Latalin ku saabsan deggenaanshaha

Samankaltaiset tiedostot
Adeegga Kanta waxa uu ku socdaa nuunuuga illaa awooga iyo ayeeyda

SOMALI. Ka qayb qaado!

Deegaan lagu raaxeysto

GURIGAYGA DABAQA AH HAGAHA DEGANAYAASHA JAWIGA FINLAND IYO DHISMAYAASHOODA

Buugeyga xusuusta. Sooshalkayga: Tel: Hawlwadeenkayga sooshalka: Tel:

Buuggayga xasuus qorka

Vammaisen. palveluopas TILMAANSIIYAHA ADEEGYADA EE LOOGU WADDANKA U SOO GUURAY. Vammaisfoorumi ry. Ururka foorumka naafada (Vammaisfoorumi ry)

Ku hagista habka degganaanshada ee dadka ajaanibta ah

HAGAHA. xigto daryeelaha ee ku qoran luqadda hufan. Waan caawiyaa xigtadeyda xageen ka helaaa nafsad ahaanteeyda caawinaad?

Ma la kulantay takoorid ama cunsuriyad?

Hagaha waxaa isagoo qaab elekterikal ah looga helaa islamarkaasna laga daabacan karaa bogagga internetka ee magaalada Hämeenlinna.

Sharciga sinnaanta. -sanduuqa qalabka la dagaalanka takooridda. SEIS Suomi Eteenpäin Ilman Syrjintää

QAAMUUSKA ARRIMAHA BULSHADA

KU SOCOTA AKHRISTAHA

Sidee guriga loogu hirgeliyaa daryeel daawo oo ammaan ah?

SOMALIN KIELEN OPPIMATERIAALI Digimateriaali

WARBIXIN LOOGU TALA GALAY MACAAMIISHA CUSUB EE XAFIISKA SHAQABIXINTA IYO WAX SOO SAARKA

Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin. Gergaarka deg dega ah. Daad gureyn/qaxin/faaruqin/banneyn fadhi u ah

Lakashifay/daah laga qaaday ama marka gaari lajiidaayo laguxiro. Sun aad udaran dadka disha Macdan/wax aan dabku kareenin/karin

Warbixinta ajaanibka ee dee gaanka dabiiciga ah

Käsikirjoittajat: Fadumo Bile Jama Abdulkadir Hamdi Abdalla

Ku soo dhowow Finland

Kuluttajaliitto - Konsumentförbundet ry. Nidaamka kirooyinka. Talooyin loogu talagalay dadka wax kireysanaya iyo kuwa wax laga kireysto

HAGIS CARUURTA LAGU HAYO XANAANADA KA HORTEGISTA JIROOYINKA FAAFA IYO DARY- EELKOODA

Su aalo-weydiinta isqiimeynta ee awoodda shaqada iyo waxqabadka

JIMICSIYADA DARDAR- GELINTA MASKAXDA

Mashruuca ETNIMU, Koorsada horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 4aad. Farxada maskaxda

Q A A M U U S I S L A A M I A H:

Somalinkielinen kasvatusvihko vanhemmille Barbaarinta caruurta iyo waalidnimada. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola

Badbaadadu waa qaadista tallaabooyin taxaddar ah oo yar yar maalin kaste. Warbixinta iyo tilmaanbixinta ka hortagga shilka iyo xaaladaha degdegga ah

Hagaha dadka dalka u soo guuray HÄMEENLINNA

SOMALI SUOMI TERVETULOA OULUUN

Warbixinta Habka Cadaaladda Danbiga ee Dhibanayaasha YARYAR ee la Dulmiyay

Hurdo iyo hurdo xumo

Af Soomaali - somali. hage ganacsi. Kaganacsiga dalka Finland

Kala duwaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska islaamka iyo hab dhaqameedkooda Kontiolahti iyo

Qalqalka xusuusta, xanuunada xasuusta, hilmaanka

Ma hadli karnaa? Mashruuca

Barnaamijka ETNIMU, koorso horumarinta caafimaadka maskaxda qeybta 5aad. Dareemada.

