KU SOCOTA AKHRISTAHA

Samankaltaiset tiedostot
SOMALI. Ka qayb qaado!

Adeegga Kanta waxa uu ku socdaa nuunuuga illaa awooga iyo ayeeyda

Vammaisen. palveluopas TILMAANSIIYAHA ADEEGYADA EE LOOGU WADDANKA U SOO GUURAY. Vammaisfoorumi ry. Ururka foorumka naafada (Vammaisfoorumi ry)

Sharciga sinnaanta. -sanduuqa qalabka la dagaalanka takooridda. SEIS Suomi Eteenpäin Ilman Syrjintää

QAAMUUSKA ARRIMAHA BULSHADA

Buuggayga xasuus qorka

Buugeyga xusuusta. Sooshalkayga: Tel: Hawlwadeenkayga sooshalka: Tel:

Ma la kulantay takoorid ama cunsuriyad?

HAGAHA. xigto daryeelaha ee ku qoran luqadda hufan. Waan caawiyaa xigtadeyda xageen ka helaaa nafsad ahaanteeyda caawinaad?

Latalin ku saabsan deggenaanshaha

Hagaha waxaa isagoo qaab elekterikal ah looga helaa islamarkaasna laga daabacan karaa bogagga internetka ee magaalada Hämeenlinna.

Sidee guriga loogu hirgeliyaa daryeel daawo oo ammaan ah?

Hurdo iyo hurdo xumo

Deegaan lagu raaxeysto

Kuluttajaliitto - Konsumentförbundet ry. Nidaamka kirooyinka. Talooyin loogu talagalay dadka wax kireysanaya iyo kuwa wax laga kireysto

Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin. Gergaarka deg dega ah. Daad gureyn/qaxin/faaruqin/banneyn fadhi u ah

Lakashifay/daah laga qaaday ama marka gaari lajiidaayo laguxiro. Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin

HAGIS CARUURTA LAGU HAYO XANAANADA KA HORTEGISTA JIROOYINKA FAAFA IYO DARY- EELKOODA

WARBIXIN LOOGU TALA GALAY MACAAMIISHA CUSUB EE XAFIISKA SHAQABIXINTA IYO WAX SOO SAARKA

SOMALIN KIELEN OPPIMATERIAALI Digimateriaali

GURIGAYGA DABAQA AH HAGAHA DEGANAYAASHA JAWIGA FINLAND IYO DHISMAYAASHOODA

JIMICSIYADA DARDAR- GELINTA MASKAXDA

Kala duwaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska islaamka iyo hab dhaqameedkooda Kontiolahti iyo

SOMALI SUOMI TERVETULOA OULUUN

Ku soo dhowow Finland

Warbixinta Habka Cadaaladda Danbiga ee Dhibanayaasha YARYAR ee la Dulmiyay

Ma hadli karnaa? Mashruuca

Käsikirjoittajat: Fadumo Bile Jama Abdulkadir Hamdi Abdalla

Su aalo-weydiinta isqiimeynta ee awoodda shaqada iyo waxqabadka

SOMALI. Tilmaanbixiye. ku saabsan waxbarashada iyo shaqooyinka oo loogu talaggalay dhallinyarada dhaqammada kala duwan ka soo jeeda

Q A A M U U S I S L A A M I A H:

Badbaadadu waa qaadista tallaabooyin taxaddar ah oo yar yar maalin kaste. Warbixinta iyo tilmaanbixinta ka hortagga shilka iyo xaaladaha degdegga ah

Qalqalka xusuusta, xanuunada xasuusta, hilmaanka

Seminaarka barayaasha afka soomaaliga ee waqooyiga Yurub 2011

Mashruuca ETNIMU, Koorsada horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 4aad. Farxada maskaxda

Af Soomaali - somali. hage ganacsi. Kaganacsiga dalka Finland

Barnaamijka ETNIMU, koorso horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 5aad. Dareemada.

Somalinkielinen kasvatusvihko vanhemmille Barbaarinta caruurta iyo waalidnimada. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola

Hagaha dadka dalka u soo guuray HÄMEENLINNA

Warbixinta ajaanibka ee dee gaanka dabiiciga ah

WARAR LOOGU TALAGALAY DADKA MAGANGELYADA CODSADAY

Säännöt/Shuruudaha Solay. Säännöt/Shuruudaha Solay

YHDISTYS- JA HANKETYÖN SUOMI ENGLANTI SOMALI SANASTO QAAMUUSKA FINNISH INGRIIS SOOMAALI URURADA- IYO MASHRUUCYADA

Kala duwanaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska kurdida iyo hab dhaqameedkooda

Ku hagista habka degganaanshada ee dadka ajaanibta ah

Kajaanin kaupungin varhaiskasvatuksen kotouttamisohjelma 2013

Rikosseuraamusalan sanastoa

Suomi somali suomi sanakirja. Qaamuus finnish soomaali finnish. Laatinut. Abdirizak Elmi. Diyaariyay. CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ina Warfaa

