Warbixinta Habka Cadaaladda Danbiga ee Dhibanayaasha YARYAR ee la Dulmiyay

Samankaltaiset tiedostot
Adeegga Kanta waxa uu ku socdaa nuunuuga illaa awooga iyo ayeeyda

SOMALI. Ka qayb qaado!

KU SOCOTA AKHRISTAHA

Buugeyga xusuusta. Sooshalkayga: Tel: Hawlwadeenkayga sooshalka: Tel:

Vammaisen. palveluopas TILMAANSIIYAHA ADEEGYADA EE LOOGU WADDANKA U SOO GUURAY. Vammaisfoorumi ry. Ururka foorumka naafada (Vammaisfoorumi ry)

Buuggayga xasuus qorka

QAAMUUSKA ARRIMAHA BULSHADA

Ma la kulantay takoorid ama cunsuriyad?

Sharciga sinnaanta. -sanduuqa qalabka la dagaalanka takooridda. SEIS Suomi Eteenpäin Ilman Syrjintää

HAGAHA. xigto daryeelaha ee ku qoran luqadda hufan. Waan caawiyaa xigtadeyda xageen ka helaaa nafsad ahaanteeyda caawinaad?

WARBIXIN LOOGU TALA GALAY MACAAMIISHA CUSUB EE XAFIISKA SHAQABIXINTA IYO WAX SOO SAARKA

Kuluttajaliitto - Konsumentförbundet ry. Nidaamka kirooyinka. Talooyin loogu talagalay dadka wax kireysanaya iyo kuwa wax laga kireysto

Latalin ku saabsan deggenaanshaha

Ku soo dhowow Finland

GURIGAYGA DABAQA AH HAGAHA DEGANAYAASHA JAWIGA FINLAND IYO DHISMAYAASHOODA

Hagaha waxaa isagoo qaab elekterikal ah looga helaa islamarkaasna laga daabacan karaa bogagga internetka ee magaalada Hämeenlinna.

Seminaarka barayaasha afka soomaaliga ee waqooyiga Yurub 2011

Deegaan lagu raaxeysto

WARAR LOOGU TALAGALAY DADKA MAGANGELYADA CODSADAY

Mashruuca ETNIMU, Koorsada horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 4aad. Farxada maskaxda

SOMALIN KIELEN OPPIMATERIAALI Digimateriaali

Ma hadli karnaa? Mashruuca

Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin. Gergaarka deg dega ah. Daad gureyn/qaxin/faaruqin/banneyn fadhi u ah

Hurdo iyo hurdo xumo

Su aalo-weydiinta isqiimeynta ee awoodda shaqada iyo waxqabadka

Lakashifay/daah laga qaaday ama marka gaari lajiidaayo laguxiro. Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin

SOMALI SUOMI TERVETULOA OULUUN

Somalinkielinen kasvatusvihko vanhemmille Barbaarinta caruurta iyo waalidnimada. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola

Sidee guriga loogu hirgeliyaa daryeel daawo oo ammaan ah?

HAGIS CARUURTA LAGU HAYO XANAANADA KA HORTEGISTA JIROOYINKA FAAFA IYO DARY- EELKOODA

SOMALI. Tilmaanbixiye. ku saabsan waxbarashada iyo shaqooyinka oo loogu talaggalay dhallinyarada dhaqammada kala duwan ka soo jeeda

Kala duwaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska islaamka iyo hab dhaqameedkooda Kontiolahti iyo

Ku hagista habka degganaanshada ee dadka ajaanibta ah

Qalqalka xusuusta, xanuunada xasuusta, hilmaanka

Af Soomaali - somali. hage ganacsi. Kaganacsiga dalka Finland

Q A A M U U S I S L A A M I A H:

JIMICSIYADA DARDAR- GELINTA MASKAXDA

Rikosseuraamusalan sanastoa

Käsikirjoittajat: Fadumo Bile Jama Abdulkadir Hamdi Abdalla

YHDISTYS- JA HANKETYÖN SUOMI ENGLANTI SOMALI SANASTO QAAMUUSKA FINNISH INGRIIS SOOMAALI URURADA- IYO MASHRUUCYADA

Barnaamijka ETNIMU, koorso horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 5aad. Dareemada.