WARAR LOOGU TALAGALAY DADKA MAGANGELYADA CODSADAY

Seminaarka barayaasha afka soomaaliga ee waqooyiga Yurub 2011

YHDISTYS- JA HANKETYÖN SUOMI ENGLANTI SOMALI SANASTO QAAMUUSKA FINNISH INGRIIS SOOMAALI URURADA- IYO MASHRUUCYADA

SOMALI. Tilmaanbixiye. ku saabsan waxbarashada iyo shaqooyinka oo loogu talaggalay dhallinyarada dhaqammada kala duwan ka soo jeeda

Kala duwanaanshaha dhaqamada iyo waxa la-iska aamino Qoyska kurdida iyo hab dhaqameedkooda

HAWEENKA! - NAISET SOMALIAN SODASSA JA RAUHASSA

AFKEYGU WAA GARAADKEYGA SOMALI

Rikosseuraamusalan sanastoa

JÄRJESTÖTIEDOTE Toukokuu 2012

Kajaanin kaupungin varhaiskasvatuksen kotouttamisohjelma 2013

Säännöt/Shuruudaha Solay. Säännöt/Shuruudaha Solay

Vinkkejä asumiseen. Hei asukas! Tässä oppaassa on tietoa vuokra-asumisesta.

1. Kaikki kaatuu, sortuu August Forsman (Koskimies)

Ohjeita asumiseen svenska, english, soomaali, eesti Google :)

Suomi somali suomi sanakirja. Qaamuus finnish soomaali finnish. Laatinut. Abdirizak Elmi. Diyaariyay. CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ina Warfaa

MAAHANMUUTTAJALAPSET TULKKEINA

Marina Kostik. Joulu. Naiskuorolle

AIKAKAUSLEHDET. tammik. Suomen Suurin SiSuStuSlehti. Kevään. värikkäät astiat. Talvi 1/0. arke. herkut. retkel MAK

KÄÄNNETTYJÄ SOMALIALAISIA SATUJA JA ÄITIEN AJATUKSIA SATUJEN MERKITYKSESTÄ LASTEN KEHITYKSELLE

arjen aakkoset a c luku- ja kirjoitustaidon opiskeluun Petra a u t i o e va Lönnbäck Arjen aakkoset turun kristillinen opisto 2012

Usko, toivo ja rakkaus

K Ä Y T T Ö S U U N N I T E L M A Y H D Y S K U N T A L A U T A K U N T A

Maahanmuuttajien neuvontapiste Myyringissä

Myllypuron koululaisten harrastusopas

Kirjainkiemurat - mallisivu (c)

Kaikki kuuluu Värinä

MAMULA OPAS ALLE KOULUIKÄISTEN MAAHANMUUTTAJALASTEN VUOROVAIKUTUSTAITOJEN TUKEMISEEN

I Perusteita. Kuvien ja merkkien selitykset Aika arvot Lämmittelyharjoituksia Rytmiharjoituksia Duettoja...

PSYKOTERAPIAISTUNTOIHIN LIITTYVÄ SANASTO Suomi somali-sanastotyö

FORD KA KA_202054_V5_2013_Cover.indd /06/ :59

Rakennepoikkileikkaus 1:100

HYVINKÄÄN KAUPUNKI KUNTATEKNIIKKA

Lataa Hiljaiset alueet Vantaalla - Timo ym Karjalainen. Lataa

Tällä viikolla / This week / на этой неделе:

Syrjintätapausten kerääminen ja tietoisuuden luominen - hanke SEVITYSRAPORTTI

JÄTETÄÄNKÖ VÄHEMMÄLLE? sähköinen versio löytyy

ML 25 Valmistelija ja esittelijä: Marina Bergheim-Ahlqvist, Lähi- ja virkistysmetsät ha