JÄRJESTÖTIEDOTE Toukokuu 2012

MAAHANMUUTTAJALAPSET TULKKEINA

AFKEYGU WAA GARAADKEYGA SOMALI

HAWEENKA! - NAISET SOMALIAN SODASSA JA RAUHASSA

KÄÄNNETTYJÄ SOMALIALAISIA SATUJA JA ÄITIEN AJATUKSIA SATUJEN MERKITYKSESTÄ LASTEN KEHITYKSELLE

AIKAKAUSLEHDET. tammik. Suomen Suurin SiSuStuSlehti. Kevään. värikkäät astiat. Talvi 1/0. arke. herkut. retkel MAK

Myllypuron koululaisten harrasteopas

1. Kaikki kaatuu, sortuu August Forsman (Koskimies)

KULTTUURITAUSTAN JA TULKKAUKSEN MERKITYS SOMALINAISTEN SYNNYTYKSISSÄ

K Ä Y T T Ö S U U N N I T E L M A Y H D Y S K U N T A L A U T A K U N T A

PSYKOTERAPIAISTUNTOIHIN LIITTYVÄ SANASTO Suomi somali-sanastotyö

HIV. ja ikääntyminen

LAPUAN KAUPUNKI 8. LIUHTARIN KAUPUNGINOSA ASEMAKAAVAN KUMOAMINEN KUORTANEENTIE I

Elämä hiv-positiivisena

t P1 `UT. Kaupparek. nro Y-tunnus Hämeenlinnan. hallinto- oikeudelle. Muutoksenhakijat. 1( UiH S<

AKU AKUJÄRVI L A ANT ANTONI DME AE AS KEMI-TORNIO L A B KITTILÄ L A ESS ESSE L A ET ENONTEKIÖ DME AE ET ENONTEKIÖ ILS A G IVALO L A G KEMI-TORNIO L A

i lc 12. Ö/ LS K KY: n opiskelijakysely 2014 (toukokuu) 1. O pintojen ohjaus 4,0 3,8 4,0 1 ( 5 ) L i e d o n a mma t ti - ja aiku isopisto

KUN JAKSAT! 2kk 0 VUOTTA! KAKSI KUUKAUTTA VIIHDETTÄ VELOITUKSETTA! ETU: Noranza 001 on tehty Pohjolan talveen! 04 k0pl

HYVINKÄÄN KAUPUNKI KUNTATEKNIIKKA

Syrjintätapausten kerääminen ja tietoisuuden luominen - hanke SEVITYSRAPORTTI

Säännöllinen kapasiteetti

Lähetettyjen ja saapuneiden kirjeiden diaari. Lähetettyjen ja saapuneiden kirjeiden diaari. Lähetettyjen kirjeiden diaari

SOSIALIDEMOKRAATTINEN PUOLUE SAARINIEMENKATU HELSINKI POSTISIIRTOTILI VAIHDE

SAVONLINNAN KAUPUNKI KAAVOITUSKATSAUS Tekninen toimiala

Myllypuron koululaisten harrastusopas

Espoo IKÄVAKIOIDUT. Yhteensä 0,0. Ikäluokittain. IKÄVAKIOIMATTOMAT Yhteensä ,8 0,6 8,3 2,9

Kaikki kuuluu Värinä

Marina Kostik. Joulu. Naiskuorolle

Tietolan kansakoulun luokkapäiväkirjat. Ab Kirjastonhoidon päiväkirjat. Tietolan koulukirjaston hoidon päiväkirja

Maahanmuuttajien neuvontapiste Myyringissä

Tieto lisää nautintoa

Usko, toivo ja rakkaus

MERKKIEN SELITYKSET. Kartta: Vt13. Parannettava tieosuus. Uusi tai parannettava yksityistie. Ohituskaistaosuus ja kaistamäärä. Kevyen liikenteen väylä

Ohjeita asumiseen svenska, english, soomaali, eesti Google :)

Kirjainkiemurat - mallisivu (c)

Meditaatioita Kristuksen kärsimyksen salaisuudesta

TURUN RAITIOTIE KESKUSTA-SKANSSI

& # # w. œ œ œ œ # œ œ œ œ œ # œ w. # w nœ. # œ œ œ œ œ # œ w œ # œ œ œ Œ. œ œ œ œ œ œ œ œ # œ w. œ # œ œ œ w œ œ w w w w. W # w

Rakentamisen näkymät EU-alueella ja Suomessa

äiäää?l älägcläälii äisrä lää äää

Tällä viikolla / This week / на этой неделе:

3 *ä;r ä:e 5ä ä{ :i. c oo) S g+;!qg *r; Er ; l[$ E ;;iä F:ä ä :E ä: a bo. =. * gäf$iery g! Eä. a is äg*!=."fl: ä; E!, \ ins:" qgg ;._ EE üg.