Hagaha dadka dalka u soo guuray HÄMEENLINNA

Badbaadadu waa qaadista tallaabooyin taxaddar ah oo yar yar maalin kaste. Warbixinta iyo tilmaanbixinta ka hortagga shilka iyo xaaladaha degdegga ah

Kala duwanaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska kurdida iyo hab dhaqameedkooda

AFKEYGU WAA GARAADKEYGA SOMALI

Warbixinta ajaanibka ee dee gaanka dabiiciga ah

JÄRJESTÖTIEDOTE Toukokuu 2012

Säännöt/Shuruudaha Solay. Säännöt/Shuruudaha Solay

Kajaanin kaupungin varhaiskasvatuksen kotouttamisohjelma 2013

HAWEENKA! - NAISET SOMALIAN SODASSA JA RAUHASSA

KÄÄNNETTYJÄ SOMALIALAISIA SATUJA JA ÄITIEN AJATUKSIA SATUJEN MERKITYKSESTÄ LASTEN KEHITYKSELLE

MAAHANMUUTTAJALAPSET TULKKEINA

Rikosprosessitietoa NUORILLE rikoksen uhreille

Suomi somali suomi sanakirja. Qaamuus finnish soomaali finnish. Laatinut. Abdirizak Elmi. Diyaariyay. CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ina Warfaa

1. Kaikki kaatuu, sortuu August Forsman (Koskimies)

Ohjeita asumiseen svenska, english, soomaali, eesti Google :)

PSYKOTERAPIAISTUNTOIHIN LIITTYVÄ SANASTO Suomi somali-sanastotyö

KULTTUURITAUSTAN JA TULKKAUKSEN MERKITYS SOMALINAISTEN SYNNYTYKSISSÄ

AIKAKAUSLEHDET. tammik. Suomen Suurin SiSuStuSlehti. Kevään. värikkäät astiat. Talvi 1/0. arke. herkut. retkel MAK

LIITE 1 Jaksoarviointi, Syntymäpäivätaivas Opettaja

Myllypuron koululaisten harrasteopas

Lähetettyjen ja saapuneiden kirjeiden diaari. Lähetettyjen ja saapuneiden kirjeiden diaari. Lähetettyjen kirjeiden diaari

Maahanmuuttajien neuvontapiste Myyringissä

YOUTH SERVICES INFORMATION, SUP- PORT AND ACTIVIES TO YOUNG PEOPLE NUORISOTYÖ TIETOA, TUKEA JA TOIM- INTAA NUORILLE NOORSOOTÖÖ TEAVET, TUGE JA TE-

Syrjintätapausten kerääminen ja tietoisuuden luominen - hanke SEVITYSRAPORTTI

Marina Kostik. Joulu. Naiskuorolle

K Ä Y T T Ö S U U N N I T E L M A Y H D Y S K U N T A L A U T A K U N T A

Jos joudut rikoksen uhriksi. Tietoa rikosprosessista nuorille rikoksen uhreille

Kirjainkiemurat - mallisivu (c)

LAPUAN KAUPUNKI 8. LIUHTARIN KAUPUNGINOSA ASEMAKAAVAN KUMOAMINEN KUORTANEENTIE I

t P1 `UT. Kaupparek. nro Y-tunnus Hämeenlinnan. hallinto- oikeudelle. Muutoksenhakijat. 1( UiH S<

HYVINKÄÄN KAUPUNKI KUNTATEKNIIKKA

KUN JAKSAT! 2kk 0 VUOTTA! KAKSI KUUKAUTTA VIIHDETTÄ VELOITUKSETTA! ETU: Noranza 001 on tehty Pohjolan talveen! 04 k0pl

KESÄN. tapahtumat. Onneksi. HAE MUKAAN VIPINÄ-YKSIKÖKSI s. 6

Luento 6 Luotettavuus ja vikaantumisprosessit

ENA11.2 ENA117.2s15 FY1.1 GE5.1 HI3.2 RUB17.1 ÄI1.1 ÄI4.7 KAH SIL SIH KYT VUO JÄR HÄR VII

TUKEVASTI ALKUUN, VAHVASTI KASVUUN

arjen aakkoset a c luku- ja kirjoitustaidon opiskeluun Petra a u t i o e va Lönnbäck Arjen aakkoset turun kristillinen opisto 2012

TALOUSARVION 2015 MUUTOS / HUOVILAN KOULUN ILTAPÄIVÄTOIMINTA / OPETUS- JA VARHAISKASVATUSPALVELUT

SM 2013 PORI. 25 m olympiapistooli

FORD KA KA_202054_V5_2013_Cover.indd /06/ :59

MERKKIEN SELITYKSET. Kartta: Vt13. Parannettava tieosuus. Uusi tai parannettava yksityistie. Ohituskaistaosuus ja kaistamäärä. Kevyen liikenteen väylä

Aa Saapuneiden kirjeiden diaarit. saapuneiden kirjeiden. Aa-Ab Saapuneiden ja lähetettyjen kirjeiden. Saapuneiden ja lähetettyjen kirjeiden diaari

Usko, toivo ja rakkaus

Lasse-Maijan etsivätoimisto. Uimahallin arvoitus TAMMI

Rakennepoikkileikkaus 1:100

ILOMANTSIN KOULULAITOKSEN VIRAT

Tietolan kansakoulun luokkapäiväkirjat. Ab Kirjastonhoidon päiväkirjat. Tietolan koulukirjaston hoidon päiväkirja

i lc 12. Ö/ LS K KY: n opiskelijakysely 2014 (toukokuu) 1. O pintojen ohjaus 4,0 3,8 4,0 1 ( 5 ) L i e d o n a mma t ti - ja aiku isopisto