Lataa Lääkkeet ja suu - Timo Heinonen. Lataa

Lataa Luonnon omat lääkkeet - Maria Treben. Lataa

YOUTH SERVICES INFORMATION, SUP- PORT AND ACTIVIES TO YOUNG PEOPLE NUORISOTYÖ TIETOA, TUKEA JA TOIM- INTAA NUORILLE NOORSOOTÖÖ TEAVET, TUGE JA TE-

t P1 `UT. Kaupparek. nro Y-tunnus Hämeenlinnan. hallinto- oikeudelle. Muutoksenhakijat. 1( UiH S<

Myllypuron koululaisten harrasteopas

Lataa Universumi sisällämme - Neil Shubin. Lataa

ILOMANTSIN KOULULAITOKSEN VIRAT

Meditaatioita Kristuksen kärsimyksen salaisuudesta

KULTTUURITAUSTAN JA TULKKAUKSEN MERKITYS SOMALINAISTEN SYNNYTYKSISSÄ

Lataa Tampereen kaupunkiluonto. Lataa

Lataa Kalat - Aivo Blum. Lataa. Lataa kirja ilmaiseksi suomalainen Kalat Lataa Luettu Kuunnella E-kirja Suomi epub, Pdf, ibook, Kindle, Txt, Doc, Mobi

Omassa kodissa omilla mausteilla

Valmistelu: suunnittelupäällikkö Kari Hällström. Katuosasto esittää tarkistettavaksi palvelu- ja vuokramaksunsa (suluis sa voi massa olevat hinnat):

Valmis viestintämalli monikieliseen kuntatiedotukseen

UUSI KIRKKOVUOSI UUSI LASTEN VIRSI UUSI ILO MESSUUN! Aineistoa 1. adventin perhemessuun

TALOUSARVION 2015 MUUTOS / HUOVILAN KOULUN ILTAPÄIVÄTOIMINTA / OPETUS- JA VARHAISKASVATUSPALVELUT

SISÄISTEN VUOKRIEN LASKUTUS Laskutuskuukaudel Vuokra-ajalta

Lataa Märta Baerin tarina- suom. näkök. amalg - Timo Elo. Lataa

Lataa Terveydenhuoltolaki - pykälistä toiminnaksi

Naantalin kaupungin äänestysaluejako

Lataa Kotinurkilta kallioille. Lataa

Transkriptio:

Hai degenaha! Halkan waxad ka helaysaa warbixin ku saabsan sida loo degenaado guryaha-ijaarka ah. Latalinta waxaad ka helaysaa meelahan Sida wanaagsan ee loola deggenaado dariskaaga Daryeelka iyo nadiifinta guriga Dhawrista lacagta iyo deegaanka. somali Latalin ku saabsan deggenaanshaha Hagistan waxaa si qaas ah loogu talagalay dadka deggan guryaha, nooca ijaarka ama danyarta. ISBN 978-952-223-792-7 www.4v.fi