Hiv tutuksi. Koulutus vastaanottokeskuksille Maahanmuuttovirasto Batulo Essak HIV-tukikeskus

Aa Saapuneiden kirjeiden diaarit. saapuneiden kirjeiden. Aa-Ab Saapuneiden ja lähetettyjen kirjeiden. Saapuneiden ja lähetettyjen kirjeiden diaari

MASTERS SUOMEN ENNÄTYKSET, 25 m rata Masters Finnish Records, 25 m pool

MASTERS SUOMEN ENNÄTYKSET, 50 m rata Masters Finnish Records, 50 m pool

LIITE 1 Jaksoarviointi, Syntymäpäivätaivas Opettaja

Säännöllinen kapasiteetti

FORD KA KA_202054_V5_2013_Cover.indd /06/ :59

Elämä hiv-positiivisena

MASTERS SUOMEN ENNÄTYKSET, 25 m rata Masters Finnish Records, 25 m pool

Transkriptio:

La noolaanta HIV

KU SOCOTA AKHRISTAHA Qoraalku waxa uu ka koobanyahay macluumaadka la noolaanshaha HIV. Waxa la abuuuray iyadoo la kaashanayo HUS (Cisbitaalka Degmada Helsinki iyo Uusimaa) rugta caafimaad ee cudurada faafa iyo Golaha AIDS-ka Finnish-ka. 2

Sababma aniga? Dadku waxay u dhaqmaan siyaabo kala duwan marka ay maqlaan inay qabaan HIV. Qaarkood waxay eedeeyaan lafohooda, kuwo kalana waxay eedeeyaan lamaankooda ama qaddarka. Waa muhiim in inaad fahanto inaanad qabin HIV maxaayeelay waad u qalantaa ama maxaa yeelay waxaad u dhaqantay mooraal xumo. Waa macquul in lamaankaagu aanu ogeyn inay qabeen xannuunka. Sidaa awgeed ha eedayn naftaada iyo lamaankaagaba. HIV waxa uu noqon doonaa saaxiibkaaga nolosha. Arrinta ugu muhiimsani waxa weeyi inaad barato oo aad qabatinto inaad la noolaato. HIV iyo AIDS ma isku midbaa? HIV, ama Fayraska Baabiiya Difaaca Aadamaha, waa fayras kaas oo dhaawaca nidaamka difaaca jirdhka ee qofka qaba xannuunka. Fayrasku waxa uu weeraraa unugyada diiga cad qaarkood oo waa uu burburiyaa. Waxa uu si fudud iskugu eekaysiin karaa lafahaantiisa, taas oo ka dhigtay mid adag in lagu baabiin karo daawada. Nidaamka difaaca jidhka qofka qaba HIV waxa uu u daciifaa qunyar qunyar, oo la aanta daaweyn habboon waxay kuu horseedi doonaan xannuuno badan oo kala duwan. Daawo la aanta, caabuqa HIV waxa uu isku beddeli karaa AIDS (Acquired Immunodeficiency Syndrome). HIV iyo AIDS-ku maaha isku mid, oo maaha qof kasta oo qaba HIV inuu u gudbayo AIDS. Qofka qaba AIDS waxa cadaata inuu daciifo difaaca jidhku oo uu soo galo mid ka mida xannuunada ay fursada u tahahay ee la xidhiidha HIV, tusaale ahaan oofwareenka, qaaxada, qoorgooyaha, qandho maskaxeed, ama fangaska caabuqa hunguriga. 3

Sidee HIV-ga la iskugu gudbiyaa? HIV iskagama gudbo sida caadiga ah. Fayrasku kuma faafo isaga oo raacaya hawada ama oogada sare: waxa uu u baahanyahay inuu ku gudbo xuub dheecaan leh ama dhiiga ayaa u ku gudbaa. Hababka HIV la isku qaadsiiyo waxa ka mida ah: Galmada iyada oo aan la xidhanayn kondom xubinta taranka dumaraka ama dabada qof qaba HIV Galmada afka iyadoo aan la xidhayn kodhom qof qaba HIV ( qof kaas oo ka hela afkooda dheecaanka xubinta taranka, manida, ama dareeraha ka soo horeeya manida, waxa uu khatarta ugu badan ku jiraa samaynta arrintan Ku shubida dhiiga ama ka beddelidda xubin ka timaad qof qaba HIV ( Finland, dhiig qaadashada iyo xubnahaba waa la baadhaa) Isticmaalida irbada, siliij ama qalabka kale la iibinayo kuwaas oo ku wasakhaysan Hooyada oo u gudbinaysa cunuga inta lagu gudo jiro uurka, dhalmada ama quudinta naaska, Waa maxay baadhitaanka HIV? 4 Xanuunka waxaa lagu baadhaa tijaabada dheecaanada ka hortagayaasha HIV. HIV waxa uu ka muuqdaa tijaabada kow ilaa saddex bilood kadib marka uu la kulmo xanuunka. Tijaabada waxaa