Tällä viikolla / This week / на этой неделе:

äiäää?l älägcläälii äisrä lää äää

TILATYYPPILUONNOKSIA Alustavat luonnokset keskustelun pohjaksi. Luonnos

BI6.1 ENA17.7 HI1.1 MA1.2 MA1.3 MB4.7 PS3.2 RUB11.6 SAB34.1 YH3.1 KYT 16 KAH 17 ROM 26 HAL 21 LEH 22 JÄÄ 29 LAT 14 SIL 30 JÄR 9 VUO 15

N I K E A N U S K O N T U N N U S T U S

Projektiohjausjärjestelmän käyttöönoton haasteet

Juska Valtonen Netta Elo. Noora Turtiainen Sara Rosti

Kurjenrauman ranta-asemakaavan muutos

E-ka-luok-ki-en. O-ma ni-mi : ... Luok-ka : ...

Valmistelu: suunnittelupäällikkö Kari Hällström. Katuosasto esittää tarkistettavaksi palvelu- ja vuokramaksunsa (suluis sa voi massa olevat hinnat):

Transkriptio:

Warbixinta Habka Cadaaladda Danbiga ee Dhibanayaasha YARYAR ee la Dulmiyay 1

Tusmooyinka Sideen usoo sheegaa danbi?...4 Waa maxay diyaarinta baadhitaanka?...5 Waa maxay amarka xayiraadu?...6 Maxaa ka dhexdhaca dhexdhexaadinta?...7 Waa maxay dacwad qaadistu?...7 Sidee danbiyada loogu qaadaa maxkamadda?...8 Sideen ku ogaan karaa marka dhagaysigu dhacayo?...8 Yaa soo xaadiri doona dhagaysiga?...9 Maxaan samayn doonaa wakhtiga dacwa qaadista?...10 Goorma iyo sideen ku heli karaa natiijada?...11 Qolka maxkamadda... 12-13 Maxaan oogu baahnahay lataliye sharci sideense ku heli karaa?...14 Magdhowyada waxyeelaynta noocyadee ayaan sheegan karaa?...14 Kawaran haddii qofka danbiga lagu helay uu bixin waayo waxyeelada uu gaystay?...15 Imisay dhamaan ku kacaysaa?...16 Xageen caawin u raadsan karaa?... 16-17 U qabashada danbiyada hab cadaaladi ku jirto...18 2

SIDEE AYAY HAGISTANI II CAAWIN KARTAA? Habka Cadaalada Danbiyada Hagiddan waxaa loogu tala galay dadka yaryar ee ah dhibanayaal danbi. Habka danbiilanimadu wuxuu bilowdaa marka booliska lagu wargaliyo danbiga. Hagiddan waxay qeexaysaa qaybaha muhiimka ah ee dacwad danbiyeedka iyadoo laga eegayo dhinaca dhibanaha. Tan waxaa ku jirta soo sheegista danbiga, baadhitaanka booliska (ooy ku jirto su aalo waydiintu), tixgalinta tilaabo qaadid, dhexdhexaadinta suurtagalka ah iyo dacwadaha sharciga ah. Waxaanoo dhan waxay qaadan karaan dhowr biloo, ama xitaa sanad ka badan. Maritaanka habka danbiilanimo waxay inta badan dadka ku tahay xaalad cusub oon la aqoon. Way fududahay markaad taqaanid waxa aad rajaynaysid oo aad ogtahay xuquuqdaada. Ujeedada hagistani waa waa inaad hesho warbixin ooy kaa caawiso fahmidda hormaradda kiiskaaga iyadoo la marayo nidaamka cadaaladda. Dhamaadka qoraalkan waxaad heli ka heli doontaa ciwaanno muhiim ah ood ka raadsato caawin iyo taageero. 3

