka waa kooxo ku wada degan fikir ka xor ah dhanka diinta. Dad tiro yar oo ah kuwa laga tiro badan yahay waa yezdan, oo ku xiran bershianka diimahooda fircooniga, yahuuda, masiixiga iyo islaamka. Kurdidada waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin dad dulqaad leh oo aqbala diimaha kale. Tusaale soonka ayaa isku xira kurdida, laakiin waqtiga la sooman yahay ayaa ah mid lagu kala fikir duwan yahay oo is bedbedela taas oo ay keento diinta iyo sida loo kala aamin sanyahay. Dhaqanka kurdida waa mid isku xiran, kaasoo danta bulshadu ka horeyso tan shaqsiga. Kala duwanaanta fikradaha ayaa waxay keeni karaan in qof laga dhex saaro bulshada ama laka takooro. Hidaha ka dhexeeya bulshada si walba ha ahaate way ku kala dhuntey uguurista shacabka u guurayaan magaalooyinka. Magaalooyinka waaweyn qoysaska usoo guuray caruurtooda ayaa waxay ku barbaareen aygoon caawimada bulshada helin taasoo keentay in intooda badan ay ku koraan faqrinimo, waana tan

4(6) keentay isbedelka ka muuqda dhaqanka: Caruurtu waxay barbaareen aygoon helin koritaankii iyo xirfadihii bulshada tuulada, mana aysan dhaxlin waxyaabahaas qeymo galka ah. Qaabdhaqmeedka iyo qoyska Hidaha ama dhaqanka kurdida waxaa aad muhiim u ah qeymaha qoyska iyo xiiriirka ka dhexeeya dhexdooda inuu yahay mid adag. Qoysasku badanaa waa qoysas ballaaran, xaaladaha aan caadiga ahyn marka laga reebo kurdida uma degaan keli. Badanaa qoyskoodu waxay ka kooban yihiin in ka badan inta xubnaha qoysku ka kooban yahay, waxaana badanaa la degan dad ka soo jeeda faracooda kala duwan. Waxay ula xiriiraan qaraabadooda degan meelaha fog fog si joogto ah, waxayna kula xiriiraan teleefoon ahaan ama kumbuyuutar ahaan. Dhaqankoodu sida uu qabo ama u muuqdo galmo waxaa sameyn kara oo kaliya dadka is qaba, kurdidu ma sameeyaan guurka ka hor wax xiriir ah oo galmo ah ama wado deganaan ah. Lamaanaha is qaba jacaylka ka dhexeeya iyo wado raaxaysigu waa arimo muhiim ah, laakiin waxaa kaloo muhiim ah shaqsiga u sareeya bulshada oo ah caaqilka degaanka. Dhaqanka bulashada heerka haweenaydu kaga jirto bulashada dhanka dhaqaalaha waa mid si weyn ugu xiran guurka qofka dumarka ah, dumarka aan weli la guursan laguma tiriyo dadka waaweyn. Sidoo kale diinta islaamka fikirka ay guurka ka qabo waa mid wanaagsan oo ay kula taliso dhamaan dadka aan weli guursan. Guurku waa qaabka kaliya oo qofka dumarka ah ku heli karto dhaqaalaha nolosheeda, sababtoo ah nawaaxiga kurdida dumarku waxay ka shaqeeyaan guriga mana helaan shaqooyin kale oo ka baxsan tan guriga, dumarku ma laha hanti dhul ah ama lo o. Garoobyada ama dumarka laga dhintay ma lahan fursado kale oon ahyn in ay isku dayaan guur mar kale guurkoodu wuxuu noqon karaa in ay nin naag qaba u noqdaan xaas labaad ama xaaskii sadexaad. Diinta islaamka ayaa ogol guurka dhowr xaas, laakiin guursashada labo xaas ama in ka badan ayaa ah mid aad u adag dhanka masruufka umana suurto geli karto dad dhif ah mooyee sida nimanka