lagu samaynkaraa sida tijaabo dagdag ah oo gacanta lagaga xidho ama in xididka laga mudo. Finland dhexdeeda, tijaabadan waxaa lagu samaynkaraa xarun kasta oo caafimaad, Golaha AIDSka ee Fiinland, Bisha Cas ee Fiinland (SPR) iyo xarumaha bukaanka qaarkood. Haddii aad ku lug lahayd xaalad xanuunka haliskuu galin karta, waa muhiim inaad tijaabada iska qaado. Xanuunka waa in loo baadhaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurta galka ah, maxaa yeelay daawada ayaa si dhakhso ah loo bilaabi karaa. Tani macnaheedu waxa weeyi waxaad ka warwari kartaa maaha kaliya caafimaadkaaga, laakiin sidoo kale ka xaaskaaga. HIV ma la daweyn karaa? Ilaa hada, majirto dawo lagu daweyn karo HIV Xanuunka HIV waa xanuun mudo dheer haya qofka kaas oo u baahan la socosho iyo daweyn. HIV waxaa lagu daweeyaa dawooyinka loo yaqaano antiretroviral kuwaas oo ka kooban saddex dawo oo kuwa fayraska lagu daweeyo ah. Dawadu waxay joojisaa korriinka fayraska oo waxay ka ilaalisaa unugyada caafimaadka qaba inay xanuunka qaadaan. Dawadu waxay ogolaataa difaacii dhaawacmay inuu kasoo kabto, oo sii socoshada xanuunka yaa la joojinkaraa. Tani macnaheedu waxa weeyi inuu xanuunku usii gudbidoonin xaalada AIDSka. Dawada waxaa inta badan loo bilaabaa shakhsi shakhsi, tiiyoo kusalaysan qiyaasta uu sameeyo dhakhtarku. Dawadu waa mid waligeedba la qaadanayo. Waa mahad dawada hada jirta, heerka fayraska ee qofka ugudbaya xaalada AIDSka inta badan hoos ayaa loo dhigi karaa sidoo kale, oo xanuunada fursad sugayaasha ah sidoo kale waxaa loo daawaynkaraa si wanaagsan. 5

Si ay dawooyinku unoqdaan kuwo shaqeeya, waa loo qaataa si joogta ah tiiyoo loo eegayo tilmaamaha lagu siiyo. Haddii aad ilawdo inaad qaaadato dawo, waxaa wanaagsan in dib laga qaato intii la iska dayn lahaa. Haddii dawada HIV lala qaato dawo kasta oo kale, dawooyin ku lid ah ama fiitamiinada, waa muhiim inaad kala tashato dhakhtarkaaga isku aadinta dawooyinka. Dawada HIV waxay kor ugu qaadi kartaa xadiga dawooyinka qaarkood ilaa heer sun ah, dawooyin kalana waxay hoos udhigi karaan wax tarka dawooyinka HIV. Muddo intee leeg ayaan lanoolaan karaa HIV? Rajada nololeed ee dadka qaba HIV waxay ugu dhawaan usaraysaa sida inta kale ee dadka. Tani waxaa ugu wacan soo saarista dawada. Dawo la aan, calceliska nololeed ee dadka qaba HIV waa ugu dhawaan 12 sannadood. Qaaditaanka kadib, Horumarka xanuunka HIV waxay ku xidhantahay wakhtiga udhaxeeya gudbida xanuunka iyo baadhitaanka, dawada nooca fayraska, inta fayras ah ee loo gudbiyay difaaca, da da iyo xaaladaha kale ee suurta galka ah ee qofka xanuunka qaba, iyo sidoo kale qodobo kale oo badan. Waa intee qiimaha dawada HIV Finland? Dawada HIV waxay ku qiimaysantahay ugu dhawaan 15,000 Euro sanadkii. Finland gudaheega, meesha uu kunoolyahay qofka qaba HIV ayaa bixisa dawada. 6