SIDEEN USOO SHEEGAA DANBI? Haddii aad noqatay dhibanaha dulmi lagu sameeyay, ku wargali danbiga sargaalka booliska ee shaqada ku jira ee xarun kasta oo booliis ama (lacala haddii aad aragto danbiyada laga naxo sida baaskiil la xadayo) taleefoon ku wac. Sidoo kale waxaad qof kale waydiisan kartaa inuu danbiga sheego isagoo adiga ku matalaya. Xaqiiji inaad danbiga usoo sheegtid sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan. Waad soo sheegi kartaa danbiga xittaa haddii qofka samaynaya (danbiilaha) uu ka yaryahay da da 15. Inkastoon dadka ka yar da da 15 aan maxkamad danbiila ahaan loo saari Karin, hadana waa inay magdhow ka bixiyaan waxyeelaynta ay gaystaan. Haddii aad doonto, waxaad waydiisan kartaa inaad hesho qof ku caawinaya uu kula yimaado xarunta booliska, dhexdhexaadinta iyo maxkamaddaba. Qofka ku caawinaya wuxuu noqon karaa qof wayn ood isku dhowdihiin, tusooale ahaan, caawiye ka socda Kooxda Taageerada Dhibanayaasha Finland (Victim Support Finland) (VS, www.riku.fi). VS waxay caawimaad iyo taageero ka bixisaa heerarka kala duwan ee hababka danbiilanimada iyo arimaha kale ee la xiriira danbiyada. Kiiska la xiriira danbi waxyeelayn ama dhibaatayn galmo, dhakhtar u tag sida ugu dhakhsaha badan. Marka laga soo tago raadinta dhaawacyadaada, waa muhiim inaad haysato xitta xagtimaha ugu yar ee uu dhakhtar xaqiijiyay. Waxaad u www.poliisi.fi www.riku.fi baahan doontaa shahaado dhakhtar haddii aad maxkamad tagto; boolisku dib buu kaa waydiin doonaa isagoo ku waydiisanaya ogalaanshahaaga. Boolisku wuxuu sidoo kale caawin ku bixiyaa onlayn ahaan (http:// www.poliisi.fi/poliisi/home.nsf/ pages/index_eng). Halkaas, waa macquul in looga dodo arimaha danbiyada la xidhiidha si sir ah. 4

WAA MAXAY DIYAARINTA BAADHITAANKA? Inta lagu guda jiro u diyaar garowga baadhitaanka boolisku wuxuu baadhaa waxa dhacay, cidda ay ahaayeen dadka ku lug lahaa iyo waxyeelada dhacday. Boolisku waxay si gooni gooni ah su aalo u waydiin doonaa dadka danbiga looga shakisanyahay, dhibanaha iyo markhaatiyada suurtagalka ah, waxuuna aruurin doonaa cadaymo. Ka dhibane ahaan waxaad tahay qofka cabanaya, xaqsheegtaha ama qofka ay waxyeeladu gaadhay. Waxaa su aalo waydiin laguugu yeedhi karaa si toos ah wakhtiga ka warbixinta danbiga ama wakhti kale. Marka su aalo waydiinta, boolisku waxay ku waydiin doonaan inaad afkaaga ku sharaxdo dhacdooyinka. U sheeg booliska faahfaahin kasta xittaa haddii aysan u muuqan muhiim wakhtigaas. Haddii loo baahdo boolisku waxuu ku waydiin karaa su aalo kale. Waa inaad sheegtaa runta. Isla su aalihii ayaa hadana lagugu waydiin karaa maxkamadda, haddii aad ka wayntahay da da 15. Haddii aad ka yartahay 15 su aalo waydiintaada waxaa loo duubi karaa fiidyow ahaan maadama aan sida badan lagu waydiinayn inaad timaado maxkamadda. Waxaad xaq u leedahay in aad u isticmaasho su aalo waydiinta luuqadaada hooyo. Haddii aad u baahantaha turjumaan, waydiiso booliska inay kuu raadiyaan markaad isku raacdaan wakhtiga su aalo waydiinta. Waalidkaa ama cidda kaa masuulka ah waxay xaq u leeyihiin inay yimidaan su aalo waydiinta. Waxaa sidoo kale jiri karta inuu yimaado qof caawiye ah iyo/ama shaqaale bulsho. Boolisku waxay ku waydiin doonaan inaad rabto in qofka danbiga masuulka ka ah in la ciqaabo iyo inkale. Kiiska la xidhiidha ka cabasho waxyeelayn, boolisku wuxuu baadhista bilaabi doona marka aad dalbato ciqaabid. Ka cabashada waxyeelaynta waa danbi aan khatar ahayn, kaasoo uu dhibanuhu go aansanayo in baadhis la sameeyo iyo inkale. Haddii uu danbigu yahay mid la xidhiidha dhibaatayn dadwayne, boolisku waxay baadhi karaan iyadoon laga dan lahayn rabitaanka dhibanaha; kuwani inta badan waa danbiyada la xidhiidha rabshadaha iyo danbiyada kale ee 5