Waxa aad xaqa uleedahay iyo waajibka ku saaran Waxaad xaq uleedahay in aad nabad ku noolaatit kuna raaxaysatid gurigaaga. Waxaad kaloo xaq uleedahay in aad ka qayb qaadatid arimaha ku saabsan degaankaaga. Waajibka oogu wayn ee ku saaran waa in aad bilkasta bixisaa ijaarka guriga. Xusuusnow in aad xilligii loogu talagalay ku bixisaa biilasha kale ee ku saabsan guriga sida baarkinka baabuurka, saunada, iyo meesha dharka lagu wada dhaqdo. Ka qaybqaado dhacdooyinka ka dhaca degaankaaga Dhadooyinkaas waxaad isku baranaysaan deriska degaankaaga. Ka qaybgalka dhacdooyinkaas darteed ayaad saamayn ku yeelan kartaa go`aamada laga gaaro deegaankaas tusaale ahaan meelaha laysla wadaago. Dhacdooyinka ama waxyaalaha ka dhacaya degaankaaga waxaad ka ogaanaysaa boorka ama sabuuradda wax ogaysiinta. guddiga deegaanka = waxqabadka dhismaha Guddiga deegaanka ajaa ah magaca sida sharciga ah loo isticmaalo. Laakiin waxaa kaloo loo isticmaalikara Magacyo fara badan. Ku dhaqan sharciyada u degsan guriga aad deggantahay. Sidaas ayaad nabad iyo nolal raaxa leh oogu noolaan kartaa. Gurigaaga adaa ka mas`uul ah. Daryeel gurigaaga: nadiifi kana ilaali jabniinka. Ijaarlaha ayaa mas uul ka ah dhibaatada asaga ama ay martidiisu la timaado. U soo sheeg markasta kuwa guriga dayac tira wixii giriga ka halaysan ama ka jaban. Meeshaas ayaa lagaaga soo sheegayaa wixii macquul ah loo la samaynayo. Guddigaas dadka ka tirsan ayaa go`aaminaya arimaha degaankaas, iyo sidii loogu dhaqmi lahaa meelaha laysla wadaago, waxay kaloo ay qabanqaabiyaan dhacdooyinka iyo xafladaha lagu qabto barxadda guriga. Haddii aad ilowdo ama kaa lumo furaha gurigaaga albaabka kore ama sabuuradda gu dheggan hoos ayaad ka helaysaa meeshii ama qofkii aad caawimaad waydiisan lahayd. Sannadkii mar ayaa laguugu yeerayaa shir, shirkaas oo lagu dooranayo qofka u kala dhexeeyo ijaarlaha iyo kuwa guryaha iska leh, iyo guddiga deegaankaas Guddiga degaanka waxa ay xiriir wada shaqayn ah la leeyihiin qofka dhismahaas madaxda ka ah (isännöitsiga) waxa ayna u gudbiyaan figradaha dadka meeshaas deggen.

Deriskaaga Barkinnada baabuurta Bariidi ama salaan deriskaaga Wax wayn ma ubaahna in meeshaas raaxo loogu noolaado. Haddii qaylada ama dhawaqa derisku ku dhibo si wanaagsan oo nabad leh oogala hadal dariskaaga arintaas. Haddii ay rabshadaas ama dhibkaas sii socoto qoraal ahaan u gaarsii arrintaas qofka dhismaha madaxda ka ah ama guddiga degaankaas. Xayawaanka Baabuurkaaga ku baarkingaree baarkinka loogu talagalay baabuurta, kuna dhaqan amarada lagu faray. Baaskiilka ama bushkuleetiga dhig meesha la dhigo ama ku xaree baqaarka baskiilada. Jaranjarada Ilaali nadaafadda jaranjarada. Sharciga ka badbaadista dabka awgiis jaraankajada lama dhigi karo gaariga lagu riixo carruurta, bahasha ay carruurrtu xilliga barafka ku taraaraxaan ama alaabo kale. Ka ilaali qaylada badan jaraanjarada. Gurigaaga waad ku haysan kartaa xayawaanka marka aad maraysid jaranjarada, ama barxadda gurigaaga waa in aad xayawaanka xirtaa, waana in aad saxaradiisa nadiifisaa ood ku ridaa qashinka. Meelaha laysla isticmaala waa meel ku farxad galinaysa Baqaarada Guryaha inta badan waxa ay lee yihiin baqaar u gooni ah wax baana lagu kaytsadaa. Si aad alaabtaada u dhawrato waxaad ku xiran kartaa quful. Baqaarka laguma kaydin karo alaad si sahal ah dab ooga dhalankaro ama alaab qatar ah. Saunada Guryaha dabaqyada meelahooda laysla isticmaalo waa meelo ka dhaxayso dadka oo dhan. Ku talagal dadka kale ee kula isticmaala waana in aad nadiifisaa markaad isticmaashid. Sigaarka waa ka mabnuuc in lagu cabo gudaha iyo bannaanka dariishada ama daaqada hoosteeda. Ku dami sigaarka weelka ama meesha lagu damiyo. Barxadda Barxada nadiifta ah qashinka waxaa lagu ridaa meesha qashinka, bacda qashinka waxaa lagu ridaa meesha dedan ee loogu talagalay qashinka. Waa in aad qadarisaa geedaha, dhirta, ama ubaxa ku yaal bannaanka. Saunada waqtigeeda waa in aad sii ballansataa kana ballansataa xafiiska guriga kaa ijaaray. Waa in aad saunada gashaa oo kaliya xilliga aad ballansatay oo kaliya waana in aad ilaalisaa nadaafadda. Meesha dharka lagu dhaqo laguna qalajiyo Ballanta horay usii qabso, kuna qor magacaaga buugga meesha yaal. Meesha qalajiska waxaa loogu talagalay in dharka lagu qalajiyo. Markay kuu qalalaan waa in aad ka qaadaa meesha.