Sidee ayuu HIV u saamaynayaa naftayda? HIV ma saamayn doono shaqadaada, waxbarasha, iyo rajooyinkaaga. Qofka qaba HIV waxa uu labalami karaa gabadh, guursankaraa oo carruur ayuu yeelankaraa. HIV kaama joojindoono inaad kunoolaato nolol wanaagsan. Hab nololeed caafimaad qaba ayaa muhiim u ah dadka la nool HIV, maadaama oo ay ka caawin doonto in difaacu uu xoogaysto. Waa muhiim inuu helo hurdo kufilan iyo jimicsi, iyo inuu si caafimaad qabta wax ucuno. Sida qofkasta oo kale, qofka qaba HIV waa inuu iska ilaaliyaa khamriga iyo sigaarka. Shaqada iyo waxbarashada Xanuunka HIV kaama hor istaagi doono inaad shaqaysato ama aad wax barato. Qof walbaaba wuxuu yeelan karaa go aankiisa gaarka ah haddii uu la wadaagayo warbixinta xanuunkooda dugsiga ama shaqada. HIV kaliya wuxuu caqabad ku noqonkaraa shaqooyinka qaarkood. Qof qaba HIV waxa uu u shaqaynkaraa kalkaaliye ahaan ama cunto kariye, tusaale ahaan. Tiiyoo loo eegayo talooyinka UN, wax tijaabo HIV ah lama samaynkaro si ay qayb uga noqoto imtixaanka shaqada kahor, xanuunkana looma isticmaali karo in lagu saleeyo diiditaanka shaqaalaysiinta qof. Shaqaalaha waa inaan loo takoorin sinaba sababta oo ah xanuunkooda HIV. Takoorida dhinaca shaqadu waa mid kasoo horjeeda sharciga. 7

8

Yay tahay inaan usheego? Ikhtiyaarka sheegida xanuunkaagu waa go aan aad iska leedahay. Qofka aad u galmoonaysaa waa inuu ogaadaa xanuunkaaga, laakiin looma baahna inuu dadka kale usheego, sida qaraabada ama saaxiibada, ilaa aad doonto inuu sheego. Waxay noqonkartaa fikrad wanaagsan inaad u ogolaato qofkuu dhaw inuu ogaado xanuunkaaga. Waa arin muhiim ah, oo inaad taageeero ka hesho dadka kuu dhawdhaw waxay noqonkartaa mid muhiim ah. Way yara adagtahay in dadka loo sheego qaadida xanuunka HIV. Caawin iyo taageero arintan ku saabsan ayaa diyaar ah, tusaale ahaan rugta caafimaadka ee AIDSka. Ma usheegi karaa shaqaale caafimaad xanuunkayga? Waa in aad wargalisaa shaqaale caafimaad xanuunkaaga. Waa fikrad wanaagsan qof qaba HIV inuu ku lahaado dhakhtar gaar ah xaruntooda caaafimaadka ama adeegyada caafimaadka ee shaqada silooga daweeyo xanuunada kale, sida dadka aan HIV qabin ay sameeyaan. Waa muhiim in dhakhtarada kudawaynayaa ay ogaadaan dawadaada HIVga, maadaama ay tani awood usiinayso inay hubiyaan in dawo kasta oo dheeraad ah oo suurta gal ahi ay ku haboontahay dawada HIVga. Dhammaan shaqaalaha caafimaadka, sidoo kale kuwa jooga goobaha caafimaadka ee shaqada, waa inay noqdaan kuwo lagu kalsoonyahay. Maamulada magaalooyinka qaarkood waxay leeyihiin xarumahooga daryeelka ikaha ee bukaanada qaba jooniska iyo HIV, laakiin dhamaan maamulada magaalooyinka kuwa qaba xanuunadan waxa lagu daweeyaa xarun lamida kuwa bukaanada kale. Sidoo kale waa suurta gal in la isticmaalo xarun daryeel ilkeed oo gaar ah. 9

10

Sidee iyo goorma ayaan usheegaa carruurtayda? Ma jiro wakhti cayiman oo ku haboon inaad carruurtaada usheegto canuunkaaga. Xiliaga saxda ahi wuxuu ku xidhanyahay da da ilmaha iyo xidhiidhyada qoyska dhexdiisa. Waa muhiim in la sheego warka kusaabsan xanuunka tiiyoo loo eegayo kariinka ilmaha, tusaale ahaan erayo aad u fudud carruurta yaryar. Dadka qaba HIVga qaarkood ma doonaan inay carruurtooda usheegaan xanuunkooda. Sikastaba ha ahaatee, carruurtu waa qosol oo waxay waalidkooda waydiinkaraan su aalo kusaabsan dawadooda iyo balamaha dhakhtarka marka ay waynaadaan. Tani waa sababta in carruurta loo sheegaa ay u tahay qarraarka uwanaagsan. In lala wadaago dhacdadan ilmuhu way adkaan kartaa. Taageero ayaa laga helayaa Golaha AIDSka. Ma samaynkaraa galmo? Qofkastaaba wuxuu xaq uleeyahay galmo caafimaadqabta oo lagu qanco. In la qabo HIV arintani dhibkuma keeni karto, sidaa awgeed, haa, qof HIV qaba waa uu galmoon karaa. Shayga muhiimka ah waa in la xasuusnaadaa badbaadada, isticmaalka kondhomka iyo dawada oo si caadi ah loo qaato. Sidee ayaan uga ilaalin karaa lamaanahayga inay qaado xanuunka? Waxaa jira habab badan oo loo galmoodo, oo halista gudbida HIVgu waxay kuxidhantahay galmo 11