khatarta ah ama ficilada xun xun. Waxaa sidoo kale lagu waydiin karaa in magdhow lagaa siiyo waxyeelaynta laguu gaystay. Siyaalo badan ayaad xaq ugu leedahay inaad hesho magdhow. Boolisku wuxuu isu keeni doonaa warbixinta danbiga, wixii ka soo baxay su aalo waydiintii iyo waxyaalihii kale ee la helay oo loogu tala galay inay noqoto warbixinta dacwad qaadista ka hor taasoo loo diri doono dacwad qaadaha kaasoo go aansan doona tilaabooyin kale. WAA MAXAY AMARKA XAYIRAADDU? 6 Haddii aad sabab u haysatid inaad u baqayso amaankaaga, waxaad u dalban kartaa qofka khatarta kugu haya amarka xayiraadda. Haddii aad ka yartahay da da 18 waxaad u baahan doontaa ogalaanshaha waalidkaa ama qofka masuulka kaa ah, ama waxay samayn karaan codsi iyagoo adiga ku matalaya. Amarka xayiraaddu waa amar maxkamadeed kaasoo lagaga hortagayo in qofka khatarta kugu haya uu kusoo gaadho ama uu kula soo xidhiidho. Codsiga waxaa loo dirayaa maxkamadda dagmada amarkuna wuxuu jirayaa ugu badnaan hal sano markiiba. Haddii ay arintu dagdag tahay ula xidhiidh booliska si dhakhso leh.

MAXAA KA DHACAYA DHEXDHEXAADINTA? Waxaa lagu waydiin karaa inaad rabto in aad ka qaybqaadato dhexdhexaadinta kiiska. Dhexdhexaadinta, waxaad kula kulmi doontaa qofka danbiga lagu soo eedeeyay xafiiska dhexdhexaadinta, iyadoo ay joogaan dhexdhexaadiyayaal daacad ah oo tabarucaad ahaan idinku dhexdhexaadinaya. Kulanka waxaad ooga hadli doontaan waxa dhacay, dareenka ay sababtay iyo sida waxyeelada la isaga xaq siin lahaa. Ka qayb qaadashada dhexdhexaadinta waa mid tabarucaad ah waxaadna kabixi kartaa wakhti kasta. Haddii aad ka yartahay 18, waxaad u baahan doontaa ogalaanshaha waalidkaa ama masuulkaaga si aad uga qayb qaadatid dhexdhexaadinta. Haddii heshiis lagu gaadho dhexdhexaadinta, kiiska looma gudbin doona maxkamadda (http://info.stakes.fi/sovittelu/en/index.htm). WAA MAXAY DACWAD QAADISTU? Habka dacwad qaadistu, wuxuu dacwad qaaduhu baadhaa warbixintii baadhitaanka dawadda ka hor ee uu boolisku sameeyay si uu u go aansado in uu xukumo qofka danbiga looga shakisanyahay iyo inkale. Haddii eedaysanaha la xukumo, kiiska waxaa loo qaadi doonaa maxkamadda dagmada. Dacwad qaaduhu wuxuu sidoo kale soo rogi karaa ganaax ama wuxuu samayn karaa go aan aan xukun ahayn. Mararkanoo kale danbiga maxkamad looma qaadi doono. Sababta aanu ga aanku xukun u noqonin waxay noqon kartaa tusaale ahaan in aysan jirin cadayn ku filan, in is afgarad uu dhacay, ama in dacwad qaaduhu uu tixgaliyay in qofka eedaysanaha ah uu yahay mid aan qaan gaadhin. 7

SIDEE DANBIYADA LOOGU QAADAA MAXKAMADDA? Habka danbiyadu wuxuu noqan karaa dacwad qoraal ahaan ah ama mid afka ah marka la joogo maxkamadda. Si dacwad qaadistu ugu dhacdo qoraal ahaan, waa in la helaa goalaanshaha dhinacyada oo dhan. Markan qofna looguma yeedhayo dhagaysiga maxkamadda qaadiguna wuxuu xukunka ku salaynayaa qoraalada warqadaha. Danbiyada ay gaystaan dadka ka yar da da 18 laguma qaadi karo dacwaddooda qoraal ahaan. Haddii dacwaddu ay tahay af ama hadal ahaan, dhamaan dhinacyada ku lug leh waxaa loogu yeedhi doonaa inay maxkamadda ka hor muuqdaan. SIDEEN KU OGAAN KARAA MARKA DHAGAYSIGU DHACAYO? Howl wadeenada Marka ugu danbaysa markaad ogaato in kiiska maxkamadda la gaynayo, waa inaad heshaa lataliye sharci, kaasoo kaa caawin doona arimaha magdhowga iyo maxkamadda. Maxkamadda dagmada ayaa kuugu yeedhi doonta inaad maxkamadda imaato waana inaad xaadirtaa. Waxa kali ah ee la aqbali karo inaad ooga maqnaato maxkamadda waa jiro kaa reebta imaanshaha oo uu xaqiijiyay dhakhtar. Dadka ka socda maxkamadda waxay sidoo kale ku waydiin doonaan inaad magacowdo xaqqa aad rabto adoo sheegaya taariikh khaas ah. Qodabkan ugu danbayntii waa inaad heshaa lataliye sharci, kaasoo kaa caawin doona arimaha xaqsiinta iyo maxkamadda. Lataliye sharci 8