HAGAAJI GURIGAAGA Latalintan ayaad gurigaaga raaxo iyo nabad oogu noolaan kartaa. Nadaafadda darteet waa in aad ogaataa in boorka ama dhasta ay dhaliso dab ayna dadajiso cimriga qalabka guriga kuu yaal isticmaalkooda. Jikada Labadii biloodba mar waa in aad nadiifisaa makiinadda cuntada korkeeda shabaqa ku jira ee qiiqa qaada. Saliida cuntada ama haraaga raashinka ha ku ridin meesha alaabta lagu dhaqo, waxa ay xirayaan meesha ay maraan biyaha wasaqda ah. Saliida ku shub weel xirmaya oo fur leh, kadib xir furka kuna rid qashinka, laakiin dufanka kale ee adag ku rid qashinka gooniga ah ee loo gu talagalay in haraaga raashiinka lagu rido. Nadiifi qaboojiyaha. Cuntada halawdayna ku rit qashinka qaybta cuntada lagu rido Haddaad si joogta ah u nadiifisid foornada iyo makiinadda cuntada waqti dheer ayaad si wanaagsan u isticmaali kartaa. Sannadkii mar waa in aad soo bixisaa makiinada cuntada ood hoosteeda nadiifisaa. Musqusha ama suuliga Haku ridin godka musqusha, faashad, xafaayad, suuf, timo, carada ama ciidda mukulaasha (bisadda) ama cuntada sababtoo ah waxay xirayaan ama awdayaan duleelka saxarada qaadda. Haddii uu xirmo godka musqusha waa in aad wargelisaa ninka qaabilsan dayactirka guriga marwalba markii ay tuumbada ama musqushu biyo daadinayso wargeli ninkaas. Bishii mar nadiifi godka ay maraan biyaha qabayska sidaas ayaad ooga ilaalin kartaa in uusan godkaas xirmin. Sidoo kale waa in adiga aad nadiifisaa meesha alaabta ama wajiga lagu dhaqdo qaybtiisa hoose ee urka celiso. Marka aad guriga ka tagaysid waa in aad demisaa makiinadda dharka ama labaabta dhaqdo waana in aad xirtaa tuumbada biyaha, marka aadan isticmaalaynin makiinadahaas. Waxaa laga yaabaa in tuumbada makiinadda ee ku xiran tan biyaha ay fuqdo ama ka baxdo haddii ay tuumbadu xirnayn waxaa imaanayo qasaaro ah in biyuhu fatahaan ama butaacaan. Haddii uu nalku kaa gubto ama kaa jabo waa in aad adiga mid cusub soo gadataa ood badashaa

