Adeegga Kanta waxa uu ku socdaa nuunuuga illaa awooga iyo ayeeyda Juwanka dawada ee internetka Kaydka faylasha macluumaadka bukaanka
Adeegga Kanta waa mid kuu dhow Meel kasta oo ad ka dagantahay Wadanka Finland. Juwanada dawada ee internetka iyo kaydka faylasha macluumaadka bukaanka waxa isticmaala hayadaha adeegga daryeelka caafimaadka bixiya ee dowliga ah iyo kuwa an dowliga ahayn ee hantida khaaska ah. Adeegga Kanta Wuxuu ku socdaa muwaadiniinta Wuxuu ku socdaa farmasiyada Wuxuu ku socdaa hayadda dowliga ah ee bixisa adeegga daryeelka caafimaadka Wuxuu ku socdaa hayadda hantida gaarka ah ee bixisa adeegga daryeelka caafimaadka Farmasiyada ku yaala ku yaalla Finland oo dhan ayaa awooda inay bixiyaan dawooyin lagu qoray juwanada daawooyinka ee internetka. Adigu waxad awoodaysaa inaad juwanada daawooyinkaaga iyo macluumaadka daryeelkaaga ka eegato adeegga Omakanta.. Adeegyada Kanta ee si khaas ah adiga kuu khuseeya: Omakanta (www.omakanta.fi) Juwanka dawada ee internetka ah Kaydka faylasha macluumaadka bukaanka Adeegga Kanta macluumaadkaaga waxa loogu falanqaynayaa qaab aamin ah oo badbaado ah. Macluumaadkaagu waa kuwo si adag looga difaacay in uu qof saddexaad arko. 2 kanta-palvelut
Juwanka dawada ee internetka Juwanada dawada ee internetka waxa isticmaala farmasiyada oo dhan, hayada adeegga daryeelka caafimaadka ee dowliga ah iyo haayadaha dhamaan wada bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka ah ee hantida gaarka ah ku jira. Juwanka dawada ee internetka sidan ayuu u shaqeeyaa: Dhakhtarku waxa uu kuu qorayaa juwan dawoda ad u baahantahay laguugu qoray kadibna wuu saxeexayaa. Kadib waxa uu ku kaydinayaa xarunta juwanada dawoyiinka ee Reseptikeskus. Warqad ahaan ayuu lagugu siinayaa macluumaadka lagaaga hagayo qaabka ad dawooyinka u qaadanayso iyo magacyada dawooyinka. Dawadaada waxad ka soo qaadan kartaa farmasi kasta oo ad rabto. Macluumaadka juwanka dawooyinka ee internetka waxa lagu kaydinayaa xarunta juwanada dawooyinka ee Reseptikeskus muddo 2,5 sano ah, kadibna waxay galayaan faylasha kaydka juwanada dawooyinka ee Reseptiarkisto halkaasna waxay kayd ku ahaanayaan 20 sano. Haddii uu qof kale kaaga soo qaado dawadaada farmasiga waa in uu wataa warqadahaaga hagitaanka bukaanka ah iyo kaarkaaga Kelada. Marka uu qof kuu adeegaya kuu soo dalbayo ama doonayo lacagta kabitaanka ah ee dawooyinka waa in uu wataa kaarkaaga Kelada ama oggolaansho kaa socda oo qoran oo u idmiya in uu dalban karo macluumaadkaaga ku saabsan kabidda lacagta dawooyinka. Guud ahaan dawooyinka maanka dooriya iyo dawooyinka saameeya nidaamka xarunta u ah nerfyada ee jidhka qofka waa in internetka laga dhex sameeyaa juwanadooda 1.11.2015 laga bilaabo meelaha nidaamka juwanada internetka laga isticmaalo oo dhan. Dawooyinka kale waxa ad u heli kartaa juwano dawada oo warqad ku qoran illaa 31.12.2016, taasoo ah ilaa dhamaadka 2016. Sähköinen resepti ja Potilastiedon arkisto 3
Faaidooyinka juwanada dawooyinka ee internetka Marka ad bixiso oggolaansho u idmaya in uu qof kuu adeego waxa uu kuu qaban karaa shaqooyinkan xiga: in uu dalbo macluumad lagu soo koobay dawooyinka ad isticmaasho oo dhan in uu ogaado dawooyinka ad isticmaasho oo dhan in uu dalbo in juwanada dawooyinkaaga la baabiiyo marka baahida dawada ad u qabto ay dhamaato in uu dalbo in juwanka dawada internetka ah laguu cusboonaysiiyo Oggolaansho qoran waxad siin kartaa tusaale ahaan shaqaalaha guryaha daryeelka ama qofka ku matala ee guryaha adeegga ka shaqeeya. Markaas kadib waxa u suuro gal ah in uu qofkaas kuu dhameeyo arrimaha kaaga xidhan juwanada dawooyinka. Waa adeeg sahlan oo isticmaalkiisu fududyahay Waa adeeg adkayna sii socodka daryeelkaaga caafimaad waxa uuna fududaynayaa maamulka dawooyinkaaga oo dhan Dawada kuugu qoran juwanka internetka ma aha mid kaa lumi karta ama mid lagaa xadi karo ama mid la been abuuri karo Adeeggu waxa uu sidaas ku xoojinayaa badbaadada bukaanka. Macluumaadkaagu waxay ku jiraan kayd badbaado ah. Waxad ka dhexdirsan kartaa adeegga Omakanta codsigaaga cusboonaysiinta juwanka dawada. Waxad la socon kartaa codsiga cusboonaysiintu halka uu kuu marayo. Haddii ad rabto waxad ka cusboonaysiin kartaa juwanka dawadaada farmasiga ama xarunta daryeelka caafimaadka. 4 kanta-palvelut