YAA SOO XAADIRI DOONA DHAGAYSIGA? Haddii aad tahay 15 jir iyo ka wayn, waxaa lagu waydiin karaa inaad timaadid maxkamadda si aad ugu sharaxdid dhacdadii afkaaga. Haddii aadan rabin inaad waji ka waji u hortimaadid qofka danbiga ku eedaysan, horey ugu sii wargali lataliyahaaga sharciga ama qofka ku caawinaya. Waxay eegi doonaan in kulanka la iska dhaafi karo iyo inkale. Maxkamadda dhexdeeda dhacdada su aashu ka taagantahay ayaa si buuxda oo faahfaahsan looga doodi doonaa. Dacwadda waxaa qaadi doona qaadi khabiir ah, kaasoo go aansan doona qofka hadlaya markiisa isaga ayaana qaadanaya go aanka kaligii ama qaadiyaal kale ayuu la kaashanayaa. Qaadiyada kale ma lahan tababar sharci. La taliyayaasha sharcigu waa inay xaqiijiyaan inay tixgaliyaan aragtida dhibanaha iyo eedaysanaha labadaba. Dacwad qaadaha waajibkiisu waa inuu cadeeyo in uu danbi dhacay oo uu gaystay qofka la soo eedeeyay iyo inakale. Eedaysanuhu waa qofka lagu soo eedeeyay danbiga. Eedaysanaha waxaa maxkamadda looga yeedhayaa si uu uga jawaabo waxyaalaha lagu soo eedeeyay. Markhaatiyaasha waxaa loogu yeedhaa dhagaysiga si ay u sheegaan wax kasta ooy ka ogyihiiin dhacdada. Markhaatiyada waxay kali ah ooy u joogaan dhagaysiga si loo dhagaysto waxaana loo yeedhaa halkii wakhtiba mar. Qaadigu wuxuu waydiinayaa markhaatiyada inay ku dhaartaan inay runta sheegi doonaan. Waalidka iyo/ama musuuliyiinta dadka ka yar da da 18 waxay xaq u leeyihiin inay yimaadaan dhagaysiga. Waxaa sii dheer, waxaa jiri kara caawiyayaal sida shaqaale bulsho, dadka caawinaya ama turjumaanno. Inta badan kiisaska maxkamaddu waa bablig, taasoo macnaheeduyahay inay sidoo kale jiri karaan dad dibadda ka yimid oo goobta jooga. Haddii arimo shakhsi looga hadlayo dhagaysiga, waxaad waydiisan kartaa in dadka iska imaanaya laga celiyo maxkamadda. 9

MAXAAN KA SAMAYN DOONAA GOOBTA DHAGAYSIGA? Dhagaysiga dacwaddu wuxuu qaadan karaa saacado badan. Waxaa la isa siin doonaa bareegyo yar yar haddii loo arko muhiim. La imow qaddo ama lacag aad ku gadato cunto fudud. Waxaad xiidhan kartaa dharkaaga caadiga ah ee maalin kasta. Wakhtiga ilaali. Badanaa guryaha maxkamaddu waxay leeyihiin dadka wax baadha ee jooga meesha laga soo galo. Waxaad ku arki kartaa qofka danbiga ku eedaysan qolka sugitaanka ee maxkamadda. Haddii aadan rabin inaad la kulanto eedaysanaha, waxaad ku sugi kartaa dibadda ilaa iyo inta lagaaga yeedhayo qolka maxkamadda iyadoo la isticmaalayo makarafoonno. Waxaad sidoo kale horay usii waydiisan kartaa inay macquul tahay iyo inkale inaadan gabi ahaanba la kulmin qofka eedaysan. Taleefoonkaaga dami markaad soo gashid qolka maxkamadda. Isu diyaari inaad erayadaada ku sheegtid sida uu dhibku u dhacay iyo waxyeelada ka dhashay. Ugu hadal si cad oo kore makarafoonka miiska saaran. 10