aan wax idiin dhexeeyaa jirin oo ah dhinaca dambe ama xubinta taranka. Waxaa intaa dheer, halis yar ayaa kujirta galbada afka. Marka loo isticmaalo si sax ah, kondhomyadu waxay siiyaan ilaalin wanaagsan oo ka hortagi karta HIV iyo xanuunada kale ee galmada lagu kala qaado. Waa muhiim in la helo kondhom ku haboon naftaada iyo lamaanahaaga. Waxaad ku ogaan kartaa kaliya adiga oo tiijaabinaya. Kondhamka aadka uwayni waa uu kasoo bixi karaa meesha. Kondhom aad uyarina si fufudud ayuu ujeexmikaraa marka la isticmaalayo. Tukaanda, Tukaanada onlinka ah iyo farmasiyadu waxay bixiyaan tiro aad ubadan oo kondhom ah oo leh cabiro kala duwan iyo qaabab kala duwan. Jilciyayaal saliid ah ama silicone waa in lala isticmaalaa kondhomka. waxay kordhindoontaa raaxada oo waxay ka caawin doontaa kondhamka iyo gidaaradu inaanay dhaawacmin. Marka loo isticmaalo si sax ah, Kondhamku waa ilaalada ugu wanaagsan ee loogu kalsoonida badanyahay ee lagag hortagi karo HIV iyo xanuuunada kale ee STDga ah marka la samaynayo galmada. Waa muhiiim in laga gaashaanto HIV iyo xanuunada kale ee STDga ah marka la samaynayo galmada. Kondham ayaa loo isticmaali karaa sila iskaga ilaaliyo marka la samaynayo galmada afka. Galmada afka ee lagu sameeyo xubinta taranka ama xaga dambe, qalab ilaalo ah ayaa laga helaa tukaanada. Waxaad u badali kartaa Kondhamka shay lagu ilaaliyo ilkaha: 1. Kujar kondhamka afkiisa hore ilkahaaga 2) Dhig foolashaada daloolka oo kajar dhinac kondhamka 3) Uduub kondhamka qaabka laydiga 4) Dhig laydiga xubinta taranka ama dabada marka aad samaynayso galmada. 12

Sida loo isticmaalo kondhom: Eeg illaa taariikhda la isticmaali karo Si taxaddar leh ugu fur baakada sida sawirku muujinaayo. Hubi inaad u fidiso kondhomka dhanka saxda ah. Buuryada gadaal u buji. Wixii naqas ah ee kujira kondhomka ka bixi fiidiisa adoo isticmaalaya faraha. Kusoo fidi kondhomka guska oo kacsan. Weligaa laba kondhom ha wada gashan. 7. Isticmaal oo ku qoo biyo ama dareere silicone kusalaysan hadii ay macquul tahay. Arintan weliba waxay aad muhiim ugu tahay marka galmada duburka la samaynaayo. Inta galmada aad waddo oo dhan hakuu xirnaado kondhomka weligaana mar kale haisticmaalin mid aad mar isticmaashay. Guska kala bax durba marka biyo baxdo. Celi kondhomka marka aad lasoo baxayso guska si uusan u taraarixin oo uusan u dhicin, dabadeedna qofka aad u galmoonaysay aysan minadu u galin. Ku dar qashinka guriga kondhomka. Musqusha ha ku falaashin kondhomka. 13

14

Halista xanuunku waxay timaadaa hadii kondhamku kala jeexmo ama uu kasiibto marka lasamaynayo galmada. Haddii tani ay dhacdo, in laqaato dawooyinka kahartaga PEP waa suurta gal. Dawwoyinka kahortaga waxaa la siiyaa lamaanaha aofka qaba HIV si looga ilaaliyo fayraska inuu ugudbo jidhka qofka aan qabin HIVga. Dawooynka PEP maaha kuwo lagu badali karo Kondhomiska iyo galmada amaanka ah, mana aha dawo HIV. Dawada PEP waa in loo bilaabaa sida ugu dhakhsaha badan, ugu yaraan 48 saac ka dib soo galitaanka. Go aanka bilaabida dawada waxaa sameeya dhakhtar kutakhasusay xanuunada laka qaado. Dawadu waa u bilaash bukaanada, laakiin lama keeni karo tukaanka. Warbixin dheeraad ah oo kusaabsan dawada PEP, fadlan la tasho dhakhtarka xanuunada laka qaado ee ku dawaynaya. Xanuunada kale ee gamadu STDs ma saamayn doonaan gudbida HIV marka la samaynayo galmo aan ammaan ahayn? STDs badan, sida caano gocatada, jabtida, ama xabadu, waxay kordhinkaraan heerka fayraska ee qofka qaba HIV. Tani waxay kordhisaa halista gudbida HIV marka la samaynayo galmo aan ammaan ahayn. Haddii lamaane aan qabin HIV uu qaado STD kale, halista gudbida HIV aad ayay usaraysaa. Mayeelan karaa carruur? HIV ma saameeyo yeelashada carruurta; dadka qaba HIV waxay yeelan karaan qoys sida kuwa kalaba. Rajooyinka iyo xuquuqaha uu qofqaba HIV leeyahay si uu uga warwaro helitaanka qoys 15