hantida leh. Suuqyada dumarka la furay aad ayuu u xadidan yahay, sababtoo ah nimanku ma rabaan in ay masuuliyad ka qaadaan caruur aysan dhalin. Taas ayaa waxay keentay ninkii dhinta qoyskiisa in uu daryeelo walaalkiis, waxaa dhacda badanaa in ay nimanku guursadaan naagtii walaalkood ka dhintay. Hadii ninku uusan lahayn walaalo aan weli guursan, waxaa guursanaya, walaalihiis kuwa xaaska leh mid ka mid ah oo ku labaysanaya ama ku sadexaysanaya amaba ku afraysanaya. Nolosha qoyska kurdida aad ayay muhiim u tahay in la dhalo ilmo badan. waxaa ugu xun oo kurdidu ka baqdaa ee in ay dhali waayaan madhalysnimo. Tuulooyin dhif ah oo ku yaal baadiyaha ayaa dadka degan fursad u helaan ama awoodaan dhaqaale ahaan daryeelka ilmo la aanta. Sababaha keena badanaa furitaanka ama guur labaad waa ilmo la aanta Dhaqanka kurdida guurku ma ahan mid ka dhex dhaca labo qof oo kliya badanaa. Labada qof oo is jeclaata go,aanka guurkooda way gaari karaan, laakiin waa hadii, qaraabadoodu labada dhinacba ogolaadaan oo kaliya. Qaab nololeedka odayaasha taliyaee haweeneeyda iyo arimaha bulshada, dhaqaalaha, iyo galmaduba waa kuwo ku xiran heshiiska guurka taas oo ujeedadu tahay in qofka dumarka ah reerkeedu u sheegtaan ninka reerkiisa dhaqaalaha ay ka rabaan. Caruuska ayaa bixiya lacagta gabdha laga bixinayo oo siiya gabdha aabaheed. Lacta uu bixinayo ninku waaa mid xogaa badan sida caadiga ah, hadii caruusku yahay nin naag ka dhimatay ama gabdha la guursanayaa noqon doonto xaaskii labaad. Marmarka qaar labada qoys ayaa isku badasha caruusyada is guursanaya, markaas qofna loogama baahna inuu bixiyo lacgtii meherka.

5(6) Guurarka muslimiintu badanaa waa guur lasoo qabanqaabshay, laakiin waxaad ogaataan, in uusan micnuhu ahayn guur qasab ah. Qofna ma lagu qasbi karo inuu qof xiriir shukaansi la yeesho, ee waxaa loo baahan yahay ogolaansho labada dhinacba. Dhaqanka kurdida waxaa qeyb mudnaan mudan ka ah ixtiraamka dadka waaweyn iyo marti galinta. Kurdidu waxay isku dayaan in ay ilaaliyaan martigalinta, taas oo ah in la ixtiraamo fikirka aasaaska soo jireenka ah. Kurdida way la haboontahay in la sooro martida waxayna iskugu yimaadaan u dabaaldegaan xafladahooda soo jireenka ah. Xafladooda ugu muhiimsan waa tan sannadka cusub newroz. Xilliga ay u dabaaldegaan waa isu dheeli tiranka xilliga gu ga oo ku aadan 21.3. dhamaan qeybaha Kurdistan iyo qurbajoogta meel walba ooy joogaan waa u dabaaldegaan. Newroz wuu kulmiyaa kurdida xitaa kuwa ku nool Finland. Aasaaska dhaqanka kurdida waxaa ka mid ah ku dhaqanka ixtiraamka. Gabdhuhu kaligood ma aadaan iskoolka waxaa taas dheer kaligoodna kama baxaan guriga. Dumarku waxay u labistaan si asturan taas oo macneheedu yahay waxaa qarsoon xitaa lugaha iyo gacmaha ugu yaraan ilaa suxulada, waxaase ka sii wanaagsan in dhamaan la qariyo. Nawaaxiga kurdida laguma socon karo dhar qaawanaan ah sida dharka kuleylaha, in kastoo aysan naaguhu badanaa qamaar qaadan. Qofku waa inuu iskiis u ilaaliyo