Xasuusnow inaad runta ka sheegto maxkamadda. Qaadiga iyo kalkaaliyayaashiisuba waxay go aankooda ku salayn doonaan waxa ay maqlaan inta uu dhagaysigu socdo. Waa tan sababta ay muhiim u tahay inaad ku celcelisid waxyaalihii aad markii hore boolkiska u sheegtay. U qeex faahfaahin kasta sida ugu taxadarka badan ee ugu macquulsan, xittaa haddii ay u muuqato wax aan quruxsanayn oo foolxun, iyo xittaa haddii uu qof kale ku yidhi ha sheegin. Dadku waxay si furfuran oo saaxiibtinimo leh ugu sheegaan arimahooda maxkamadda dhexdeeda. Ceeb ma aha oohinta iyo murugadu marka laga waramayo waxyaalaha adag. Is daji, xittaa haddii aad dareento in eedaysanuhu uu been sheegayo, wax aan jirin sheegayo ama uu xitaa uu si cad kuugu been abuuranayo. Sharcigu uma baahna in eedaysanuhu uu runta ka hadlo. Dhamaan dadka go aanka ka gaaraya dacwadda way ogyihiin arinkan xisaabta ayayna ku darsan doonaan. Tanina sinnaba uma burburin karto qiimaha oodhaahdaada. Su aalo kale ayaa lagugu waydiin karaa maxkamadda dhexdeeda. Haddii aadan waxwalba xasuusan Karin ama aadan fahmin su aasha, sheeg oo dheh ma fahmin. Haddii aad dareentid caafimaada darro ama aad rabtid inaad gasho musqusha, waxaad codsan kartaa fasax. GOORMA IYO SIDEEN KU HELI KARAA NATIIJADA? Go aanka maxkamadda, oo ah natiijada, waxaa la sheegi karaa dhamaadka dhagaysiga dacwadda. Haddii kale waxaa qoraal ahaan u bixin doona xafiiska maxkamadda dagmada, sida badan laba asbuuc kadib. Sida badan waxaa kuu qaadi doona lataliyahaaga sharci isagoo adiga ku matalaya. Haddii aadan ku qancin natiijada waxaad racfaan ka qaadan kartaa maxkamadda ambiilka kadibna haddey macquul noqoto maxkamadda sare. 11

Xogyaha Dacwad qaadaha Cabtaha iyo lataliyaha sharci 12

Qaadiga iyo kalkaaliyayaasha Markhaati Eedaysanaha iyo lataliyaha sharci 13

MAXAAN OOGU BAAHNAHAY LATALIYE SHARCI SIDEENSE KU HELI KARAA? Sida caadiga ah lataliye sharci waa loo baahanyahay markastoo kiis maxkamadeed la wajahayo. Lataliyaha sharcigu wuxuu kaala talin doonaa arimaha sharciga wuxuuna kuu xaqiijinayaa in dalbashadaada la fuliyo oo lagaa xaq siiyo waxyeeladii laguu gaystay. Wakhtiga la raadsado lataliye sharci sida badan waa marka uu boolisku sameeyo baadhista hore oo uu dacwad ooguhu kiiska u gudbiyo dacwad qaadista. Si aad u hesho lataliye sharci, la xidhiidh xafiis gargaar. Waxay ku yaalaan magaalooyinka waaweyn. Sidoo kale waxaad lataliye sharci ka heli kartaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ee sharciga qaabilsan. (www.asianajajat.fi/english). Marka aad dooranaysid lataliye sharci, iska xaqiiji inuu khibrad u leeyahay kiisaska danbiyada. MAGDHOWYADA WAXYEELAYNTA NOOCYADEE AYAAN SHEEGAN KARAA? Waxaa laguugu ogalyahay siyaalo badan inaad magdhow ka dalbato waxyeello laguu gaystay, tusaale ahaan, haddii: laguu gaystay waxyeelayn galmo ama lagu dhaawacay intii wax lagugu dhuftay, lagu laaday ama mindi lagu galiyay ama wax kale. lagugu riday cabsi ama jirro kale oo maskaxeed, taasoo saamaysay nolashaada. uu danbigu kugu sababay inaad gasho kharashaad la xiriira tutaale ahaan daryeel caafimaad ama badalaad ama dayactirid alaab la xaday ama jajabtay. Xasuusnow inaad haysatid risiidyada kharashaadka dhamaantood. 14

KAWARAN HADDII QOFKA DANBIGA LAGU HELAY UU BIXIN WAAYO WAXYEELADA UU GAYSTAY? M M M M M M M M Xitaa haddii dulmi falaha danbiga lagu amro inuu mag ka bixiyo waxyeelooyinka, markasta saas ma sameeyaan. Haddii uu qofi ku guuldaraysto magdhowga ay maxkamaddu ku amartay, waxaad ka raadsan kartaa inay ku siiyaan xafiiska dayn ka kabashada ama Khasnadda Gobalka. Lataliyahaaga sharciga ayaa kaa caawin kara inaad samayso codsiyadan. Sida badan Khasnadda Gobalka mag kama bixiso alaabta luntay, ilaa iyo la cadeeyo inay qayb ka yihiin danbiga. 15