kama duwana qofka aan qabin HIV. Marka la qorshaynayo uurka, waa in laga hadlaa arinkan wakhti hore dhakhtarka xanuunada laka qaado. Daawaynta gabadh ku jirta xiliga dhamada waa in la qorsheeyaa si loogu xisaabtamo suurta galnimada uurka. Haddii gabadhu ay leeday HIV oo ninkuna aanu lahayn, Habka kaliya ee loo samaynkaro uurka waxa weeyi Soo qaadida manida,taas oo manida loogu qaado xubinta taranka koob ama kondham iyada oo la isticmaalayo siriij marka uu dhacayo soo saarida ugxantu. Habkan, gabadhu way ku uuraysan kartaa iyada oo aan ninka ugudbinayn xanuunka. Haddii ninku uu qabo HIV oo gabadhuna aanay qabin, uurka waxaa lagu samaynkaraa galmo. Halista gudbinta waxaa loo yaraynkaraa si fiican haddii ninku uu qaadanayay dawooyinka HIV. Dawadu waxay yaraysaa heerka fayraska ee kujira manida. Halista waxaa sidoo kale loo yaraynkaraa iyada oo lasiinayo gabadha aan qabin HIVga dawooyin kahor tag ah marka la doonayo inay uur yeelato.ilmuhu ma noqonkaro mid xanuunka qaba haddii gabadhu aanay xanuunka qabin. Caalami ahaan, waxa suurta gal ahi waa maydhida ugxanta raga. Maydhida ugxanta hada lagama fuliyo Finland, laakiin ururka qoyska ee Finland ayaa kaa caawin doona inaad hesho adeegyada dibada adiga oo lacagta iska bixinaya. Xuquuqaha iyo masuuliyadaha Qofwaliba waa ka masuul hawlahiisa, sidoo kale xidhiidhada galmada. Sharciga sheegida warbixinta xanuunkaaga HIV, ubandhigida dadka kale halista HIV iyo gudbinta HIV way kukala duwanyihiin wadamada kala duwan. Dadka qaba HIV waa inay inta badanxanuunkooda ogaysiiyaan lamaanahooga kahor galmada si ay ugu ogalaadaan laamaanuhu inuu yeesho ikhtiyaarkiisa arintan. 16

Tiiyoo la eegayo turjumaada Xeerka Dambiga ee Finland, qofka qaba HIV waa inuu usheegaa lamaanihiisa xanuunkan inta aanu samayn galmada. Isticmaalka kondhamku meeshu kama saarto waajibkan. Turjumaada sharcigu way isbadali kartaa mustaqbalka dhaw. Inaad qaado HIV ma saamayndoonto suurta galnimadaada daganaasho helida Finland. Tani macnaheegu waxa weeyaan daganaasho helidaada lama aqbali doono ama lama diidi doono tiiyoo lagu salaynayo qodobada la xidhiidha HIV. Halkee ayaa laga helaa tageero ama caawimaad? GOLAHA AIDSKA EE FINLAND Golaha AIDSku waa urur khibrad u leh kaas oo kashaqeeya inuu ka hortago xanuunka HIV. Goluhu wuxuu siiyaa adeegyo dadka qaba HIV, dadka udhaw dadka xanuunka qaba, iyo kuwa kawarwarsan inay xanuunka qaadaan. Adeegyada heerkoodu hooseeyo ee uu bixiyo Golaha AIDSku waxaa kujira tijaabada HIV ee dagdaga ah iyo talo cod ama online ah. Waxaadka samayn kartaa tijaabada HIVga xarun kasta oo Goluhu leeyahay adiga oo wacaya ama online. waxaad ka samaynkartaa tijaabada HIVga xarunkasta oo Goluhu leeyahay adiga oo ballanta kusamaynaya tilifoon ahaan. Adeega telefoonku wuxuu shaqeeyaa Isniinta-Khamiista laga bilaabo 10.00 g.h. to 3.30 g.d., telefoon. +358 20 7465 705 Adeega onlineka ah waxaad ka helaysaa www.aidscouncil.fi / www.hivtukikeskus.fi Golaha AIDSku wuxuu sidoo kale bixiyaa xaalado iyo qaraaro taageero heer sare ah. Dhammaan adeegayda golaha AIDSku waa bilaa lacag, bilaalacag laguna kalsoonyahay. Adeegayada waxaad 17