wixii wax u dhimaya dhimaya sharta qaraabadiisa. Muhiimada qaraabada iyo qoyska ayaa ah mid aad u balaaran taasoo ku salaysan farcooda waxay na tusaysaa, in luuqada kurdida ay ka buuxaan magac u yaalo oo loo isticmaalo qaraabada noocyadooda kala duwan. Dhalinyarada waajibkoodu waa in ay ilaaliyaan sharafta iyo cisada reerka una raadyaan nolosha reerka qaabka karti leh. Kurdida Yurub Kurdi badan ayaa ka soo qaxday wadankii ay u dhasheen. Waxay ku dhex nool yihiin dhaqamo badan oo kala duwan aygoo wadamo badan oo yurub ah ku degan in ay yihiin dadka laga tiro badan yahay Wadamada reer galbeedka qoysaska degan dhalinyaradooda ayaa waxaa saameeyn ku yeeshay dhaqmada wadamada waaweyn oo ay degan yihiin iyo iskuullada. Taasuna waxay keentay muran ka dhex dhashay faraca ay ka soo jeedaan kurdidu. isbedelka dhaqanka kurdida, oo ku salysnaa in danta qofka laga hormariyo tan guud, ayaa ah isbedel weyn oo ku yimid oo ay ka qaateen tusaale casriga wadamada waqooyiga yurub. Dhalinyaro badan ayaa danahooda ka hormariya danaha qoyska, sababtoo ah iskoolada ayaa lagu baraa isdaberka shaqsi ahaaneed iyo xornimada. Wadamada reer galbeedka yurub qoysaska kurida ah ee usoo guuray waxay la kulmeen dhibka culeyska guuritaanka, wadamada waqooyiga yurub la qabsashada bulshada iyo dhaqankuba waa mid u baahan la qabsasho, waxaa cadaan ah in dadka qaarkiisa ay kula qabsadaan waqti gaaban. Ajaanibta kurdida iyo kuwa kaleba waxay ku sugan yihiin xaalada sugitaanka waxayna u baahan yihiiin taageero joogto ah. Qoysaska kurdidu way aasaasan karaan hab cusub oo ah ku dhaqanka xaaladaha cusub ayagoo xafidaya dhaqankooda. Laga soo daabacey: Arshi, Z. & Zabihi, K.1990: Kurdistan. Östersund: Oriental Art Publishing. Ergil, Doğu 2007: Kurdida iyo dowlada. Leinonen, Anu & Kojo, Tuula & Nousiainen, Mervi & Peltonen, Sampsa & Tainio, Lauri (sameeyay.): Turki xaduuda yurub? Helsinki: Gaudeamus.

6(6) Kiuru, Riikka 2009: Warbixinta qurbojoogta, waayo aragnimada nolosha iyo hidaha bulshada. Aragtida kurdida degan Finland iyo xiriirka hidahooda. Pro gradu baaritaano. Jaamacadda Helsinki, Dhaqamada haayada baarista, folkloristicska. Koivunen, Kristiina 2001: Shaaha iyo Kurdiatan. Helsinki: Like. Koivunen, Kristiina 2006: Safarkii halyeeyga Koonfur bari-turki. Helsinki: Like. Koivunen, Kristiina 2007: Serhildan. Kacdoonkii kurdida ee Vani. Helsinki: Like. Lehtinen, Aki Petteri 2011: Qeybaha mamnuuca ah, xubnaha jika la qariyay. joornaalka jaamacadda 1/2011.Lehtonen, Elina 2004: Kurdida Turku. dhismaha bulshada qurbojoogta. Pro gradu baaritaano. Cilmiga sooshalka. Turku: Jaamacadda Turkuu. Mero, P.1998: Qaxootiga Al-Tashin. Habka baxnaaninta macmiilka ku haboon.wasaaradda shaqada :Helsinki. Nerweyi, Faik 1991: Kurdida. Haaayada arrimaha bulshada iyo caafimaadka. Helsinki: VAPKmaalgelin. Rankin, Bruce H. & Aytaç, Işik A. 2006: Gender Inequality in Schooling: The Case of Turkey. Sociology of Education 2006, Vol. 79 (January): 25-43.