IMISAY DHAMAAN KU KACAYSAA? Dacwadda sharciga ah waxba kuugu kici mayso haddii dulmi falaha uu soo eedeeyo dacwad oogaha dadwaynaha. Waxaa jiri kara kharashaad la xiriira latalintaada sharciga, laakiin haddii uu dakhligaagu hooseeyo ma bixinaysid. Wixii warbixin dheeri ah, la xidhiidh xafiiska gargaarka sharciga. (www.oikeus.fi). Caymiska guriga qoyskaaga waxaa ku jiri kara caymiska kharashaadka sharciga, kaasoo bixin doona kharashaadkan. Danbiyada noocyada qaarkood, sida waxyeelaynta, carqaladda guriga ama carqalad guud, gobalka ayaa dabooli kara kharashaadka latalinta sharciga. Markanoo kale waxaad isticmaali kartaa qareen gaar ah. XAGEEN CAAWIN U RAADSAN KARAA? Ka dhibane ahaan, waa inaadan kaligaa noqon. Waa inaad kala hadashaa waxa dhacay waalidkaa ama qof weyn oo kale oo la aamini karo. Badanaa waxaa sidoo kale caawiya la hadalka saaxiibada. Haddii dhacdooyinku ay yihiin kuwo lagu wareeray ama aad u baahantahay talo ficil ah, waxaad caaiwin ka raadsan kartaa tusaale ahaan booliska, kalkaaliyaha iskuulka ama sargaal samafal, ama shaqaale dhalinyaro ood taqaanno. Waxaad sidoo kale onlayn ahaan ku heli kartaa warbixin iyo talo khubaro. Waxaad su aalo waydiin kartaa internetka iyadoon lagu garanayn, hadey muhiim noqoto. Sidoo kale waxaad raadin kartaa caawin haddii ay carqalad ka jirto gurigaaga, xitaa haddii aysan adiga kugu wajahnayn. Haddii aad taqaanno qof kale oo ah dhibane danbi, sidoo kale sii warbixintan. 16

Websaydyada Finishka ee kaa caawin kara arimaha la xidhiidha danbiga: Booliska: www.poliisi.fi Booliska onlaynka ka ah: www.poliisi.fi/poliisi/home.nsf/pages/index_eng Taageeridda Dhibanaha Finland: www.riku.fi Isku gaynta Qoyska: www.vaestoliitto.fi Isku geynta Guryaha Hooyada iyo Dhalaanka iyo Hoyiga www.ensijaturvakotienliitto.fi Tukinainen Xarunta Dhibaatooyinka Kufsiga: www.tukinainen.fi Badbaadi Caruurta: http://www.pelastakaalapset.fi/en/how-we-work/safer-internet-work/ Laynka Dumarka: www.naistenlinja.com Xafiiska Gargaarka Sharciga: www.oikeus.fi Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee sharciga: www.asianajajat.fi Dhexdhexaadinta Danbiyada iyo Kiisaska Rayidka: http://info.stakes.fi/sovittelu/en/index.htm Websaydyada kale: Ururka Samafalka Caruurta ee Mannerheim: www.mll.fi Apua.info: http://www.apua.info Ururka Caafimaadka Maskaxda Finland: www.mielenterveysseura.fi Guryaha Amarjansiga ee Dhalinyarada Laanqayrta Cas http://old.redcross.fi/apuajatukea/nuortenturvatalot/en_gb/index/ Tyttöjen Talo: www.tyttojentalo.fi Poikien Talo: www.poikientalo.fi Verkkoterkkarit: www.facebook.com/verkkoterkkarit 17

U QABASHADA DANBIYADA HAB CADAALADI KU JIRTO U warbixi booliska Xukun ma jiro (Tusaale. Cadeyn aan ku filnayn ama majirto cid la tuhunsanyahay) Baadhitaanka hore ee booliska Ganaax Dhexdhexaadin Ganaax Habka Dacwadda Dhagaysiga maxkamadda dagmada oo natiijo keenaya Go aan aan xukun ahayn (tusaale. Cadeyn aan ku filnayn, qofka oon qaan gaadh ahayn ama is af garad dhacay) Racfaan suurtagal ah oo keeni kara in la wajaho maxkamadda ambiilka iyo natiijo Codsiga racfaan qaadasho suurtagal ah / ambiil keeni kara in la wajaho maxkamadda sare iyo natiijo. Natiijooyin macquul ah oo ka yimaada maxkamadda sharciga: Ganaax, xidhitaan shuruud leh, xidhitaan aan shuruud lahayn, adeeg bulsho, ciqaabta danbiilayaasha yaryar tijaabo, ogalaansho la aan, la xisaabtan la aan, ama xukun la joojiyay. Warbixin badan oo ku saabsan ogalaanshaha: www.rikosseuraamus.fi 18

Xusuusin 19

20 Kooxda soo saarista: Jaana Koivukangas, Taageerada Dhibanaha ee Finland, Xafiis Gobaleedka Koonfureed ee Finland Kirsi Porras, Isugeynta Qoyska Tiina Rantanen, Taageerada Dhibanaha ee Finland, Xafiiis Gobaleed Koonfurgalbeed ee Finland Sawir qaadayaasha: Lasse Katainen, Pieni mainostoimisto, Rovaniemi Qaab dhismeedka: Pieni mainostoimisto, Rovaniemi Waxaa daabacay Erweko Oy 2012 Hagistan waxaa la sameeyay iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Cadaaladda ee Finland.