Caymiska guriga Si aad alaabtaada iyo gurigaaga u badbaadisit waa in aad guriga gelisaa caymis, kana gashataa kambaniyada wax caymiya, si taxadar leh isaga hubi kambaniyadaas sharciyadooda. Dayactirka guriga Haddii aad doonaysid in aad rinji marisid gurigaaga ama aad dayactiraysi waa in aad marka hore ogolaansho waydiisataa qofka dhismahaas mas`uulka ka ah (isännöitsiga). Guryaha ijaarka ah waxaa ogolaansho kusiin kara qofka guriga leh. U gado gurigaaga bustaha dabka lagu damiyo, si aad oogu damiso haddii uu dab yar guriga ka dhaco. Bustahaas waa in aad ka soo laalaadisaa jikada darbigeeda. Hadduu dab dhaco Badbaadi naftaada iyo wixii kale ee qatarta ku sugan. Dir taleefanka gargaarka deg-gega 112. Xir albaabada iyo daaqadaha. Qolyaha dab damiska tus meesha uu dabku ka dhacay. Anteenada Dhismuhu waxa uu leeyahay anteeno ka dhaxaysa guryaha oo dhan ama kaabaliga, Waydiiso ogolaansho (isännöisiga) haddii aad rabto in aad saxanka ku xirato. Nabadda Lambarka gargaarka deg-dega waa 112. Dir lambarkaas haddii aad qatar gasho waa marka adiga ama qofkale, caafimaadkiis, maalkaaga, ama degaankaaga uu qatar galo. Dirista taleefankaas waa bilaash, mana u baahnid in aad lambarkale ka hormariso. Sharciga ayaa oranaya waa in gurikasta uu lahaadaa, qalabka dabka dadka ooga digo, haddii uu san gurigaagu lahayn waa in aad adiga gadataa. Bilkasta waa in aad tijaabisaa in ay shaqaynayso iyo in kale. Marka uu batariga ka dhamaado waa in aad badashaa.

KA FIKIR LACAGTA IYO DEEGAANKAAGA Korontada iyo wax yaalaha kale ee lashito waxa ay u darantahay cimilada ooy wasaqeeyaan waxa ayna saa idiyaan isbedelka ku dhaca cimilada. Haddii aadan si xun oo qalad ah u isticmaalin korontada waxaa badbaadayso lacagta iyo cimilada. Markaad yareesid isticmaalka korontada waxaa yaraanaya biilka korontada Kulayliska la kululeenayo guriga iyo aruurinta qashinka waxaa ku baxa dakhli, waxa ayna saamayn ku samaysaa lacagta ijaarkaaga. Tusaale ahaan haddaad bannaaka ku tuurtid kuraas, miis, ama armaajooyin, ama xilliga qaboobaha aad wax badan furtid daaqadda, dhismaha aruurinta alaabtaas lacag ayaa kaga axayso, waxaana lagayaabaa in ijaarkaaga la qaaliyeeyo. Kala sooc qashinka Guriga gudihiisa waa in aad ku kala soocdaa qashinka kuna rid qashin kasta meeshii loogu 10 talagalay. Sida loo kala sooco qashinka waxaad ka ogaanaysaa degaankaaga kambaniyada 11 qashinka qaado. Kuraasta, miisaska, armaajooyinka, waxyaalaha qatarta leh iyo qalabka ku shaqeeya korontada lama dhigi karo dhismaha meesha qashinka lagu tuuro. Haddaad rabto in aad alaabtaas tuurdo waxaad faahfaahin ka helaysaa warbixintan qaybta dambe meesha ay ku qorantahay Jätteet (qashinka).