ku heli kartaa afafka Finnish, Russian, Somali iyo English. Turjumaano ayaa la isticmaali karaa iyada oo la eegayo codsiga macaamiisha. Xafiiyada Golaha AIDSku waxay kuyaalaan Helsinki, Tampere, Turku and Oulu. Kooxda taageerada heerka sare iyo la qabsashada koorasyada tababarka ee Golaha AIDSka Kooxda taageerada sare iyo la qabsashada koorasyada tababarka waxay siiyaan fursad lagula kulmayo dadka kale ee HIV qaba iyo dadka udhaw dhaw iyaga. Warbixin dheeraad ah oo kusaabsan kooxda iyo koorasyada, fadlan la xidhiidh Golaha AIDSka. Other organizations: Taageero heer sare ah iyo ururka ilaalinta danta dadka qaba HIV iyo kuwa ku dhaw, iyo uruka bukaanka dadka qaba AIDS-ka. Positiiviset ry+358 9692 5441, www.positiiviset.fi Suomen Punaisen Ristin (SPR) hiv-neuvontapuhelin +358 2032 7000 Isniinta Khamiista between 5.00 g.d and 8.00 g.d. Goobaha Bisha Cas ee Finnish Pluspiste oo ku Jyväskylä, Joensuu, Kuopio and Seinäjoki Adeegyada machadka HIV ee Helsinki Deaconess (Munkkisaarenkatu 16 00150 Helsinki) iyo telefoonka xarunta la tashiga caamimaadkat, +358 50 502 7582 18

Qaamuus Heerka fayraska HIV = Heerka fayraska HIV waxay caddaysaa xadiga fayras ah ee kujirta hal mililitir oo dhiigah xiliga la cabiryo. Galmada aan ammaanka ahayn, halista gudbinta xanuunka HIV waxay ku xidhantahay xadiga fayras ah ee hada kujirta dhiiga. Marka heerka fayrasku uu hooseeyo, halista HIV sidoo kale way hoosaysaa. Xaalada halista ah = Xaalada halista ahi waxay la xidhiidhaa suura galnimada gudbinta HIV ama STD kale; galmada xubinta taranka ama afka iyada oo aan la isticmaalayn kondham, ama in la taabto dhiig qof xanuunka qaba. Tijaabada dagdaga ah = Tijaabada HIVga ee dagdaga ah, natiijada waxaa lagu heli karaa 1-20, iyada oo ku xidhan tijaabada la isticmaalay. Tijaabadu waxay ku xidhantahay ka hortagayaasha HIV ee dhiiga (HivAb) ama qaybaha fayraska iyo kahortagayaasha fayraska (HivAgAb).Natiijada mayada ah ee lagu helo tijaabada dagdaga ah ee HIV guud ahaan waa mid la isku halayn karo saddex bilood kadib xaalada gudbida ee suura galka ah. Kahortagayaasha Dhiiga kujira = Baadhitaanka xanuunka HIV waxay kusalaysantahay baadhida kahortagayasha HIV. jidhku wuxuu bilaabaa inuu soo saaro kahortagayasha HIV si dhakhsa ah kadib marka xanuunka la qaado. Kahortagayaasha waxaa lagu arki karaa dhiiga ugu dambayn saddex billod kadib qaadida xanuunka. Unuga CD4 = Unuga T4 (unuga caawiyaha) wuxuu hagaajiyaa habdhiska difaaca isga oo garanaya waxyaabaha dibada inagasoo gala oo ka caawiya unugyada kale ee cadcad ee dhiiga inay burburiyaan dulinyada. Waa unugyada CD4 kuwa uu weeraro HIV. Tiradooda jidhku waxay kujirtaa natiijooyinka shaybaadhada kuwaas oo loo isticmaali karo in ogaado hore usocodka HIV ee jidhka. PCR = Polymerase Chain Reaction waa hab lagu ogaanayo xadiga xida sidayaasha HIV, tusaale ahaan tirada fayras ah, ee dhiiga kujirta. Habkan tijaabada ah waxaa la isiticmaalaa kahor inta aan labilaabin dawada, la socoshada dawada, iyo siloo go aamiyo jiritaanka noockasta oo fayras ah oo u adkaysta dawada. Habkani waa u muhiim la socoshada waxtarka dawada HIVga. xaalado gaar ah, tijaabada PCR waxaa loo isticmaalaa inlagu ogaado xanuunka HIV. 19

CALAAMAD GOLAHA AIDSKA EE FINLAND Unioninkatu 45 K, 00170 Helsinki Laynka warbixinta Golaha AIDSka iyo buug garaynta balanta ee tijaabada HIV +358 20 7465 705 (Isniinta-Khamiista from 10.00 g.h. to 3.30 g.d.) www.hivtukikeskus.fi www.aidscouncil.fi