Qof kasta kaama arki karo macluumaadkaaga Waxad ka dhex heli kartaa ogaysiin marka laguu cusboonaysiiyo juwanka dawada, ogaysiinta waxa laguugu soo dirayaa fariin ahaan tilifoonkaaga gacanta. Adiga ayaa ka eegan kara Omakanta juwanada dawooyinka laguu soo qoray iyo dawooyinka ad juwanadaas ku iibsatay. Haddii anad isticmaalin kompiyuutar waxad heli kartaa dawooyinkaaga oo dhan macluumaadkooda oo warqad laguugu daabacay. Waxad warqada ka heli kartaa farmasiga iyo xarumaha daryeeka caafimaadka. Dawada waxad ka doonan kartaa farmasi kasta. Si waadix ah ayaa loo qoondeeyay cidda arki karta macluumaadkaaga ku jira xarunta juwanada dawooyinka ee Reseptikeskus: Dhakhtarka dawada qoray wuu arki karaa dawada uu qoray. Dhakhtarka ama kalkaaliyaha caafimaadkaaga daryeelay wuu arki karaa dawooyinka laguu qoray iyo juwanadaada internetka ku jira hadii ad afka uga idinto. Adiga oo anan idmin dhakhtarku ma arki karo macluumaadkaaga wixii an ka ahayn xaalad kadis ah oo halis wadata. Adeegga Omakanta waxad ku dooran kartaa cidda arki karta macluumaadka juwanadaada dawooyinka. Dhakhtarku mar kasta wuu arki karaa dawooyinka uu isagu ama iyadu kuu qortay. Adeegga Omakanta waxad ku diidi kartaa in ay dhakhtaro kale iyo farmasiyo kale kaa arkaan dawooyinka laguu qoray. Markaas xasuuso inaad farmasi kale ka heli karin dawada kuu qoran ilaa ad tusto juwanka dawada oo daabacan ama warqada hagitaanka qofka bukaanka ah kuwa ku qoran. Sähköinen resepti ja Potilastiedon arkisto 5
Faylasha kaydka ah ee macluumaadka bukaanka Macluumaadka ku saabsan daryeelkaaga caafimaad waxa lagu kaydinayaa kaydka faylasha macluumaadka bukaanka. Dhakhtarada ama kalkaaliyeyaasha ku daryeela ayaa arki kara maclumaadkaagii bukaannimo ee hore meel kasta oo ay Finland ka joogaanba, haddii ad u idinto. Arinkan wuxuu sahlayaa in macluumaadka ku saabsan daaweyntaada iyo daryeelkaaga uu hore u gudbo si ayna u dhicin in baadhitaano amo daaweyn isku mida lagugu celiyo. Nidaamka lagu kaydiyo faylasha bukaanka macluumaadku tartiibtartiib ayaa loogu siyaadinayaa. Imika waxa lagu kaydiyaa macluumaadka daryeelkaaga iyo jawaabaha baadhitaanada. Adeegga Omakanta waxa uu sahlayaa inaad arki karto macluumaadkaaga bukkaannimo adigoo ka eehaya faylasha lagu kaydiyo macluumaadkaas oo la dhaho Potilastiedon arkisto. Adeegaas waxad ka heli kartaa ciwaanka www.omakanta.fi. 6 kanta-palvelut
Adiga ayaa sameyn kara cidda isticmaalaysa macluumaadkaaga bukaannimo Macluumaadka kaydka ah bukaannimadaada looma gudbin karo shaqaalaha kale ee daryeelka caafimaadka, haddi anad raali ka ahayn. Haddii ad u idinto waxay suurogalinaysaa in baadhitaanada iyo xanuunada lagugu sheego aynan noqonin in dib laguugu celiyo. Taasi waxay suuro galinaysaa in badbaadada daryeelka caafimaad uu kordho. Sidoo kale waxa arrinkaas ku dhaqaaloobaya lacag iyo wakhti. Waxad sidoo kale diidi kartaa isticmaalka macluumaadaaga ee xarumaha kala duwan ee daryeelka caafimaadka ah. Oggolaanshohaaga iyo diidmadaadaba waxad ku gudbin kartaa adeegga Omakanta iyo ama xarunta daryeelka caafimaadka. Adeeg badbaado ah Kaydka maacluumaadka bukaannimada (Potilastiedon arkisto) ku jira oo dhan waxa loo falanqaynayaa qaab aamin ah oo badbaado ah. Qof saddexaad ma arki karo maclumaadkaaga. Kaydka macluumaadka bukaannimada (Potilastiedon arkisto) macluumaadka lagu kaydiyo waxa falanqayn kara oo kaliya dadka xirfadda daryeelkaaga caafimaad u leh. Inta anan macluumaadkaaga laga soo saarin kaydka waa in la hubiyaa in adiga iyo qofka macluumaadka soo saaraya ay idinka dhaxeyso xidhiidh daryeel caafimaad ku salaysan. Adeegga Omakanta waxad kala socon kartaa meelaha macluumaadkaaga loo gudbiyay ama farmasiga macluumaadkaaga lagu falanqeeyay. Sähköinen resepti ja Potilastiedon arkisto 7
Halkeen ka heli karaa macluumaad dheeri ah? www.kanta.fi www.omakanta.fi Bandhigga Omakanta Su aalaha marar badan la waydiiyo Bixi talobixin waydiina su aalo Waaxyada xarumaha caafimaadka Farmasiyada Kanta-palvelut, Kela 11/2015