Kuleelinta iyo qaboojinta Sida caafimaadku kujirto waa in kulaylka gurigu ahaado 20 22 C. Haddii uu qolku aad u qabow yahay ama u kulul yahay waa in aad batariga kululeeya qolka aad meesha laga wareejiyo ka wareejisaa. Haddii ay dhibaato ka timaado la xariir ninka guriga dayac tira ama isännöisiyaha. Waa in aad fariisarka sannadkiiba mar ama marka uu geesihiisa barafka ka buuxsamo uu la ekaado ilaa 1 cm aad dhalaalisaa Batariga hortiisa haddii lagu qariyo daah dheer waxa uu celinayaa kulaylkii batariga hortiisana waa in ay alaabtu ujirtaa in ka badan 10cm. Hadduu batarigu daadinayo biyo ama uu leeyahay qaylo, la xariir dayactiraha. Markaad rabto in guriga hawadiisa badashid waa in aad furtaa qolal kala duwan aaqadahooda dhawr minit. Isticmaalka korontada iyo biyaha 12 Demi kotontada iyo qalabka ku shaqeeya korontada haddaadan isticmaalaynin. Biyaha yaysan iska furnaanin. Si dhaqso ah u qabayso Sidan ayaad biyaha ku tashiili kartaa markaad alaabta dhaqaysid: meesha ku xir furka, biyo kushub kadib kudhaqo alaabta. haddaad alaabta ku dhaqdo biyo dareeraya haddana aad ka raciso, biyo badan ayaa qasaaraya. 13 Waa in aad tijaabisaa xaraaradda qaboojiyaha in ay sax tahay. Xaraaradda loogu talagalay waa + 5 C firiisarkana waa 18 C. Markaad dharka ama alaabta ku dhaqaysid makiinadda waa in ay makiinaddu buuxdo, sidaas ayaad ku tashiili kartaa enerjiga. Waxaan kuu rajaynaynaa in aad nolol fiican ku qaadatid gurigaaga!

WARBIXIN DHEERAAD AH 1. Deganaanshaha guryaha ijaarka, dhacdooyinka la qabto, iyo dimoqraatinimada. www.ara.fi > ARA-asuntokanta > Vuokra-asunnot > Asukasdemokratia (af-finish, af-iswiidhish, iyo af-ingiriis) 2. Tashiilka enerjiga: www.motiva.fi > koti ja asuminen (af-finish, af-iswiidhish, iyo af-ingiriis) 3. Qashinka: Wadanka oodhan meelaha lageeyo qashinka ama alaabta (af-finish) www.kierratys.info Warbixin ah sida qashinka loo yareeyo iyo sida loo kala sooco (af-finish, af-iswiidhish, iyo af-ingiriis) www.hsy.fi > jätehuolto Sida loo kala sooco qashinka iyo warbixino kale (luuqado kala duwan) www.pakolaisapu.fi Etusivu > Tietopankki > Pakolaisavun toiminta > Kotilo > Kotilon materiaalipankki Qoraha: Päivi Välimäki iyo 4V-hanke Turjumidda luuqadda soomaaliga: Pirkanmaa tulkkikeskus Sawirka iyo farsamada: Sanna Saastamoinen ISBN 978-952-223-791-0 somali (nid) ISBN 978-952-223-792-7 somali (pdf) Sannadkii 2008 2011 waxaa hirgalay borojektigan 4V: Välitä (ka taxadar), Vaikuta (saameen kuyeelo), Viihdy (ku raaxayso), Voi hyvin (wanaag ku jir) wada shaqaynta iyo ka taxadarka deegaanka waxa ay aasaas u tahay ku noolaanshada nolol wanaagsan iyo deegaan wanaagsae ee Maagalamadaxda iyo agagaarkeeda, borojektigan waxaa iska kaa shaday magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa iyo waliba Magaalamadaxda iyo agagaarkeeda qaybta layiraahdo kierrätyskeskus Oy. Borojektigan waxaa fangareeya lacagta EU-da, ururka kaa caawinaya sidii aad xirfaddaada usoo bandhigi lahayd ama u shaqaysan lahayd qaybtiisa koonfurta Finladn EAKR-qorshaynta iyo ururka iskaashatada Uudenmaa qaybta maalgelinta shicibka. Warbixintan hagista ah iyadoo kumbuyuutar ahaan u qoran waxaad ku helaysaa luuqadaha kala ah finish, ingiriis, ruush, carabi, iyo soran waxaad ka helaysaa cinwaankan: www.4v.fi. > julkaisut 4. Warbixinta Finland 14 Warbixin kusaabsan nolosha finland (15 luuqadood oo kala duwan) www.infopankki.fi 15 Warbixintaas ayadoo luuqad fudud ah waxaad ku dhagaysan kartaa luuqadaha kala ah (af-finish, af-iswiidhish, iyo af-ingiriis) papunet.net >selko > tietoa